'' Muranki Halkaa Haku Dhamaaddo ''.

0
Sunday June 28, 2020 - 19:26:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Muranki Halkaa Haku Dhamaaddo ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Dad badan ayaa dood geliya meeqaamkii Somaliland ee 1960 iyagoo ku dooda in xoriyaddii 1960 ay qaateen Goboladdii Waqooyi , qaar baa muska isku qaada oo yidhaahda calankeebaa Hargaysa lagga taagey , doodo badan oo mukur u badan baa marar badan lasoo dhigaa , hassa yeeshee waxaas oo dhan waxaa soo afjarey heshiiskii Somaliland iyo Great Britain ku kala tageen , Somaliland xoriyadda ku qaadatay oo ah kan imika idiin muuqda .

 

Sidda ku xusan qodobadda heshiiskana waxaa soo afjarmay 26-june 1960 heshiiskii u yaalay somaliland iyo Uk ee ilaaladda , waxaanay noqotay Somaliland 26-june sidda heshiiskan ku xusan wadan madaxbanaan .

 

Hadaba waxaa is waydiinle , Heshiiskan Somaliya ma ku xusan tahay , jawaabtu waa maya .

 

Hadii somaliland gobolo waqooyi ahayd , maxaa heshiiska loogu qori waayay in Somalia ingiriisku ku wareejiyo Somailand sidii Hongkon1997 .

 

Heshiiskan waxaa kala saxeexday madaxdii Somaliand oo uu hogaaminayo M I Cigaal iyo dawladda Ingiriiska , maxaa uu saxeexi waayay Madaxwaynihii Somaliya ee waagaas Cabdilaahi Ciise .

 

Waxba yaan hadal idinku daaline murankaas oo dhami halkanuu kusoo af goay , somaliland ikhtiyaarkeedda ayay kula midowday somaaliya markay xorowday , imikana ikhtiyaarkeedda ayay kagga soo noqotay , sidda maraboobta Mogdisho ay isaga furfuraysaana waa shaqo u taala , waayo Ereteriya oo sidda Somaliland Itoobiya gacanta ugu gashayba Adis ababa iyadaa iska furfurtay .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...