Donald Trump Oo Bartiisa Twitter-ka Ka Saaray Muuqaal Caro Dhaliyay

0
Monday June 29, 2020 - 08:50:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Bartiisa Twitter-ka Ka Saaray Muuqaal Caro Dhaliyay

    "in madaxweynaha uusan maqlin ereyada ku jira muuqaalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"in madaxweynaha uusan maqlin ereyada ku jira muuqaalka"

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka dadka kula wadaagay muuqaal muujinaya mid kamid ah taageerayaashiisa oo ku dhawaaqaya "awoodda dadka caddaanka ah".

Qofkan ayaa waxaa uu kamid ahaa koox ka qeyb qaadaneysay ololaha Trump ee Florida.



Ereyadaas oo loo fasirtay mid madaxwynaha uu ku weyneynayo awoodda caddaanka ayaa timid xilli dalka Mareykanka ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta cadaalad darrida ku saleysan midabka.


Trump ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay oo ay kamid yahay in xiisadda midabka ee ka taagan Mareykanka uu doonayo in uu ka faaideysto.


Muuqaalka ayaa waxaa kasoo muuqday dad isaga taageersan iyo kuwa kasoo horjeedo oo hadalo xanaf leh ku dhawaaqaya.


Haseyeeshee Trump ayaa markii dambe muuqaalkaas ka saaray bartiisa Twiter-ka. Afhayeen u hadlay madaxweynaha waxaa uu sheegay in marnaba muuqaalka aanu ka maqlin qof ku dhawaaqaya ereyada la dhibsaday.


Judd Deere oo ah afhayeenka aqalka cad ayaa sheegay "in madaxweynaha uusan maqlin ereyada ku jira muuqaalka, balse ay u muuqatay kalgaceylka taageerayaahsiisa".


Xoghayaha caafimmaadka iyo adeegga bulshada ee Mareykanka ayaa telefishenka CNN u sheegay in madaxweynaha, maamulkiisa iyo isagaba aanay ku dhaqaaqeynin wax taageeraya kooxaha ay la weyn tahay caddaanimada.


Madaxweyne Trump ayaa horay dhaleeceeyn noocan oo kale ah ula kulmay, kadib markii lagu eedeeyay in uu bartiisa Twitter-ka kala kulmay waxyaaba naceyb ku saleysan.

Sanadkii 2017-ka, waxaa uu sidan oo kale dadka la wadaagay muuqal muujinaya kooxaha midigta fog ee Britain oo ku dhawaaqaya hadalo ay dad badan dhibsdaeen


Sidoo kale waxaa aad loo dhaleeceeyay sanadkii 2019-ka, kadib markii xildhibaano katirsan aqalka hoose ee Mareykanka oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley iyo Ilhaan Cumar uu ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkaasina ay wax ka qabtaan hadii wax qabanayaan.


Saddex kamid ah haweenkaas ayaa ku dhashay dalka Mareykanka, waxayna dhammaantood heystaan dhalashada Mareykanka.


Trump ayaa sidoo kale dhawaan mar uu ka hadlayay dilka ninkii madowga ahaa ee George Floyd, waxaa uu bartiisa Twiter-ka kusoo qoray "haddii bililiqada ay sii socoto, waxaa bilaabmaya toogashada", hadalkaas oo caro ballaaran ka dhaliyay dalka Mareykanka.


Shirkadda Twitter-ka ayaa xaddiday ereygas, maadaama ay ku tilmaamatay mid ku xadgudbay shuruucda u taala.


Dhanka kale ra'yi uruurin uu sameeyay telefishenka CBS ee dalka Mareykanka ayaa muujineysa in inta badan shacabka Mareykanka ay taageersan yihiin dhaqdhaqaaqa ay dadka madowga ah ku dalbanayaan cadaalad, ayna taasi horseedi doonta in dib u habeyn lagu sameeyo booliska Mareykanka.


Sida lagu ogaday ra'yi uruurinta la sameeyay, lix kamid ah tobankii qof ee Mareykan ah waxay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn qaabka uu madaxweyne Trump u maareeyay kacdoonkii ka dhashay dilak Geotge Floyd, halka inkabadan kala bar dadkaasina ay aaminsan yihiin in madaxweynaha uu ku guul darresytay in uu fahmo walaac ay qabaan dadka dibadbaxyada dhigaya.

 

BBC

Loading...
Loading...