Madaxweyne Waxaad La Mid Noqotay Mukulaashii Muriyada La Luntay!

0
Saturday June 27, 2020 - 09:30:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waxaad La Mid Noqotay Mukulaashii Muriyada La Luntay!

    W/Q: Cabdirasaaq Askar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirasaaq Askar

Boqorkii Busada u galiyey muriyada Dahabka ah ee jaarka ula wareegtay misana lagala baxay ee soo noqotay iyada oo madhan. Boqorkii ayaa ku yidhi " yaa qida fayn al muritaa?  waxay ugu jawaabtay; maw…maw,,,maw!

 

Haddaba, sida uu xalay xafladii xuska 26 juun ka sheegay Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Mudane Baashe ;  Shirarkii hore ee lixda ahaa ee Somaliya iyo Somaliland isku horfadhiisan jireen .. mid walba Qoladaa Somaliya waxay la iman jireen laba qodob oo ahaa : ISDHEXGAL iyo Shirarka Marna HARGEYSA marna MOQDISHO aan ku qabsano. Labadaa qodoba Xukuumadii Madaxweyne Silaanyo waa ay ka diiday manay ogolaan.taasina waa taariikh ninkii lahaa ku suntan yahay.



Waxay ku beegnayd 14 June 2020 markii Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi uu horfadhiisatay Dawlada Somaliya magaalada Djbouti. Shirkaas oo ay dabada ka riixayeen dalal shisheeye.


Sida maamulka Somaliya waftigooda caadada u ahaan jirtey waxay markiiba soo qadimeen Qodobka kamid ahaa labadii qodob ee lixdii shir ee dawladii Silaanyo ay ka diiday, balse waxaa ganafka ku dhuftay oo ka baxay shirkii gudidii farsamo ee Somaliland ,, sida Wasiirka Xanaanada Xooluhu Siciid Sulub warbaahinta ka sheegay 17 June 2020. Waxaynu se kadib maqalnay in gudidii Somaliland dib ugu noqotay shirkii maalin kadibna la iclaamiyey afar qodob oo lagu heshiiyey. Maalmo kadib waxaa dalka dib ugu soo laabtay waftigii Xukuumada Somaliland iyada oo loo soo dhaweeyey sidii waftigu guul weyn kasoo gaadheen shirkaa. Waxaa kale oo iyana ahayd dhacdo xusid mudan in 22 June 2020 dawlada jabuuti soo saartay warmurtiyeed xambaarsan qodobadii lagu heshiiyey oo uu ka dhexmuuqdo qodobka is dhexgalka ee waftiga Somaliland markii hore daboolka ka saareen shacabka Somaliland. Diidmo balaadhan oo ka yimid shacabka Somaliland qodobkaa is dhexgalka , waxaa warbaahinta la hadlay gudidii wadahadalada sida Farotoon, Siciid Sulub iyo Edna Adan oo bulshada la wadaagay in waxba kama jiraan yahay qodobkaas is dhexgalku. Balse waxaa tuhunkii shacabka Somaliland iyo dafiraadii gudida aan sare ku xusay soo afmeeray Madaxweynaha Somaliland xalay 26 jun 2020 xuskii ku qabsoomay Madaxtooyada taas oo uu ku bayaamiyey in qodobkaasi jiro haseyeeshee uu sii daba dhigay shuruudo shucuur dajin ah . maxaa yeelay shuruudahaasi meelna kagama xusna heshiiska Djibouti ay inala soo wadaagtay. Shuruudahaa uu xalay inoo sheegay Madaxweyne biixi waa Marin habow kale iyo khayaamo kale oo uu ula badheedhay qaranimada iyo bulshada Somaliland.


Waxaan kusoo gunaanadayaa,,,,, Madaxweyne waxaad la luntay  Xornimadii, sharaftii iyo karaamadii Qaranimada Somaliland ee aad nasoo weydiisatay in aad masuuliyadaa sideeda u qaadayso ee aanu annaguna kuu dooranay. Waxaad la mid noqotay mukulaashii Muriyada la luntay, hadalkaaguna waxa uu ka dhigan yahay; maw..maw.. maw

 

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...