Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Cambaaraysay Ciidanka Somaliland Oo La Wareegay Star Tv.

0
Saturday June 27, 2020 - 13:25:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Cambaaraysay Ciidanka Somaliland Oo La Wareegay Star Tv.

    War-saxaafadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed

Xarunta Xuquuqal Insaaku waxa ay canbaaraynayaa xayiraadda la saaray telefiishanka gaarka loo leeyahay ee Star TV. Booliiska magaaladda Hargeysa wuxuu 25 June 2020 la wareegay xarunta guud ee telefishanka isaga oo ku amray shaqaalaha inay ka dareeraan una diiday inay galaan si ay ugu shaqeeyaan.



 Ma jirin amar maxkamad ka soo baxay oo la tusay maamulka telefishanka. Sidoo kale ma jiro wax kale oo qoraal ah noocuu doono ha noqdee oo loo gudbiyay maamulka ama si furan loo daabacay oo sababaynaya xayiraadda iyo sharciga ay ku dhisan tahay toona, sida ay ilo badani u xaqiijiyeen Xarunta Xuquuqal Insaanka.


 Ilaa hada madaxda dawladdu kama hadal sababta iyo sharcinimada xayiraadda. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanay jirin dacwad maxkamad loo gudbiyay ka hor xayiraadda.


 Maaha markii u horaysay ee Booliisku la wareego oo u xidho sifo sharci darro ah xarun warbaahineed. Waxa ay noqotay fal joogto ah oo loogu cago-jugleeyo warbaahinta gaarka ah, lagu cadaadiyo xorriyadda warbaahinta islamarkaana lagu majo xaabiyo xorriyaadka iyo xuquuqaha dastuurku damaanad qaaday.


 Dastuurka Somaliland wuxuu mamnuucay wax kasta oo cabudhin ku ah warbaahinta. Sidoo kale dastuurku wuxuu sheegay in xorriyaadka iy xuquuqaha aasasiga ah ee ku dhigan dastuurka loo tafsiiro oo loo dhaqangeliyo sifo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaan ee dastuurku aqoonsan yahay. Qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxa ilaaliyay xorriyadda warbaahinta iyo aragti dhiibashada.


 Dawladda Somaliland waxa ay jebisay dastuurkeedii iyo xeerarkii caalamiga ahaa ee ku dhignaa dastuurka. Waxa aanu ugu baaqaynaa dawladda inay joojiso cabudhinta joogtada ah ee ay ku hayso warbaahinta iyo dadka wax dhaliila.


 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland;

1.      Inay ka qaado Booliiska xarunta telefiishanka Star oo ay u ogolaato inuu shaqadiisa dib u bilaabo;

2.      Inay ixtiraamto xorriyadda warbaahinta oo ay joojiso xayiraadaha sharci darada ah iyo xadhiga suxufiyiinta ee aan xeerarka waafaqsanayn;

3.      Inay dib u habayn ku samayso Booliiska oo ay ka dhigto hay’ad madax-banaan oo dhex-dhexaad ah oo ixtiraamta xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah.

 

Yasmin Omar Haji Mohamoud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland

Mobile: +252 (0)634472011

http://www.hrcsomaliland.org

Loading...
Loading...