War Deg Deg Ah:-Xukuumada Oo Xabsiga Ku Hubsatay Abwaan Da'yar Oo Suugaan Ku Dhaliilay Muuse Biixi.
War Deg Deg Ah:-Xukuumada Oo Xabsiga Ku Hubsatay Abwaan Da'yar Oo Suugaan Ku Dhaliilay Muuse Biixi.
Hargeysa(HWN):-Ciidamada booliska somaliland ayaa goor dhawayd gurigooda kala baxay abwaan Shucayb Yare oo dhawaan tiriyey maanso uu ku dhaliilayo hogaaminta Muuse Biixi.
Ciidamada Amaanka ayey wararku xaqiijiyeen inay hada la baxeen abwaan Shucayb yare oo gurigooda ku sugna isaga oo aan faraha kula jirin wax dembi ah isla markaana aanu jirin waaran qabasho ah oo ay maxkamadu u soo jartay.
Xadhiga abwaan Shacayb Yare ayaa ku soo beegmaya wakhti ay xukuumada ka muuqato in todobaadyadan ay kor u qaaday qorshahayaasha xadhiga cabudhinta ah ee ay la beegsanayso hay’addaha warbaahinta iyo dadka shacabka ah
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...