Madaxii Hore Ee Xukuamdda Galmudug Sheekh Shaakir Ayaa Ka Hadlay Dagaal Socda Waqooyiga Dhuusamareeb

0
Saturday June 27, 2020 - 12:04:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii Hore Ee Xukuamdda Galmudug Sheekh Shaakir Ayaa Ka Hadlay Dagaal Socda Waqooyiga Dhuusamareeb

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, "Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo qaraabada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, "Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo qaraabada



Sheekh Shaakir: Shacabkeena Ayaan U Tanaasulnay – Goobjoog News

Madaxii hore ee xukuamdda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu baaq nabadeed ugu diray labada maleeshiyo beeleed eek u dagaalamaya deegaanada Xananbuure iyo Qalaanqalle ee waqooyiga maagaalada Dhuusamreeb.

 

"Waxaan ugu baaqeynaa dadka walaalaha ah ee dirirto ku dhex mareyso deegaanada Qalaanqalle, Xananbuure iyo agagaarkooda inay joojiyaan dirirta u dhaxeysa, wixii khilaafa oo jirana ay ku xaliyaan wadahadal” ayaa lagu yiri baaqa Sheekh Shaakir.

 

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, "Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo qaraabada dhamaan dadkii ku geeriyooday dagaalka, gaar ahaan wasiir Daahir Shidane Cabdi, waxaan leenahay intii dhimatay Allaha u naxariisto intii dhaawac ahna Allaha caafiyo.”

 

Ugu yaraan 15 qofood ayaa ku dhimatay in ka badan 20 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal waaberigii hore ee Jimcadii shalay ka bilawday deegaanada Xananbuure iyo Qalaanqalle oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

 

Dadka uu galaaftay dagaalkaas waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Daahir Shidane Cabdi oo ahaa Abwaan caan ah, sidoo kalena noqday wasiir ka tirsanaa xukuumaddii Galmudug ee Madaxweyne Xaaf, isaga oo Madaxweynaha Galmudug u tartamay xilligii la doortay madaxweynihii ugu horeeyay ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, xalay ayuu dhaawac kasoo gaaray dagaalka ka socda Xananbuure, xilli uu ku jiray waan-waan ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla Gaalkacyo oo loola cararay.




Loading...
Loading...