Faallo:-Hoggaamiye Biixi Iyo Farmaajo Oo Jeeddiyay Hadallo Kala Fog!
Hargeisa(HWN):-Munaasibad loogu dabbaal-degayo 60-guurada ka soo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii
Hargeisa(HWN):-Munaasibad loogu dabbaal-degayo 60-guurada ka soo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii oo ah markii ay Somaliland xorriyaddeedii ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ayaa lagu kala qabtay Caasimadda Somaliland ee Hargeisa iyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Labaddaas munaasibaddood ee Hargeysa iyo Muqdisho waxa hadallo ka jeeddiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaannay khudbaddahaasi ahaayeen kuwo aad u kala fog oo aan haba yarraatee isku dhawayn, isla markaanna u ekaa innuu midkastaaba khudbaddiisa ku salaynaayay rabitaanka shacbigiisa iyo dannaha jiritaankoodda, hase yeeshee waxa ay labadda khudbaddoodba ahaayeen kuwo shaki iyo jaah-wareer ku riday Shacabka labada dhinac, gaar ahaan hadalkii uu jeeddiyay Madaxweyne Farmaajo waxa uu ahaa mid tuhun badan ku abuurray Shacbiga reer Somaliland oo ay ku adkaatay siddii ay u rumaysan lahaayeen hadalkii Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi.
"Waan bilownay inaan raadinno Midnimo oo aan ka raadinay Walaalaheen Somaliland, muddo ayaan ka Shaqaynaynay, Allena waa nagu guulleeyay, waxaan rajaynaynaa in Wada-hadalkaas uu noqdo mid midho-dhal ah" Hadalkaas waxa jeeddiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waanna hadal laba dhinac-ba loo qaaddan karrro, waa midda horree innuu siyaasad uga jeeddo oo uu kaambayn uga dhigannaayo doorashooyinka foodda ku soo haya ee dalkiisa iyo inay tahay wax rasmiya oo uu kula heshiiyay ama uu kala hadlay Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi oo isagu hadalkaas mid ka duwan u jeeddiyay Shacbiga reer Somaliland.
Shacbiga reer Soomaalilaand oo aad ula dhacsan Khudbaddii garnaqsiga ahayd ee uu Muuse Biixi Cabdi ka jeeddiyay madashii wada-hadalka ee dalka Djibouti, ayaa si Caaddifad iyo Jibbo ka muuqato loogu soo dhaweeyay Caasimadda Hargeisa, waxaanna Afar casho kadib laga soo daba-daayay War murtiyeed ay si wayn uga biyo diiddeen guud ahaan Ummadda reer Somaliland, kaasoo meesha ka saarray guulihii iyo dabaal-degyaddii ay ku jireen Shacabka reer Somaliland, taasi waxa ay noqotay Fallaadh laga soo daba-ganney Weftigii uu hoggaaminnaayay Muuse Biixi Cabdi, iyaddoo Shacabkii ku noqotay af kala qaad, isla markaanna soo saartay in wixii ay Weftigu shacbiga u sheegeen in wax ka duwan laga soo saarray madashii shirku ka socday ee Djibouti.!
Haddana, waxa Shakigii iyo tuhunnadii shacbigu qabeen sii kicisay markii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), uu sheegay in War murtiyeedkii ka soo baxay dalka Djibouti ay ku jireen qoddobo qalad madbiciya (typing error), taasoo noqotay wax ay shacbigu liqi karri waayeen, maaddaama aannay Shir noocaas oo kale ah suurto-gal ahayn, waayo Heshiis yar oo labo qof wada galayaan, oo Nootaayadda la isla tegay, ayay Nootaayadu inta aanay daabicin, intaas oo jeer la akhriyaa, oo la isla eegaa, oo eray eray loo hubsadaa, dabadeed marka ay labada dhinacba ku qancaan la daabacaa. Oo weliba haddana iyada oo la daabacay, inta aan la saxeexin mar kale isha la mariyaa! Bal sawirro heshiis intaas oo qarash ahi ku baxeen. Intaas oo milyan sugayeen. Intaas oo qof labada dhinacba ka socdeen. Waa Soomaaliya iyo Somaliland e. Oo intaas oo ergay oo kala duwani joogeen. Ayuu Faratoon ku lee yahay waa qalad madbici!
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale shacabka u caddeeyey ujeeddada loogga gol leeyahay qodob dhinaca is-dhexgalka ah oo ku jirey qodobbadii ka soo baxay shirkii dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Jabuuti oo ay bulshadu siyaabo kala duwan u macnaysatay.
"Wixii is-dhexgelaya, horto siyaasadi iyadu way reebban tahay, xeer baana joojiyey oo iyadu kuma jirto, qofkii siyaasad u tagaana waa dambiile qaran, isdhexgalka kale wuxuu ku xidhnaanayaa, tusaale ahaan koox kubadda ciyaaraysa, ayaaba la doonayaa inay tagaan Soomaaliya, waa inay tagaan iyaga oo Baasaboorka Somaliland sita oo dawladda Soomaaliya tagtay oo magaca Somaliland ku ciyaaraya.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inaanay Weftigii uu hoggaaminnaayay Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi aannay ka run sheegin waxyaabihii dhabta ahaa ee Djibouti lagaga wada-hadlay, iyaddoo ay dhinaca Soomaaliya sheeganayaan inay Midnimaddii meel wanaagsan u marrayso, halka ay Somalilandna ku dooddayso inaanay Wada-hadalkaas ka soo qaaddeen wax ka yar madax-bannaanida Somaliland, hase yeeshee War jiraaba cakaarruu iman, iyaddoo shacabka reer Somaliland ay isha ku hayaan lanna socdaan tallaabo kasta oo Masiirkoodda khusaysa.
Faallo:-Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...