Quraysh iyo Cilmiga Balaaqada. WQ Axmed-xiis Dharbaan
Dad baa ku dooda REER Xijaaz waxa ay ahayeen ka hor Nabi Muhammed (csw) juhulo aan waxba ku wacnayn.
Guud
ahaan dunnida ayaa ay eber gareeyaan wixii ka horeeyey Nabiga csw.
Taarikhda noocaa ahi, waxa ay meel ka dhac ku tahay insaanka. Ka hor
soo bixitaankii Rasuulka caalamku wuu shidnaa.
Haa, tawxiidku hoos ayuu u dhacay, cahdigaa waa ay yarayeen dadka RABI toos ugu xidhan iyo waliba kuwo ALLAH aqoonsan jiritaankiisa. Faqrigaa insaanka kaga dhacay dhanka TAWXIIDka awgii dunida lama odhan karo way bakhtiisnayd.
Magalada Beirut wagaas waxa ka jiray dugsi laga barto sharciga, Alexandria waxa lagu baran jiray caafimaadka, wixii la xidhiidha 'ART/Literarure' waxa loo doonan jiray QAZA. Athen waxa wali wadhnaa dhigaaladii ay sameeyeen Aristotle iyo ragiisii. Organon oo uu ka tagay Aristotle, waxa uu uu door wayn ka cayaaray fahanka Islam-ka. Quraanka iyo xadiiska marka laga yimaado QIYAAS waxa uu noqdaa qodobka sadexaad ee lagu kala baxo masaa'ilka diinta. Heshiis oo ah waxa jamhuurka cullimadu isku waafaqsan yihiin ayaa gala kaalinta afraad.
Xijaas ma aysan ahayn digada iyo dambaska. Boqortooyada Ingiriisku cilmiga - Genealogy - ay maanta dunida ku haystaan, MAKKA waxa uu ka ahaa aqoon qof kasta oo ku noolli uu ku qasbanaa barashadiisa. Waddani haddii uu aqoon u lahan lahaa cilmiga GENEALOGY waa uu ka badsan lahaa codadkii uu helay. Genealogy wa cilmiga abtirsiinta.
Xijaas waxa kale oo ay ku wacnayeen ganacsiga - trading. Waxa qasab ahaa wiilasha in loo diro baadiyaha si ay jidh-ahaan u noqdaan rag dhisan, iska dhicin kara cadawga iyo waliba qodobka muhiimka ah ee ay ilduufaan wadaadada Soomaalidu, waxa weeye: Qurayshi waxa ay ku wacnayeen gabayga. Ilmaha lix jirka ah waxa baadiyaha loogu diri jiray si uu usoo dhiso carabka.
Ilmaha marka baadiyaha loo diro, waxa uu baran jiray gabayadii carabta iyo sheekooyinkii carabta, waxa markaa u adkaan jiray carrabka waxa aan u jeedaa afka/luuqada.
Muhammed (csw) ayaa ka mid aha dhalinyaradii soo martay tobobarka baadiyaha, halkaana waxa ugu dhismay carrabkii. Nabigu bacdama uu tobobarka soo maray, RABI mu waydiisan ducadii Nabi Muse waydiistay ALLAH kolkii rasaaladu kusoo dagtay ee ahayd "Rabow carrabka ii fur".
Nimanka cilmiyadaa yaqaanay ma odhan karno waxa ay ahayeen juhulo, haba ka khalkhalsanaado tawxiidkuye. Ibn Khaldun ayaa doodan qabay anna - Axmed ahaan - waan ku waafaqsanahay in aan la odhan karin Qurayshi waxa ay ahayeen juhulo waayo, cilmiyo ay yaqanaan cahdigaa, inagu maanta maba fahansanin.
Inanka ingiriiska ah ee loo carbinayo in uu noqdo hoggaamiye, waxa la baraa naxwaha luuqada halka, wiilka dunnida sadexaad ee raba in uu noqdo hoggaamiye ay jaamacadaha galbeedku siiyaan duruus ku saabsan xidhiidhka caalamiga ah - International Relations! Inankii hoggaamiyaha aynu la rabnay, maskaxdiisa waxa ka buuxa dagaalkii Korea IWM. Markaa madaxa waxaasi ka buxuun ma dhisi karto hiraal mana gudbin karto aragti.
Saddexda luqood ee waxbarashaddu ku taagan tahay, waxa dhaca in marba lugi dabacdo, dabadeed la arko naafada haysata ninkii aqoonta loo tuhmayey. Qof aqoon u saaxiib ah ayaa la arkaa oo akhlaaq-diisu ay dabacsan tahay, markaas bay dadka qaar dhahaan: Aqoonta waxa ka horaysa akhlaaqda. Waa runtood oo akhlaaqda ayaa ka horaysa aqoonta hadana akhlaaqi ma aha aqoon. In aad akhlaaq wacan tahay kaama dhigayso mutacalim.
Dhagaxa sadexaad ayaa hada isaga la illaawayba. Sida aynu sheegnay waa sadex ayaa aynu nidhi. Ka sadexaad ayaa ah TA'DIIB. Af Soomaali waxa uu noqonayaa hab-dhaqan/hab-hadal.
Hab-dhaqan - Ethics and manners - oo ay ku ladhan tahay hab-hadal - balaaqa. Waa dhagax hada aan muuqan balse sadexeeya tarbiyada iyo tacliimta. Sadexda kolba mid ayaa loo daakiyaa ka laga ciirayna waa la tabaa.
Usbuucii hore, mar aan la fadhiyey saaxiibkay oo hada u tartamaya shahaadada sadexaad ee jamacada waxa ii muuqatay saaxiibkay in uusan isticmalayn JOOGSI. Haddii uu hadalka qabsado illaa laga joojiyo isagu garan maayo jooji. Saaxiibkay wuxuu ahaa nin mutacalim ah balse aan ahayn muta-adeb.
Axmed-xiis Dharbaan
Nantes France
[email protected]

AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...