Sidee Ayuu Fayraska Korona U Saameynayaa Xajka Sanadkan?
Muslimiin
badan ayaysan sanadkan u suurtageli doonin in ay gutaan waajibaadkooga Xajka
sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Covid-19.
Dhawaan ayay ahayd markii boqortooyada
Sacuudi Carabiya ay shaacisay in gebi ahaanba aanay mamnuuceyn Xajka balse laga
mamnuucayo oo kaliya dadka dibadda ka soo xajinaya, si loo xakameeyo
faafitaanka feyraska Karoona.
Bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda Sucuudiga ayaa lagu sheegay in tiro aad u kooban oo hadda ku nool gudaha boqortooyada oo kaliya loo ogolaan doono in ay sanadkaan gutaan waajibaadkaasi diiniga ahi.
Qiyaastii in kabadan laba milyan oo qof
oo ka mid ah Muslimiinta caalamka ayaa sanad kastaa gudashada Xajka u tagi
jiray magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina, waxa uuna Xajka ka mid
yahay kulamada ugu dadka badan caalamka oo dhan.
Haseyeeshee sanadkan, khubaradu waxay saadaalinayaan in kun qof oo ka tirsan 29-ka milyan ee deggan dalkaasi Sucuudiga oo kaliya loo ogolaan doono in ay Xajka gutaan.
Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in tani ay tahay habka kaliya ee ay awood ugu yeelan karaan sameynta qorshayaal ay dadku ku kala fogaynayaan, taasi oo dadka ka dhigi doonta in ay si nabad ah u cibaadaystaan.
Sacuudi Carabiya waxay diiwaangelisay 161,005 xaaladood oo cudurka Karoona ah iyo 1,307 dhimasho ah.
Astaanta Muslimiinta
Sanad kastaa xilliga Xajka, malaayiin
qof ayaa ugu horreyn waxay isugu tagaan teendhooyin ku yaal magaalada Mina, ka
dibna waxay u dhaqaaqaan dhanka buurta Carafa iyo goobo kale oo barakeysan.
Halkaasi waxaa ku kulmi jiray xujey ka kala yimid daafaha caalamka, taa oo
Xajka ka dhigeyso astaan muhiim u ah dadyowga Muslimiinta.
Inkastoo dowlado badan ay horey u mamnuuceen duulimadyadii oo dhan, haddana tallaabadaasi dowladda Sucuudiga ay dadka dibadda ka imaanaya uga mamnuucday Xajka sanadkan, ayaa dhaawac weyn ku ah astaantaasi ay wada daawanayeen Muslimiinya caalamka oo dhan.
Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu soo dhaweysay go'aankaasi Sucuudiga, waxaana wasiir ku xigeenka arrimaha diinta ee Soomaaliya, Cismaan Aadan Dhuubow, uu sheegay in bilihii dhawaaaba laga arrisnayay waxa laga yeelayo arrinta Xajka ee sanadkan.
"Ka dowlad ahaan iyo ka
mas'uuliyad ahaanna waxaan leenahay dareenka caalamka oo si gaar ah iyaga ku
ahaa…oo amuurtaan culeyskeeda leh oo aan garaneyno in uu aafeeyay kulli.
Go'aankaasi ay qaateen, ka dowlad ahaan waxaan u aragnaa mid waafi ah oo aan
soo dhaweynayno," ayuu yiri Cismaan Aadan Dhuubow.
Wasiir ku xigeenku wuxuu
sheegay in Soomaaliya ay sanadkan rajeynaysay in dad gaaraya ilaa 11,000 oo qof
ay ka soo xajiyaan balse sababo la xiriira cudurkan Covid-19 ay haatan arrintaasi
meesha ka abxday.
Inkastoo haatan ay tahay markii ugu hooreysay oo dowladda Sucuuudigu ay albabaada ka xirato dadka dibadda ka soo xajinaya, haddana ma ahan markii ugu horreysay oo Xajka la baajiyo inta la ogyahay taariikhda Islaamka.
Sheekh Maxamed Cabdu Uma loo ka
mid ah culimada ugu caansan Soomaalida ayaa BBC-da u sheegay in haatan ay tahay
markii ugu horreysay inta la ogyahay oo acmaasha Xajka loo baajiyo cudur awgii,
balse haatan ka hor ay dhacday in kooxo ay qabsadeen Xaramka oo ay laayeen xujeydii
halkaa u tagtay gudashada waajibaadka Xajka.
"Waxaa dhacday xilliyo ay
qolyo Qaraamidha la dhihi jiray oo kharibnaa ay Xaramka qabsadeen oo xujey
badan ay ku laayeen. Asalkooda Shiica ayay ahaayeen nimankaasi, oo xujeydii ay
laayeen oo Xajkii ay dadka ka hor istaageen waa ay soo martay laakiin xilli
cudur loo joojiyay taariikhda ma soo marin," ayuu yiri Sheekh Maxamed
Cabdi Umal.
Saameynta dhaqaale
Marka laga soo tago saameynta
diimeed ee ka dhalatay cudurka Covid-19 iyo tallabadaasi Sucuudigu uga hortagayo
faafitaanka cudurkani safmarka ah, waxaa dhanka kale arrintaasi ay sababtay
saameyn dhaqaale. Muslimiinta gudanaya waajibaadka Xajka ayaa sanad kastaa
waxay qiyaastii 12 bilyan oo doolar ku bixin jireen dal-ku-gal, cunno iyo meel
ay hoteello ay seexdaan xilliyada Xajka. Sidoo kale waxaa ka macaashi jiray
shirkadaha duullimaadyada, kuwa gooya tigidhada iyo kuwa kale ee ka shaqeeya
arrimaha Xajka.
Dhaqaalahaasi ayaa u dhigma 20% dakhliga dalka Sucuudiga marka laga reebo dhaqaalaha uu dalkaasi ka helo saliidda.
Shirkadaha xujeyda qaada ayaa waxa ay sanadkan ku khasbanaadeen in dad badan ay u celiyaan kharashkii ay la bexeen ee ay Xajka ku aadi lahaayeen, waxaan sida shirkadaha qaar ay sheegayaan sanadkan soo wajahay dhaqaale xumo aad u weyn.
Dowladda Sucuudi Carabiya waxay sidoo kale sanadkan lumineysaa arrin ay aad ugu faani jirtay oo ah in sanad kastaa ay martigeliso kulanka ugu weyn caalamka oo ah Xajka, kaa oo sidoo kale ay dhaqaalena ka heli jirtay.
BBC