Socdaalkii Baakistaan: Booqashadii Karaaji, Cimilada Kakan iyo Biyihii Soomaalidu U Tuhmi Jireen Inay Bidaarta Keenaan. Qaybta 3aad.

0
Saturday June 27, 2020 - 17:11:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Socdaalkii Baakistaan: Booqashadii Karaaji, Cimilada Kakan iyo Biyihii Soomaalidu U Tuhmi Jireen Inay Bidaarta Keenaan. Qaybta 3aad.

    Xasuusqor ku celis ah oo aan baahiyay 2019.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasuusqor ku celis ah oo aan baahiyay 2019.

Markii aanu rasmi u ogaannay in Jaamcacadda la ii soo saaray ay tahay mid aan ahayn deeqdii waxbarasho ee aan codsannay, waxa aanu dib ugu noqonnay safaaraddii Soomaalida ee Islamabad. Waxa ay noo sheegeen in ujeeddadu ahayd in aan Baakistaan soo galo, isla markaasna dhakhso la ii siin doono deeq waxbarasho oo dhakhso ah. Walaw aanan ku qancin, in aan dhursugo oo dhawro ayay noqotay.

 

Maadaama oo dib loo dhigay xilligii aan Jaamacadda bilaabayay, waxa aan u safray magaalada Karaachi. Caasimadda iyo magaaladaasi waxa uu basku u kala socdaa 24 saacadood oo buure ah. Keliya saddex jeer ayuu u istaagaa cunto, salaad iyo in xaajo-guto.

 

Karaaji waa caasimadda ganacsiga iyo magaalada ay ku nool yihiin dadka ugu badani. Gegadeeda diyaaradaha waxa loogu magac-daray Maxamed Cali Jinaax: aabbihii Baakistaan. Waa magaalo xeebeed leh deked, waxaanay ku taallaa badweynta Hindiya. Waxa aan ku arkay qof ka soo jeeda qowmiyadda Rohinga ee lagu xasuuqo Myanmar (Barma) oo ka soo firxaday gummaadka aan loo aabbo-yeelin. Waxa uu noo sheegay in dhalasho iyo degannaansho laga siiyay Baakistaan.

 

Sar u dhaw Jaamacadda Karaaji ayaanu degganayn. Waxa aan xasuustaa habeen aan raacay gaadiidka dadweynaha ama baska. Wuxuu u qaybsan yahay dumarka oo xagga hore fuula iyo ragga oo xagga dambe kora. Ma joogsado. Marka uu qof degayo waxa la gaabiyaa xawaaraha. Dadka Baakistaan waxay la qabsadeen hannaanka looga dego. Malaha ciyaalkii gawaadhida ku laabi jiray ayaa la qabsan lahaa, laakiin habdhaqankaas waan ka soo booday.

 

Anigu markii aan ka degay isaga oo socda, waa aan kufay/dhacay. Waxaanan u galgashay dhinacii aanu taayirku xigin, si aanu ii jiidhin. Iyada oo ay suxullada iyo jilbuhu i murxeen, isla markaasna aan loo joojin ninkaygaas sigtay ayaan gurigii tegay. Ma raacin bas dambe.

 

Markii aan halkaas joogay bil ayaan ku laabtay Islamabad, waxaanan raacay bas aan keligay ka ahay ajnabi. Dadka qaar ayaa ila hadla iyaga oo Urduu ama afkooda ii duddubinaya. Marka ay hadalka jari waayaan ayaan aniguna Soomaali ku burqan jiray oo ay aammusi jireen. Waxa laga yaabaa inaad aragto qof iyo laba ku hadli karaya Carabi ama Ingiriisi inta safarka lagu jiro. Kuwaas ayaan cabbaar la sheekaysan jiray, haddii aan waayana taleefanka ayaan ku jeedsan jiray oo kolba qof wici jiray.

 

Feb 2008da oo aan Karaaji joogay ayuu bilaw fiican ku socday adeegsiga Soomaalida ee Facebook, laakiin ma doonin in aan ku biro.. Waayo waxa aan wakhtiga ku qaadan jiray baro kale sida MSN Messenger, hotmail iyo Yahoo. Socdaalkaas Karaaji kaddib waxa aanu si toos ah foodda isu gelin doonnaa madaxdii safaaradda Soomaalida iyo dillaalkii isku kaaya xidhan, inta aanan taas ku faaqidin qormada afraad waxa aan si kooban u milicsan doonaa cimiladii Baakistaan iyo biyihii loo tuhmi jiray inay bidaarta keenaan.

 

Cimilada: Kulka iyo qabawga

Haddii ay gabadano, gawro, gabax iyo dayra-dhaaf jiraan, waxa aan Baakistaan ku arkay dhaxan aanan abidkay dhaayaha saarin. Buuraha joogga dheer waxa guudkooda ku samaysma baraf, dhulka simanna waxa ku xeerma qabaw xad-dhaaf ah. koodh, funaanad, garan iyo shaadh ayaan korka ku xidhnaa. Laba surwaalna waa aan iska dul gashanaa. Gacan-gelisyo iyo sharabaaddo ayaa intaas ii raacayay.

 

Madaxana koofiyad wareegsan oo illaa dhegaha ku dhaw ayaa ku daboolnayd. Habeen aan eegay heerkulka Islamabad waxa uu ahaa 1o celcius. Wax yar ayuu ka korreeyay heerka biyuhu ku fadhiistaan. Xilliga jiilaalka, waxa ay maalintu noqon jirtay siddeed saacadood, waxaana looga faaiidaysan jiray in la soomo.

 

Waxa aan xasuustaa in aan maalmahaas qalleeyay laba cisho oo Ramadaan iga tegay kuwaas oo ay sababeen xanuun iyo maalin aan xabaal qodnay oo aan iska cunay. Waxa mahuraan ahayd in la shito kulayliye (heater). Waxa lagama-maarmaan ahayd in la diiriyo biyaha xilliga la maydhanayo iyo xilliga weysada labadaba, haddii kale waa in qubaysiga la daayo ama la gebagebaysto.

 

Xilliga gu’yaadda ah waxa dhaca baxrashoon, hanfi iyo milic lagu beercaddaanayo. Halkaas ayaa igaga darnayd xeebaha Berbera iyo Jabuuti. Heerkulku kama soo degi jirin 43 celcius. Maadaama oo dhulku roobbanaa, waxa dheeraa huur (humidity), ka dhalanaya uumi-baxa biyaha roobka arliga maansheeya. Sidaas awgeed ayaan jiif iyo joogba u diidi jiray. Qol kastaa waxa uu lahaa marwaxad. Haddii ay korontadu tagto, waxa loo yaaci jiray bannaanka. Waayo looma adkaysan karayo cimilada kulul. Wakhtigaas ardaydu fasax ayay waxbarashada kaga jireen. Sidaas awgeed habeenka ayaa la soo jeedi jiray, gelinka horena waa la hurdi jiray.

 

Haddii ay iga dhammaato hadhimada lagu sameeyo hoyga ardaydu waxa aan ka wahsan jiray in aan u socdo meel cuntada lagu kariyo oo noo jirtay 500 tallaabo. Iyada oo boggu madhan yahay ayaan fallaadhaha qorraxda ka gabban jiray, mararna si dirqi ah ayaan ugu lugayn jiray. Ayaamahaas waxa korkayga ka soo yaacay finan ay sababtay cimilada igu cusub ee suudiga ahi.

 

Biyaheedu waxa ay ahaayeen kuwo adag oo aan la cabbi karin. Ardayda ayaa odhan jiray "Haddii madaxa toos loogu shubo marka tushka lagu maydhanayo, waxa ay biyuhu sababaan timo-daadasho ama bidaar”. Laakiin dheg uma jalaq siin jirin, waayo sammadda ayaa wax walba igaga darnayd. Habeenno ayaa la faallayn jiray ragga bidaartu gelayso "Hebel waa murashax” ayaa la odhan jiray.

 

Waxa aan filayaa inay taasi sababtay bidaarta aan hadda leeyahay oo igu bilaabantay markii aan 22 jirka ahaa. Aniga oo Hargeysa jooga wax ka yar labaatan cisho ayaan ciidal-fidrigii ka salaamay dadka muuq-baahiyaha. Gabadh aanu ilmaadeer nahay ayaa igu tidhi "Waa maxay bidaartani?”. Sibiq ayay igu gashay, maalinba waax ayaa ruqi jirtay illaa aan gaadhay heer madaxaygu baloodho bannaan noqdo.

 

Berri loo qaybta afraad haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...