Deg Deg:- Dagaal Beeleed Ka Dhacay Sanaag

0
Saturday June 27, 2020 - 11:53:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 4526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:- Dagaal Beeleed Ka Dhacay Sanaag

    Dhaawacyada ayaa la kala geeyay magaalooyinka Badhan, Carmo iyo Boosaaso,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaawacyada ayaa la kala geeyay magaalooyinka Badhan, Carmo iyo Boosaaso,

 

 



Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku dhaawacantay, dagaal beeleed saaka oo Sabtiya ka dhacay Degaanka Cawsane oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

 

Dhaawacyada ayaa la kala geeyay magaalooyinka Badhan, Carmo iyo Boosaaso, balse weli lama soo werin wax dhimasho ah oo ka dhashay dagaalkaas.

 

Isbitaalka Carmo, waxaa la geeyay afar ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, halka magaalooyinka Badhan iyo Boosaaso midkiiba la geeyay hal qof oo dhaawac ah, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Caafimaadka.

 

Dad ku sugan gudaha degaanka Cawsane, ayaa ka soo warramaya in dagaalka labada beelood dhexmaraya uu salka ku hayo muran ka dhashay dhul beereed ku yaalla degaankaas, oo dhinacyadu isku hayaan.

 

Dagaalka ayaa la soo sheegaya in uu markii dambe istaagay, waxaase weli is hor fadhiya dhinacyadii dagaallamay, iyadoo mararka qaar la maqlayo Rasaas goos-goos ah, islamarkaana ma jirto cid weli kala dhex gashay labada beelood.


Loading...
Loading...