Somaliland oo Qoys Iska Yeeshay ( Abdi-Shotaly).
Maanso uu ka tiriyey Xalane ( Ih un) Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan, baa ereya-deedda waxa ka mid ahaa " Abkii macallin Asakri jaahiluu amar ka qaataaye" ilayn waa duni madaxeeddii mijo loo rogaye, Aduun-yadan aynu dul saaranahay, illaahay ilaa ayaantii uu dhidibka u taagay udub-keedda, ee uu ku abuurey bini'aadmika, laga soo bilaabo Aadmi iyo Xaawo, ee caalamkan aad arkayso laga sameeyey waxa loo yaqaano dawalado, lama arag lamana maqal, hore-na inooma soo marin, sheeko iyo shaahid, musuq-maasaq sidan u xad dhaafay aan hoos ku soo sheegi doono, oo intuu xadhkaha goostay, weliba sidaas oo ay tahy, kii sameeyey uu isku moodaayo, una haysto faan-faan, raganimo, xariif-nimo, laguma arka, wax baad qarin kartaa, oo lagu dhaadi maaayo is leh, ee waxad doonto samee iyo finiikh ah ma cid baa wax igu samayn karta, anoo ku fadhiya kursiggii " Xaafad-Tooyada" Intuu u dhaqaaqay dhaqaalayn qoys, hadana ku leh iyaba waa yaab " Wax sharci la yidhaaho iyo distoor baan mansuun ka ahay " Distoorka ibaaxay-naaya tuugani-madda qoys-kiisa ee hantidda ummadda halkee buu ku yaalaa?" Bal askarigan jaahilka ahi wuxuu la shir imanayao eeda, waa askariga dheg-jeexaha leh, ee la yidhaaho " Raggi ma adigaa ka hadhaye" Ummadan mar-keeddii hor-ba u liidatay iskeed, kolkaas saw xaal mari maayo maanta odhaah-ddii ahayd " Awel-ba aniga oo ooyaayey, bay imi-kana riyi igu sii joog-satay" Bal in Somaliland qoys iska yeeshay baan ku soo hor dhigayaa, Akhristaw halkan hoose ka akhri baadhi-taanka ay samaysay mareegta Hadhwanaag, oo si wacan kuu tusaysa wejiyadda la baxay "Heego waxay yihiin iyo cidda ay yihiin".
https://hadhwanaagnews.ca/mobile/articles/15687/Daawo-Hadhwanaagnews-Oo-Soo-Bandhigtay-Cida-Ay-Tahay-Kooxda-Heego-Ee-Dawlada-Somaliland-Ku-HabsatayBarnaamij-Gaar-Ah.
Aan kuu soo koobo'e "Heego" waa kan waalan ee Somaliland kaga soo xoolo qaatay "Daba-gaale Farmaajo" inta ku xeeran ee ah qoys-kiisa , haddii yihiin caruur-tiisa, kuwa habla-hiisa qaba, kuwuu abtiga u yahay, ilmaadeeradii, seedi-yaashii iyo kooxo kale oo ay dhaqaalaha ku shuraako yihiin, kuwaas oo ka caawiyey boobkii doorashaddii uu foodka xaday, kuwaas oo uu ugu balan qaaday, markuu kursiga ku fadhiisto in uu ilaha dhaqalaha faraha u soo gelin doono, haddii ay yihiin qandaraas-yadda, dhulka laga boobaayo dan yarta, oo ay wax ka dhitaan ah beero , hudheello iyo ganacsi kale, shirkado loo aburo, dadka kale-na laga xayiro, si aan cidi uloolamin, ilaha ay wax ka soo baxaan ama wax lagu cuno oo iyaka loo geliyo gacanta, shicibkaa kale-na laga ilaliyo, Waxan filayaa in aad ka bogatay shakhsi-yadda aad aragtay wejiya-doodu, kuwaas oo ay kuu soo ban-dhidhtay, Ilaah ha daayee Hadhwanaagnews, oo had iyo jeer ku hawlan daba-galka hantidda ummadda laga xado, ee sidda badheedhka ah uu askarigu u dhaqaalay-naayo qoys-kiisa, weliba ay dheer tahay, ta gaar-ahaaneed ee lagu kharsh gareeyo jifadda uu ka soo jeedo askrigu.
Maah-maah Ingiriisi ah baa waxay tidhaahaa " You can rule the people for some time, but not all the time" Oo micna-heedu yahay, dadka wakhti uun baad maamuli kartaa, laakiin weligaa ma maamuli kartid" Waa sidaase kan wuu dhacay wakhti-giisii, oo way u dhamaatay. Horaa Somalidu u tidhi " Nin waalan qofkii wax ku darsadaa, isaga baa ka sii liita" Waa dhab, oo maanta dal iyo dad-ba meel qudha, oo inoo fayoobi ma jirto. markii wax kale-ba ha sii joogeene, uu waxan meesha joogaa, uu xataa dhaxaantii iibiyey iyo saaladdii adhiga, waa kaa lacag inagu doontay ee " daba-gaale Farmaajo ina hoos geeyey", Nolosha kugu iibiyey, ilayn awel-ba umuu soo dagaalamin, ee Xarshin buu laxooxeey-laxoox ka lahaaye. Tuuga illahay ka go'ay, bilaa maskaxdda ah, khaayinkan aan rabbi iyo rasuul ( CSW) aan midna aqooni. Waxan ku soo koobay. waa kaas jarar idnka-la dhacay ee cidhib-tiinii gooyey, dibna u soo noqoqn maysaan, ee ka soo maala hadaba, waa taas in yar oo isku qoys ahi, wixii aad us oo dhimatay, ay farta ku dhuuqa-yaane.
* N.B You Can Rule The People For Some Time But Not All The Time.
Qore;- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!