Badheedhihii Wasiir Koore ee Reer Boorama u Sacab-tumeen & Nuxurka Farriintiisa

0
Saturday June 27, 2020 - 17:49:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badheedhihii Wasiir Koore ee Reer Boorama u Sacab-tumeen & Nuxurka Farriintiisa

    Mudane, Saleebaan Cali Koore, wuxuu ka sheekeeyay taariikhda maalinta 26 Juun iyo marxaladihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane, Saleebaan Cali Koore, wuxuu ka sheekeeyay taariikhda maalinta 26 Juun iyo marxaladihii

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, ayaa hadalo dhaxal-gal ah ka jeediyay madal lagu xusayay munaasibadii 60-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Midawday ee United Kingdom. 26 June 1960, taas oo lagu qabtay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Saddex Qof Oo Biyo La'aan Ugu Geeriyooday Gobolada Bariga Iyo ...


Mudane, Saleebaan Cali Koore, wuxuu ka sheekeeyay taariikhda maalinta 26 Juun iyo marxaladihii ay soo martay, isagoo dhinaca kalena xusay heshiisyadii Boqortooyadii Midawday ee Britain la gashay Odayaashii xeebaha Somaliland iyo halgankii Daraawiishta ee uu hoggaaminayay halyeygii Seyid Maxamed Cabdulle Xasan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, wuxuu khudbada dhaxal-galka ah ee uu ka jeediyay Magaalada Boorama kaga hadlay rabitaanka Soomaaliya iyo doorka dadka deegaamada darafyada, taas oo si farshaxan ah uu bulshada ugu hoga-tusaaleeyay, wuxuuna xusay in marka la leeyahay waxa la doonaya Soomaaliya aannay ujeedadu ahayn darafyada ee cidda la doonayaa ay tahay deegaamada dhexe.

Saleebaan Cali Koore, wuxuu xusay in magaalada Boorama taariikh weyn ku leedahay Somaliland iyo dhismaheeda oo ay tahay magaalada loo yimaado dalxiiska, halka dhinaca kalena ay tahay magaaladii aqoonta iyo waxbarashada, balse wuxuu xusay in dhowaan uu arkayay dhawaaqyo kasoo baxayay magaalada Boorama, kuwaas oo uu sheegay in aannay fahmin xaqiiqda, isla markaana wuxuu ku tilmaamay in ay ahaayeen dhawaaqyadaasi kuwo la siyaasadeeyay, haddii buu yidhi, aannay hoosta wax ka hulqayn.

Wasiirka, ayaa markii uu badheedhihisa ka jeediyay halkaa, waxay bulshadu ku qaabileen sacab iyo mashxarad, isagoo sheegay in aannu isagu ahayn qof runta ka gabada sidaa awgeed uu dadka Boorama runta u sheegayo.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...