Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Ansixinta Golaha Wakiiladu Ku Sameeyeen Xubnaha Komishanka Ee Xisbiyada Mucaaridka Ah
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay ansixinta ay golaha wakiiladu ku sameeyeen labada xubnood ee guddida doorashooyinka ku matali doono xisbiyada mucaaridka ah.
Gudoomiye Cirro ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay inuu ku bogaadinayo xildhibaanada golaha wakiilada codka aqlabiyada ah ee ay ku meelmariyeen xubnaha ka mid noqonaya komishanka cusub ee doorashada kuwas oo ay soo magacaabeen xisbiyada mucaaridka ahi.
Gudoomiye Cirro oo ka hadlaya ansixinta golaha wakiilada ee labadan xubnood ayaa waxa uu yidhi "Waxa aan ku bogaadinayaa golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda Soomaalilaan ansixinta labada xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI & UCID ay u soo xuleen in ay ka mid noqdaan Komishina Doorashooyinka Qaranka [KDQ] si loo bilaabo howlihii geedi-socodka doorashada golaha wakiilada & golayaasha deegaanka.