Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Dhamaystiray Magacaabista Guddiyada Farsamo Ee Jabuuti Ku Shiraya

0
Monday June 29, 2020 - 14:09:07 in News by
  • Visits: 2947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Dhamaystiray Magacaabista Guddiyada Farsamo Ee Jabuuti Ku Shiraya

    Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Dhamaystiray Magacaabista Guddiyada Farsamo Ee Jabuuti Ku Shiraya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Dhamaystiray Magacaabista Guddiyada Farsamo Ee Jabuuti Ku Shiraya


Hargeysa(HWN):-Sida uu dhigayay heshiiskii Wufuudda Somaliland iyo Soomaaliya ay Jabuuti iskula qaateen, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayay wararku sheegayaan in uu dhammays tiray Liiska magacyada Guddi Hoosaadyada uga qayb gali doona Somaliland wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay maalmaha soo socda wajiyadiisa kale dib u bilaabmaan dalka Jabuuti.

Itoobiya oo War kasoo saartay kulankii dhexmaray MD Farmaajo iyo ...


Ilo wareedyo Xog-ogaal ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in Madaxweynuhu diyaariyay xubnaha noqon doona Guddi hoosaadyada farsamo (Technical Sub Committee) ee sii amba qaadi doona wada xaajoodkii aynu la lahayn Somaliland kuwaasi oo dhawaan u safri doona waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qayb galaan wareegga xiga ee guddi hoosaadyada Farsamo ee sii ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee gaar ahaan la xidhiidha arrimaha dib loogu dhigay in kulamadaasi ay guddiyadani ka shawraan.


Xubnaha Madaxweyne Muuse Biixi u xushay Liiska Guddiyada wada hadallada Somaliland ee Arrimaha Hawada, Deeqaha Caalamiga ah, siyaasadda iyo waliba Amniga, inkasta oo aanay Madaxtooyadu si rasmi ah u shaacin, haddana wararka hoose ee arrintan la xidhiidhaa waxa ay tibaaxeen in ay ka kooban yihiin xubno xukuumadda xilal ka haya, xubno ka socda Ururrada Bulshada rayidka ah, siyaasiyiin iyo Aqoonyahan kale kuwaasi oo la filayo in magacyadooda dhawaan si rasmi ah madaxtooyadu u shaaciso.


Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Iyana sheegaya in Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu isna dhiniciisa ka diyaarsaday guddida u matali doonta wareegyadaasi kale ee dalka Jabuuti ka qabsoomi doona maalmaha soo socda sidii ay ballantu ahayd.


Guddiyadan labada dhinac ka kala socda ayaa waxa ay noqon doonaan kuwo ka wada xaajooda saddex Arrimood oo lagu faahfaahiyay qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ee ugu dambeeyey kuwaasi oo kala ah:


  1. Guddida wada xaajoodka ee ka wada hadali doonta sida ay Somaliland iyo Soomaaliya u qaybsanayaan kaalmooyinka dhaqaale, iyo gargaarka caalamiga ah ee lagu soo bixiyo magacii Soomaaliya.
  2. Guddida ka wada xaajoon doonta Arrimaha Hawada
  3. Guddida sidoo kale Iyana ka wada hadli doona Arrimaha Nabad galyada.

Waxaana xusid mudan in dhammaanba guddiyadaasi la qorsheeyey in ay muddo 15 Maalmood ah kadib kulmaan laga soo bilaabo maalintii war murtiyeedka laga soo saaray shirkii dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay Waddanka Jabuuti.

Loading...
Loading...