Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Aqoonyahan Yaasiin Cumar Yare Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex

0
Monday June 29, 2020 - 09:25:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Aqoonyahan Yaasiin Cumar Yare Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex

    W/Q:Cismaan Kaahin Dubad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Cismaan Kaahin Dubad

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Aqoonyahan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) oo u sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka M-jeex.  Aqoon-yahayn Yaasiin Cumar Yare oo kamida Aqoonyahanka dalka dibadiisa ku nool isla markaasina sanadihii ugu danbeeyey ku noolaa caasimada Hargeysa, ayaa waxa uu kamid yahay, dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho, isagoo isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Gobolka Maroodi-jeex ka sugaayo inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Golaha Wakiilada mudada dheer sharci-darada iskaga fadhiyey Kuraasida Golaha Wakiilada Somaliland.

 

Musharax Aqoonyahan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Wakiilada Gobolka M-jeex .

 

Aqoonyahan Yaasiin Cumar Cabdi oo kasoo-jeeda qoys balaadhan oo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed magic iyo maamuus kuleh, gaar ahaan bulshada reer Somaliland-na ka caan ah oo ay kasoo-jeedaan halyeeyo badan oo uu kamid yahay musharaxani, kuwaasi caan baxay wakhti iyo dadaal badan oo ay galiyeen horumarinta arimaha bulshada ee dhinacyada Fanka, Suugaanta, Samafalka iyo guud ahaanba horumarinta Arimaha Bulshada, ayaa waxa bulshadu ka filan kartaa inuu kaalin muhiima ka ciyaari-doono xubinimadiisa Golaha Wakiilada hadii Alle qaaro oo uu ku guulaysto doorashada.

 

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Aqoonyahan Yaasiin Cumar Yare, Baahi weyn bay bulshada gobolka M-jeex u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Wakiilada Gobolka,  waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

 

Allaa Mahadleh

W/Q:Cismaan Kaahin  Dubad

Hargeysa/Somaliland

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...