Is-qabqabsiga Firqooyinka Diimeed Iyo Dawlad Deegaanka Somaliitoobiya.

0
Saturday June 27, 2020 - 14:04:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-qabqabsiga Firqooyinka Diimeed Iyo Dawlad Deegaanka Somaliitoobiya.

    W/Q: Sadam Osman kaabash.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sadam Osman kaabash.

Dawlad deegaanka Soomaali Itoobiya(DDSI), waxaa ka curtay sanadadii danbe dawlad hanaankeedu u dhawyahay dawlad shacabka taageersan. Waxaa taladii laga tuuray keli-taliskii weynaa ee Cabdi Maxamuud Cumar, Ina-lay. Waxaa awoodoodii daciiftay maamulkii ku dhisnaa ilaa heer qabaley ee ka amar qaadan jiray Ina-Ilay, waxa sida buska kale yaacay ciidankii liyuuga oo amarkiisa uu lahaa kaadiriyiin ka amar qaata Ina-ilay. Waxaa la beddelay dawlad heer gobol ilaa heer qabaley awood dhammaystirana leh. Waxaa meesha ka baxay amaro aan isla xisaabtan lahayn oo goor kasta dadka lagu qabqaban jiray. Waxaa dhulku la ogay boqolaal basaas oo dareenka dadka ka ganacsan jiray. Waxaa ugu danbayn Shacabka DDSI waayeen qaab dhismeed dawladeed oo isku xidhnaa, guud ahaana shacabku mahadin jireen dheef iyo dhibaataba.

 

DDSI, waxay la dagaalami jirtay guud ahaan faafinta, dhigista, gudbinta iyo barashada heerka sarraysa ee diinta islaamka. Waxay go'doomiyeen xeeladkasta oo qofkastaa ku noqon karo macalin ama sheekh diimeed oo dadka aqoontiisa iyo wacdigiisa soo gaadhsiin kara. Waxaa wadanka joogay xoogaa wadaado xeraw ah oo wadanka gudihiisa cilmi ruug ku ahaa. Waxaa iyana wax sii baray wadaado kale isla wadanka wax ku bartay, sii ba xarumaha xerta oo aan cilmigoodu ku dhisnayn baadhis iyo kale shaandhaynta diinta iyo aaraada kolba wadaadka markaas kitaabka marinaya iyo wadaadka kitaabka katibay. Wadanka waxaa ku yaraa adeegsiga internetka iyo kitaabada gelaaya. Sidaa daraadeed, qofkasta oo wadanka soo gala saansaan diimeedna leh sida gadhka, khamiiska, surwaalka gaaban, waxaa loo aqoonsanaa argagixiso ka soo tallaabtay xuduuda. Qofkaasna waxa uu ku amranaa in lagu rido bac ilaa inta laga gaynayo xarumaha baadhista denbiyada.

 

Sidaa darteed, waxaa baxsi galay wadaadadii cilmiga lahaa waxaa la waayey wadaad diin dhammaystiran xambaarsan oo xuduuda ka soo tallaaba. Waxaa isku soo hadhay huubo shaatigoodu diinyahay iyo wadaado qunyar socod ah cidkasta oo xuduuda ka soo tallaabtana u aaminsan bidci Hargeisa iyo Burco wax lagu soo baray, balse, deegaanku waxa uu ka nabad qabay isqabqabsiga iyo xafiiltanka firqooyinka.

 

Markii dalwaddii mayalka adkayd ee Ina-ilay dayaantay waxaa soo ifbaxay boqolaal wadaad oo baxsi ku ahaa wadamada jaarka ah, waxaa tuulo kasta tegay wadaad u dhashay oo meelo badan wax ku soo bartay, waxaa wadanka soo galay wadaado xambaarsan aaraada Shuyuukhdooda oo u haysta cilmi diimeed, waxaa siyaasaddii ku milmay wadaado ganacsato ah oo kuwii hore ka aragti iyo mad-hab duwan. Waxaa taagan muran u dhexeeya wadaadadii kal hore dawladda la safnaa iyo wadaado kal hore cidhib lagu haayey oo deegaankoodii ku muransan.

 

Labada wadaad murankoodu waxa uu ku dhisanyahay sidatan; 'Wadaadada danbe waxay taaganyihiin ama aaminsanyihiin in wadaadadan Xerta ahi yihiin bidcoolayaal, waagii horena ay dawladdu uun taageersanayd, in deegaankooda iyo ubadkii ay wax barayeen aanay cilmi saxa barin oo iyaga laftoodu u baahanyihiin in wax la baro, in wadaadadu yihiin daroogaystayaal shaarica iyo makhaayadaha ku ruuga Qaadka, in wadaadada laftoodu aanay weligood shaqaysan ee ay dheecaanka iyo xoolaha agoonta si xaqdarro ah ku cunaan'. 'Wadaadada horena waxay taaganyihiin ama aaminsanyihiin in dhulkii ay joogeen ku soo duuleen bidcoolayaal lacag sita oo dibada laga masruufo, in lagu soo wariday macalimiin kitaab gaaba oo deegaankii ay joogeen la yidhi wax ka dhiga doolarna dibada looga soo shubo, in ay dagaal iyo dil ka xigaan oo ay naftooda badbaadinayaan'.

 

Ugu danabyn, markii taliskii xooga badnaa ee amarkiisa lagu shaqayn jiray meesha ka baxay waxaa qabalee kasta iyo degmo kasta muran ka dhex taaganyahay wadaado kal hore meesha iska xuurtaystay iyo wadaadado wakhtigu u hiiliyey oo cilmi iyo aqoon ba ka waafisan kuwii hore. Dawlad deegaanku waxa uu ahaa barta kaliya ee ka badqabtay is-qabqabsi diimeed maanta se, Qabaleeyo badan waxaa ka suurtawda in gacan ka hadal diimeed ka dhaco.

 

Sadam Osman Kaabash.

Hargeisa, Somaliland.

Degamada Maxamed Mooge.

Email. [email protected].


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...