Socdaalkii Baakistaan: Isku-dhacii Danjireyaasha Soomaalida iyo Burburkii Xidhiidhka Dillaalka.. 4aad.

0
Monday June 29, 2020 - 09:59:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Socdaalkii Baakistaan: Isku-dhacii Danjireyaasha Soomaalida iyo Burburkii Xidhiidhka Dillaalka.. 4aad.

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

Inta badan safaaradaha Soomaalida ee qurbuhu waa xarumo ganacsi. Waxa ay iibiyaan deeqaha waxbarashada iyo waxyaabo kale. Tusaale ahaan, waa iyaga iyo Allahood’e, safaaradda Islamabad waxa lagu xidhiidhin jiray inay soo-dejiso gaadiid iyo khamri ay saami ku leeyihiin, oo cashuur-dhaaf loo sameeyo. Baakistaan waxa joogay laba nin oo ah hadhaagii kacaanka. 1991kii illaa 2008da waxa ay xilka ku sii hayeen digreetadii xukuumaddii qasriga ka firxatay 26kii Jeneweri 1991kii. Markaas waxa ay qiime kala geddisan sida $6000, $4000 ama $5000 ku iibiyan deeqaha waxbarashada. Aniga kursi caafimaad ah ayaa $6000 nalaga qaaday. Aqoon isuma aannu lahayn danjireyaasha, waa se la isku kaaya xidhay.

 

Hawsha waxa laf-dhabar iyo damiin ka ahaa nin la yidhaahdo Cali Axmed (Joornaal) horena loo odhan jiray "Cali-Inji”, hayb ahaan waa nin Isaaq/Ciidagale/Reer Liibaan ah. Waa dillaal ka shaqeeya in kuraasida deeqaha waxbarashada laga iibiyo ardayda Somaliland oo qoyskiisu deggan yahay dalka Baakistaan, sidoo kalena ganacsi ku leh Imaaraadka Carabta. Ninkani, waxa uu aamminsan yahay Midnimada Soomaali-weyn, misana waxa uu taageeraa kooxaha xumaanta  lagu sheego. Xilligii ay burburtay dawladda Soomaaliya ayay isaga iyo qoyskiisu u wareegeen carriga Baakistaan halkaas oo ay deggen yihiin illaa imaka. Si aad weliba u garataan, waa ninka leh dhismaha Cusbitaalka Royal oo ku yaalla halkii uu ahaa Sinimoogii xaafadda Oktoobar ee Hargeysa.

 

Markii aan dhawr bilood joogay, ee ay ii caddaan waayeen waxa iska beddelay ballan-qaadkii noo dhexeeyay safaaradda Soomaalida, ayaan doorbiday in aan si toos ah ula xidhiidho ninkii noo dhexeeyay aniga iyo safiir ku-xigeenka. Waxa aan weydiiyay Cali-Joornaal waxa uu uga dan lahaa in uu Baakistaan igu geeyo been-abuur, iyada oo aanay Jaamacaddaydi soo bixin. Waxa uu ku jawaabay "Inaad Sayniska iyo Ingiriisiga sii dhigato ayaanu rabnay”. "Aniga ayaa labadaba Hargeysa kugu dhigi jiray” ayaan ku celiyay. Waxan u sheegay in ay gef tahay in la ii soo malluuqo wax aan la hubin.

 

Calaacalkiisa waxa ka mid ahaa "wiil kulul baad ii soo dirteen”. "Ma bilaash ayaan u galay geeddi aan ugu kala tallaabay laba qaaradood? Ma oggoli in ay hal maalin igaga lunto dal shisheeye”!. Waxa loo sheegay in aan ahaa nin aqoonta, akhlaaqda iyo diintaba ku fiican oo aan u baahnayn in uu malcaamad galo. Waa yaab, weedhaha aan liqi waayay waxa ka mid ahaa "wiilkayguba waxa barashada caafimaadka sugayay laba sanno”. Waxa aan odhan jiray "Isagu waxa uu joogay gurigii hooyadii, kumannaan kiiloo mitir ayaan soo socday. Maxaa la iga soo dedejiyay, waxa aan ku sugi lahaa Hargeysa”.

 

Haddii ay jiraan arday aan aqoonta ka dhisnayn oo muddo la baro afka Ingiriisida, Sayniska iyo Xisaabta ama la helo kuwo aan wax baran oo iska cuna biilka qoysku soo diro, marka dambena soo samaysta shahaado beenabuur ah iyo kuwo iska soo laabta iyaga oo aan waxba dhigannin, aniga waxa iga go’nayd in aan wax barto, waanan dhisnaa oo cilmi lagu galo jaamacad waan lahaa. Odayga dillaalka ahi waxa uu ka guban jiray runsheegga aan ahaa. Waxan gartay inaanan ka aammusin hadimada, haddii aan naftayda u hadi waayo ama aan dareenkayga gudbin waayo, cid kalena uma hadli karo.

 

Sidii kolba la ii lahaa "waxa laguu soo saarayaa jaamacad si fudud loo galo oo aan imtixaannadeedu adkayn” ayaan ku adkaystay "ta adagba ii soo saara. Xaq uma lihidin in aad kolba mid ii doortaan. Waxa aan ahay nin ka bixi kara casharro adag. Uma socdo ciyaar, waxa iga go’an in aan wax dhigto”. Safiir-ku-xigeenku waxa uu odhan jiray "inaad dhacdo ayaanu ka baqanaynnaa”. Aniguna waxa aan kaga halcelin jiray "Haddii aan gudbi waayo, maalin ma sii joogayo ee Hargeysa ayaan ka degayaa”. Waxa jiray wiilal inta ay iska joogaan sannado marka dambe iskaga laabta dhulkooda, waxaanay sii samaystaan shahaado been-abuur ah.. Marka horeba arrin kuma ay haynnin dhulkay ka yimaaddeen, waxaanay doorbidayaan inay iska cunaan waxoogaaga ay qoysasku u diraan. Anigana miisaankaas ayay i saareen.

 

Waa af-gobaadsi aan qiil lahayn oo lagu lunsaday hanti xaaraan ah iyo wakhti aan iga go’in. Walaw safiir-ku-xigeenku uu ahaa nin sheeko wanaagsan, aftahan oo qosol badan, haddana waxa la yidhi "nin ay meeli u caddahay, meeli ka madaw”. Ima ay mari jirin maaweelada uu jeediyo iyo hawraarta aan dantaydu ka dhex muuqannin. Dad kale ayaa odhan jiray "ma Somalilandtii ayaad meesha la tagtay”. Waxan sheegi jiray in aan aamminsanay Gooni-isu-taagga Somaliland, isla markaana aan tago kolka la igu marti-qaado xusaska ay Safaaradda Soomaalidu qabanqaabiso aniga oo hal-abuur ah, kana hadlaya mawduucyo ka madax-bannaan siyaasadda.

 

Maalin Ciid Carafo ah ayaa na lagu marti-qaaday guriga Cali Joornaal, isagu markaa waa joogay. Annaga oo u badan dhallinyaro reer Hargeysa/Sallaxley ah ayaanu tagnay. Kii kowaad ee galay oo ahaa Cabdiraxmaan Cabdi-kaliil ayuu ku yidhi "Ma Siciid baa?”. Weydiinta la soo booddada ahi waxa ay muujinaysay sida aan u ahaa fallaadh ku taagan wadnihiisa. Aniga oo ku xigay ayaa idhi "Waa kan Siciid”.

 

Waxa uu igula soo booday "Meeshan Baakistaan ayaa la yidhaahdaa waa "sabir garo” "samir”. Ma aamusin, mana gaabsan. Weydiintan ayaan ku celiyay "Immisa ayaa la samrayaa”. Waxa uu ku dooday in uu si fiican waxbarasho ugu helay dad aanu ehel nahay, laakiin taasi ima marin. "Aniga waxba la ima siinnin” ayaan hadh iyo habeenba la soo taagnaa. Inkasta oo ay jireen arday helay tacliinta iyo kuraasida ay iibsadeen, dadka uu Cali-joornaal dhabar-jabka u horseeday waa ay badnaayeen.

 

Intii aan joogay Baakistaan waxa dhacay khilaaf hadheeyay safaaraddii Soomaalida, kaas oo hal bacaad lagu dhisay ka dhigay himiladii aan u dhoofay. Foodda ayay isla galeen, si foolxun ayay u loollameen. Marar waxa aan maqli jiray in uu dhex maray dagaal gacan-ka-hadal ahi. Wax kale kuma garatid, ciddiyaha ayay ku dagaallameen iyaga oo waxba isula hadhin. Maxaa la yidhi "Marka ay laba maroodi loollamaan, waxa ku burbura cawska ay isku dul dilayaan”. Anigii ayaa cawskaas oo kale noqday!

 

La soco qaybta shanaad idanka Alle...


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...