Raysal Wasaare Khayre Oo Warbixin Ka Soo Saaray Safarka Uu Ku Joogo Maraykanka Iyo Waxyaabaha U Qabsoomay

0
Sunday April 14, 2019 - 15:27:24 in News by
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Warbixin Ka Soo Saaray Safarka Uu Ku Joogo Maraykanka Iyo Waxyaabaha U Qabsoomay

    Khayre Oo Ka Hadlaya Dedaalada Deynta Lagaga Dhaafayo Soomaaliya Ee Xukuumadiisu Wado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khayre Oo Ka Hadlaya Dedaalada Deynta Lagaga Dhaafayo Soomaaliya Ee Xukuumadiisu Wado


Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha soomaaliya ayaa war ka soo saaray safarka uu ku joogo wadanka Maraykanka iyo kulamadii kala duwanaa ee uu ku qaatay.


Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Khayre ayaa lagaga waramay halka ay marayaan dedaalada ay soomaaliya ku doonayso in caalamku ka dhaafo deynta badan ee uu ku leeyahay.





Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Khayre ayaa u dhignaa sidan:-


"Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, mudadii uu joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo kala duwan la yeeshay dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID, waxayna isku afgarteen in la sii xoojiyo xiriirka iyo wadashaqaynta labada dal.


Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kale ee uu ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.


Ka qeyb galayaasha ayaa isla qiray horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta hay’adaha nidaamka kobcinta dhaqaalaha, iyadoo Soomaaliya buuxisay shuruudahii ilaa hadda looga baahnaa barnaamijka geedi-socodka dayn cafiska ee ay hay’adda lacagta adduunka korjoogtayso.


Waxaa la isku raacay in waddada kaliya ee lagu garab istaagi karo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya ay tahay in la sii ambaqaado qeybta ugu dambeysa ee barnaamijka go’aanka looga gaarayo deyn-cafiska Soomaaliya ugu dambayn bisha Febraayo 2020.


Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa u riyaaqay in dowladda Soomaaliya muujisay in ay awood u leedahay in ay la jaanqaadi karto hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah iyadoo laga tusaale qaadanayo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda muddo gaaban gudaheed.


Si dhaqaalaha dalka loo hormariyo, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dardargelinta dhammaystirka barnaamijka deyn-cafiska.

Loading...
Loading...