Dawlada Soomaaliya Miyey Buuxisay Shuruudihii Lagaga Dhaafi Lahaa Deynta Caalamku Ku Leeyahay?

0
Sunday April 14, 2019 - 15:19:28 in News by
  • Visits: 1675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Miyey Buuxisay Shuruudihii Lagaga Dhaafi Lahaa Deynta Caalamku Ku Leeyahay?

    Dawlada Soomaaliya Miyey Buuxisay Shuruudihii Lagaga Dhaafi Lahaa Deynta Caalamku Ku Leeyahay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Miyey Buuxisay Shuruudihii Lagaga Dhaafi Lahaa Deynta Caalamku Ku Leeyahay?


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay rajada ay ka qabto in laga dhaafo deymaha xad dhaafka ah ee lagu leeyahay.


Wasiirka maaliyada soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka mid ah wefti uu hogaaminayo raysal wasaare Khayre oo ku sugan wadanka Maraykanka ayaa sheegay inay buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa ee la xidhiidhay in laga cafiyo deynta lagu leeyahay.

Image result for wasiir bayle


Wasiir Bayle ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen madaxda wadamada deymaha ku leh soomaaliya ay u gudbiyeen talaabooyinka ay qaadeen iyo waxyaabaha u qabsoomay waxaanu yidhi "Waxaan ku guuleysanay in aan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalamka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta maaliyadda dalka”.


Dhinaca kale raysal wasaaraha soomaaliya ayaa kulamo uu Washington kula qaatay madaxda hay’adda IMF waxa uu ugu soo bandhigay dedaalada ay soomaaliya samaysay ee la xidhiidha nidaamka maaliyadeed.


Dawlada soomaaliya oo samaysay dedaalo ay ku doonayso in caalamku kaga dhaafo deynta lagu leeyahay ayaa haatan sugaysa oo kaliya natiijada ka soo baxda warbixinaha iyo kulamada ay maraykanka kula qaateen wadamada deynta ku leh iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamka.



Hadhwanaagnews.com
Loading...
Loading...