Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo hortageysa Golaha Shacabka

0
Saturday June 27, 2020 - 12:29:44 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo hortageysa Golaha Shacabka

    Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim




Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa lagu wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulankii golaha oo uu hor yaallo laba ajende oo xasaasi ah.

 

Ajendeyaasha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa kala ah. Dhamaystirka xeerka Metealaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo Hor-Imaadka Golaha ee Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa lagu wadaa inay kulanka golaha shacabka ka hor jeediso warbixin si weyn loo sugayey oo ku saabsan nuuca doorasho ee dalku aadayo dabayaaqada sanadkan.

 

Warbixinta guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa ah mid si weyn loogu dheg taagayo, waxayna jiho u bixineysaa su’aasha ah doorasho nuucee ah ayaa dalka ka dhici doonta dhamaadka sanadkan iyo bilaawga sanadka dambe? Waa hadii ay dhacdo in warbixinta guddiga ay noqoto tii la sugayey.

 

Sidoo kale xildhibaannada golaha shacabka ayaa kulankooda maanta cod u qaadi doona xeerka Metelaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo maalmihii la soo dhaafay laga doodayay, waxaana xeerkaas ka taagan muran badan oo sababay in xildhibaanada qaar ay hadallo xanaf leh is dhaafsadaan, sidoo kale mooshin ah in xeerkan sida uu hadda u dhigan yahay aan loo ansixin ayaa laga keenay.


Loading...
Loading...