Madaxweynihii Hore Galmudug Xaaf oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Galgaduud

0
Saturday June 27, 2020 - 11:36:48 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Galmudug Xaaf oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Galgaduud

    Waxaa uu sheegay in Ciidanka laga rabo in ay kala dhexgalaan beellaha dagaalamaya,islamarkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay in Ciidanka laga rabo in ay kala dhexgalaan beellaha dagaalamaya,islamarkaan




Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaalka ka socda dagaanada Xanan buure iyo Qalaan qale ee Gobolka Galgaduud.

 

War qoraal ah oo ku soo qoray boggiisa Facebook Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayuu uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalka dagaanadaasi, isagoo si gaara ugu tacsiyeeyay wasiirkiisi Daahir Shidane Cabdi oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay dagaalkaasi xilli uu kala celinayay maleeshiyaadka isku haya halkaasi.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka laga rabo in ay kala dhexgalaan beellaha dagaalamaya,islamarkaana gacanta lagu dhigo kuwa dagaalka hurinaya.

 

Dhawaacyo badan la geeyay Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb sidda ay xaqiijiyeen maamulada Isbitaallada.

 

Ku dhawaad 10 ruux la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal beeleedka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

 

Dhinacyada dagaalamaya ayaa mudaba is hor fadhiyay ayaa isku haya baraago laga qoday dhul miyi ah oo deegaankan hoostaga taasi oo xalkeeda dhowr jeer lagu guul dareestay .


Loading...
Loading...