Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Tirada Xildhibaanada Aqalka Sare Ku Matalaya Gobolka Banaadir

0
Saturday June 27, 2020 - 19:05:23 in News by
  • Visits: 1792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Tirada Xildhibaanada Aqalka Sare Ku Matalaya Gobolka Banaadir

    Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Tirada Xildhibaanada Aqalka Sare Ku Matalaya Gobolka Banaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Tirada Xildhibaanada Aqalka Sare Ku Matalaya Gobolka Banaadir

Muqdisho(HWN):-xildhibaanada golaha shacabka dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaadhay tirada xildhibaanada aqalka sare ku matali doona gobolka Banadir.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay in 13 kursi oo dheeraad ah lagu kordhiyo golaha aqalka sare, si ay matalaad ugu noqdaan gobolka Banaadir, oo aan xilligaan wax matalaad ah ku lahayn golahaas.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ansixiyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir waxaana xeerkan haa ugu codeeyay 142-Xildhibaan 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Matalaada gobolka Banaadir waxay ka dambeysay kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya ay barlamaanka horgeeyeen mooshin ku aadan in 13 kursi oo aqalka sare ah lasiiyo gobolka Banaadir.

Tirada xubnaha aqalka sare oo awal hore ahayd 54 xubnood, ayaa noqondoonta 67 xubnood.

Loading...
Loading...