Xornimooy Ku Mee? W/Q: Cabdikariin Shardi

0
Monday June 29, 2020 - 11:39:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xornimooy Ku Mee? W/Q: Cabdikariin Shardi

    addaba, marka aynu doneyno in aan wax ka ogaanno farqiga u dhaxeeya dalkeena lixdankii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

addaba, marka aynu doneyno in aan wax ka ogaanno farqiga u dhaxeeya dalkeena lixdankii






Lixdan sano ka dib, xorninada Soomaaliya waxaa dul taagan weydiimo adag. Weydiimo kulul oo aan cayaar lagu dafiri karin. Weydiimo aan ismoogeysiis iyo jilliin looga dhaqaaqi karin. Weydiimo ay dantu tahay in si dhab ah la isku dul taago, warcelin saafi ahna loo helo. Inkasta oo ay nasiibdarro weyn tahay in lixdan gu' ka dib wax la iska weydiiyo gobonnimada dalka, haddana waa innagu waajib in aynu baadigoobno warcelintooda. Xalku kuma jiro hees la qaado, xaflad la qabto, calan lagu labisto iyo waddaniyad qiireysan oo maalin-soo-dhac ah. Xalkuse waxa uusan ka fursaneen in si hufan oo haadsan loo wajaho xaqiiqda jirto, xalkuna wadajir loo baadigoobo.

 

Si kastaba, habeenimadii 26dii Juun ayay ahayd marka ay gobollada Waqooyi ee Soomaliya ( British Somaliland) gobonimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska. Afar maalmood ka dib 1dii Luulyo ayay iyana gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ( Italian Sonalilad) xornimada ka qateen gumeystihii Talyaaniga. Isla jeerkaas ayay midowgii marxabada lahaa iyo midnimadii labada gobol dhacday. Waxaana halkaas looga dhawaaqay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Haddaba, marka aynu doneyno in aan wax ka ogaanno farqiga u dhaxeeya dalkeena lixdankii ka hor iyo hadda, oo aynu kaga cabir qaadanno bal in ay wax uun isbeddeleen iyo in aynu halkii iyo ka xun joogno, oo aysan waxba isdoorin dad iyo waqti moyee, waa in aynu isku eegnaa dalku sida uu ahaa lixdankii ka hor, iyo hadda sida uuu yahay. Ka dibna aynu isla garanno bal in uu isbeddel iyo xorrid loo dabbaaldego ay jiraan oo aan anigu arki waayay iyo in uu hadalkaygu gar yahay oo xornimadii god dheer ku dhacday.

 

Lixdankii ka hor, Soomaaliya qaybteeda Koonfureed waxa ka arriminayay oo ugu dambeeyay Talyaaniga. Qaybta Waqooyina Ingiriis ayaa ugu danbeeyay. Sideedaba, qiima badan mala hayn muwaadinka Soomaaliga ah. Sida qof dalkiisa joogana looma ixtiraami jirin. Xuquuqda aasaasiga ah ee dowladnimadana ma uusan heysan. Ammaankiisa cidina ma damaanad qadeyn, oo haddii la waxyeleeyo meel looga soo hagaago malahayn. Naftiisa, tan qoyskiisa iyo nabadgelyada maalkiisana beylah ayay ahayeen. Sidoo kale, muwaadinka Soomaaliga ah ma lahayn xornimo shaqsi ah oo uu ku mari karo ama kaga dagi karo halka uu ka doono dalka. Kumana ganacsan karin meesha ay doonistiisa dalbato. Si guud waxa uu ku jiray xabsi kor ka feedan, saancaddaale boqolaal KM ka fog ka yimaaday, ayuuna marti kaga ahaa arrimaha masiiriga ah ee dalkiisa. Caddaalad iyo sinaan looga fursado boobka iyo dhaca hantida dadka iyana ma jirin.

 

Sidoo kale, gumeystayaasha labada qaybood, waxa ay lahayeen odayaal dhaqameed ugu adeego danahooda. Talyaaniga waxaa la shegaa in uu Koonfurta ku masruufi jiray, oo uu mushaar xiliyaysan siin jiray odayaal ka kala socda jufooyinka iyo jilbaha hoose ee qabiilada koonfurta daga, in ka badan 500 oo oday ayaana lagu shegaa. Sidoo kale Waqooyigana waxaa la wariyaa tiro intaas ka badan. Odayashaas, shaqada ugu weyn ee ay gumeystaha u qabtaan, waxa ay ahayd in ay amarkiisa adecaan, haddii ay beel kale amarkiisa diidana ay ugu duullaan. Oo waxa uu isticmaali jiray siyaasadda QAYBI OO XUKUN ( divide and rule) oo aynu tusaale ugu soo qaadan karno dagaalkii dhexmaray qabiilada kala dega Afgooye iyo Marka, oo uu Talyaaniga ka dambeeyay.

 

Sidoo kale, inyar xornimada ka dib, waxaa soo cusbonaaday kala qaybsanaan dhul iyo dad ah. Dadku si guud waxa ay ku kala qaybsanayeen siyaasadda dalka. Reer walbana waxa uu fekerkiisa geleeyda usoo raray siyaasadda dalka. Dhulkuna bar ayaa maqnaa, oo juhdi iyo dadaal loogu jiray soo celintooda, wallow ay markii dambe intii yareyd naga salfatay. Siyaasiyiinta, iyana waxa ay ku kala qaybsanayeen siyaasadda dalka lagu wajahayo. Ma Reer Bari baa calanka loo lulayaa mise Reer Galbeed ayaa loo sacab tumayaa? Labaduse middee ayaa dalka dani ugu jirtaa? Iyana halkaas kala qaybsanaan xooggan ayaa ka tagneed. Sidoo kale xornimada ka hor, dalka laba qeybyood oo laba cadow kala haystaan ayuu ahaa.

 

Sidoo kale, waxaa iska furnaa xudduudaha dalka bad iyo barriba. Ma jirin ciidan Soomaaliyeed oo si Soomalinnimo ah u difaacayay xudduudaheenna. Ciidanba ma aynaan lahayn! Marka ma jirin cid u maqneed difaaca dalka. Waxaana dalka joogay ciimado shisheeye oo arxan daran. Caburinta iyo dilka dadka moyee, shaqo kale aan qaban.

 

Si guud, dadku waxa ay ahayeen dad aan aqoon lahayn. Xoolaleey iyo beeraleey miskiin ah oo aan u diyarsaneen curinta fekrado cusub iyo jihaynta siyaasadda dalka. Isqab-qabsiga qabiilka ayaa dhexdooda ku bahsanaa. Faham-darro xagga dowladnimada ah ayaana jirtay. Inkastoo rag-ka-rooni iyo dadaal naf-hurnimo ah ay bixinyeen.

 

Ka kaalay. Bal inyar usoo noqo xaaladda hadda ee dalka. Intaas iyo ka badan ma jiraan? Bal inyar aynu isdultaagno. Qodobka koowaad ee ah qiimayn la'aanta muwaadinka sidiisa iyo ka xage ayuu u jiraa. Wax qiima ah dalkiisa kama lahan. Raxan raxan ayay waddooyinka ugu dhintaan, cid wax iska weydiisana ma jirto. Waxaana maanta halis ku jiro, nafta iyo maalka qofka Soomaaliga ah. Ninkii muruq leh, ma jirto cid uu kaga baqayo dilka iyo dhaca qofka kale. Waxaase usii dheer, in uu helayo maxkamad u xalaaleyso maalka uu dhacay. Caddaalad iyo sinaan warkeeda daa. Dadku ayaga oo dusha ka siman, ayay kala fadli badan yihiin. Xafiisyada dowladana u kala xaq badan yihiin. Haba sheegin iyada xornimada shaqsiga ah ee aad kaga dageyso halka aad doonto dalka, uguna ganacsaneyso. Magaalo walba, qabiil gaara baa isku koobay. Ayada oo dalka la wada leeyahay ayaa la sii kala leeyahay! Amniga muwaadunka cidna xil iskama saarto. Caasimadda Muqdisho ayay ciidamada dowladda iyo kooxo kale oo hubeysan dadka ku dhacaan. Kuna dilaan.

 

Laaluushka odayaasha wa sidiisa. Doorashooyinka waa laga iibsadaa. Ayaga oo kumanaan ah ayay akoonnada buuxsadaan, ka dibna adeecaan malkiilaha iibsaday. Qaybsanaanta dhulka iyo dadka wa tabtii. Horay, dhul maqan ayaa la baadigoobayaye, hadda kuwii jiray baa qaybna go'day, qaybta kalena qurub-qurub usii kala furanaysa, oo qaybba meel yar calan u samaysatay. Siyaasiyiinta iyana sidii ayay u kala fog yihiin. Khilaafkii Carabta ayaa tobaneeyo war kasoo baxay. Qoloba meel bay ka biyo cabtay. Wax qiiimeyn iyo kala dambeyn ahna ma jiraan.

 

Xudduudaha dalka bad iyo barriba waa ay iska furan yihiin. Ciidan difaaca xudduudaha iska daaye, mid gudaha xasiliyo ma heyno. Badeenna, tobaneeyo dowladeed ayaa si ka baxsan sharciga kaga kalluumeysta. Cidna juuq uma oran karto. Marka ay rabaan qashin iyo sun ayay ku shubaan, marka ay rabaana nafciga ku jira ayay kala baxaan. Dowladeena waxa ay ku dhisan tahay ayuutada deeq-bixiyayaasha caalamka. Oo waxa yar ay nasiyaan ayaynu hay'adaha dowladda ku dhisannaa. Waxaa dalka jooga ku dhawaad labaatan kun oo ciidan shisheeye ah, waxa ayna u jogaan sugidda ammaanka hay'adaha dowladda. Meelah ugu muhiimsanna iyaga ayaa gacanta ku haya.

 

☆☆☆

 

Waa tee dowladda xorta ah ee aysan dunida badankeeda baasaboorkeeda aqoonsaneen? Waa tee dowladda xorta ah ee aan damaanad qaadi karin ammaanka, sharafka iyo karaamada muwaadiniinteeda, u caddaalad falli karin, sinaanna wax ugu qaybin karin? Wa tee dowladda xorta ah ee aan ammaankeeda gudaha sugan karin ee ay shisheeyaha u sugaan? Waa tee dowladda xorta ah ee aan amarkeeda ka shaqayn qaybo dalka ka mid ah? Waa tee dowladda xorta ah ee aan lahayn ciidan difaaca xudduudaheeda? Sidee ayay dowlad ugu madax banaanaan kartaa, dowladaha deeqda siiya, ee aysan la'aantooda shaqayn karin? Ma waxaa jiro qof wax kusiiyo oo aad gacantiisa ku nooshahay, haddana marka aad rabto aad amarkiisa diidi karto? Sideese, ugu madax banaanan kartaa waddan dhawr kun oo ciidinkiisa ah kuu wardiyeyaan ubucda iyo xarumaha looga taliyo dalkaaga? Si guud waxaa la dhihi karaa lixdankii iyo hadda wax farqi ah oo buuran uma dhaxeeyo. Soomaalidana ma aysan samayn wax horumar siyaasadeed ( political progress ) ah. Dhaqanka iyo caqliyaddana wa isla halkii.

 

Ku darsoo, Soomaaliya waxa ay ka xornimo horreysay inta badan wadamada dariska la ah. Sida: Kenya, Uganda, Jabouti, Eritrea iyo Koonfurta Suudaan. Maantana, wadamadaas ayaa kala ilaaliya, waxa ay cadow ku shegeena ka ilaaliya. Xornimada Jabuutina, Soomaaliya ayaa sabab u ahayd. Sidoo kale, Kiinya ma ahayn waddan tiro moyee tayo ahaan ls tirsado. Markii ay dowladeena galeysay dagaalkii 77, waxaa la isweydiiyay sababta Kiinya iyo Itoobiya oo dhul innaga wada heysto, Itoobiya oo qudha loogu duulayo. Waxaa soo baxday jawaab nuxurkeeda ah, Kiinya tabar malahan, goodis uun baana ku filane, yaynaan iyada isku daalin. Haddana Kiinya waa...... Soomaaliyana waa...... adigu dhammeystiro anigu awoodi waayaye!

 

Aan usoo noqdo waydiintaydiye XORNIMOOY KU MEE? Bal adba.

 

W/Q: Cabdikariin Shardi

[email protected]

Muqdisho-Soomaaliya

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...