Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Q,8-aad)
"Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa? Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?,.” Waa Qormo Xiiso Badan oo uu qoray Qoraa Maxamed Faarax Qoti
Sidaas bay Maahmaahdu kaga duwan tahay Murtida, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka, iyo Hal ku dhega, sida "Aqoon la'aani waa iftiin la'aan, Nabad waa lagu tarmaa, colaadna waa lagu tirmaa, Aroos lagumana raago, lagamana raago, Si xun wax u sheeg sixir ka daran, Aan wada hadalno waa aynu heshiino, Riyuhu lugtooday, shallow ku doontaan. Tallo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, War xumi dugsi ma fadhiisto, Hadal waa dheh ama dhagayso, Cagtii joogsan weydaa, marbay ceeb la kulantaa, Dabeecad xumo dadkay kaa dhex saartaa.
Halka Hal-hayskooduna uu ka mid ahaa, sida;
Geel carruuri qaaday ma dheera
Cimrigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa
Ninba ceesaantii ceelka keentay
Nin aan shaqaysan shaah ma cabbo
Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin
Dan iyo xarrago is weyday
War jiraaba cakaara ayuu iman
Af aanad lahayn lama qabto
Waxaanad calaf ku lahayn lama cuno
Kud ka guur oo qanjo u guur
Halka Hal-qabsigooduna uu ka ahaa sida;
• Barasho horteed ha i nicin
• Taasi waa gar, dawse ma aha
• Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan
• Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura
• Dheriga maxaa karka ka keena baa la yidhi, waa kulaylka
Halka iyana ay Odhaahdoodu ka noqonaysay, sida;
• Tuug la qabtay talo ma’laha
• Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
• Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ka gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
• Haddii aad aragto nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin illaa aad kii kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
• Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.
• Aniguun baa aakhiradayda seegaye, aar walaal noqon-waa.
• Raggu ba’iisuu ka sheekeeyaa, dumarkuna badhaadha hooda.
• Soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo.
• Rag waa shah, dumarna waa sheeko.
• Lama gano fallaadh kugu soo noqon doonta.
• Walaalo is necebi way xoola yaraadaan, wayna xabaalo badiyaan.
• Guurku marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaadhaa.
• Waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajia ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun.
• Geel-jiruhu isagoo garanaya halka geedka usha uu ka goynayo, ayuu yidhaahdaa, xageen ka gooyaa.
• Libaaxa ka ciya iyo ka aamusan, ka ciyaa la qaatay.
• Ergo waxa loo dirsadaa nin cay dhurwaa uga adag, oo kude gaajo uga adag, oo kurtid qodax uga adag, oo dhagax qabow uga adag.
Halka Hal-muceedkeeduna uu ka ahaa, sida:
• Hubsiimo hal baa la siistaa
• Waari mayside war hakaa hadho.
• Tol la'aani waa tows, Tuhuna waa sed.
• Geel laba jir soo wada mar. l
• Hadba sidii loo jabaa loo dhutiyaa.
• Nimaan dhul marini dhaaya la’a
• Labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku coloobaan
• Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
• Nin kuu digay kuma dilin
• Dhalaankii hooyadii dhalmada baray.
• Falaadhi gilgilasho kaagama godo.
• Hal diidani geed ay ku xoqato ma weydo
• Nimaad dhashay kuma dhalin.
• Hangaraarac lug kaliya uma dhutiyo
• Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho.
• Shir lama wada uunsiyo
• Nin weyni wedkii waa yaqaan
Halka Weedhahooduna ay ka ahaayeen, sida:-
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!