Caku Yaa Kufsaday Cadraddii Bilayd ( Abdi- Shotaly)?.

0
Saturday June 27, 2020 - 09:21:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caku Yaa Kufsaday Cadraddii Bilayd ( Abdi- Shotaly)?.

    Qore:- Abdi-shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-shotaly.

  Somaliland saw ma joogto maanta, sifihii Heestii uu qaadi jirey Axmed Cali Cigaal, ee midha-heeda ka mid ahaayeen " Cukuye hawl aduun badanaa, ma cidla ciirsi-laan fadhiyaa? Cir kaa dheer, dhulkaa dheer, caways ma yuururaa? Wayga ciirsan-tee talladu, cayn wareeg-santee aniga, culays baa i saarane, Allaw ciilka iga bi'i, Nin caydhi weliggii ceeb kama fogaaee, caaway u darantee, Xagee baan cuskadaa? Maantana maxay sheegi doonaan? Kuwii u suguudi jirey beenta uu askarigu, qaabka beelaysan ku beer laxawsan jirey, intuu afka boodhka soo marsado, hadana uu meel kale farta ugu fiiqi jirey, intuu ugu sheekeeyo Inaka mooyee beelaha kale, ee reer Somaliland waa qaran dumis. yaa maanta dumiyey ee lacag kugu soo qaatay" Midnimo". Kii mareexaan ee " Daba-gaale Farmaajo" Ee hor-joogaha ka ahaa Somaliya" Saw runtii oo aan biyo is marin kama uu sheegin, wixii ay shirkii kaga soo heshiiyeen isaga iyo "Raggii ma adigaa ka hadhay" Imikana miyey dafiri karaan? Sacab miyaa cadceed lagu qarin karaa? Waa kaa xaqii oofta askariga ka dilaacaye ( Allaa-kariim). Akhristaw bal horta ku soo dhawaw maanso gaaban, oo halka xaalka Somaliland maraayo kuu tibaaxaysa, oo aan maanta oo taariikhdu tahay 26/06/2020 aan ka soo qaaday daawaha.

 

Caloolaay i maqal, Cimri maan filayn,

Halkaad caawa taal, adigaa cugtee,

Ha calaa-caline, camal-kaad rabteen,

Imikuu curtoo, Xamar kula cararay,

Meeye curadadii, kuu taagay calan,

 

Waa maxay cadhadu, saw idinkii ciyiga,

Cisiggii u wadhay, coomaadaha iblays.

 

Saw caalahaad u cumaamadeen,

Kuma siisan cuud, yaad u cabanay-saan?

Cosbkii Baxiyo, caleentii dhirtiyo,

Cambuul soo baxdiyo, c uudkii dhalee,

Casar maal lahaa, k u cawaysim oo,

 

Waa maxay cadhadu, saw idinkii ciyiga,

Cisiggii u wadhay, coomaadaha iblays.

 

Caanaha wadaag, dhama ciirta oo,

Dalin-tuna ciyaar, f iid cawlka hore,

Cada-loolka iyo, sacabkii camirey,

Caku yaa kuf-saday, cadraddii bilayd (S/Land).

Wa-taas caaqa xumi, caqli midaan lahayn,

 

Waa Maxay cadhadu, saw idinkii ciyiga,

Cisiggii u wadhay, coomaadha iblays.

 

Cidhiidhiga ku qabo, calyo iyo dhareer,

Sawku muu camcamin , cuqdad uu askari,

Cimirgii qaboo. caynka kuuma goyn,

Cidhib-teed cunaay, maw dhimatay ciil,

Caabuq aan baxayn, is ciil-kaambiyo,

  

Waa maxay cadhadu, saw idinkii ciyiga,

Cisiggii u wadhay, coomaadaha iblays.

 

Saw ciirsi li'i, cidla kuma ban-jarin,

Dhaaxaan car joog, dhurwaa hays cun-siin,

Oo cad-kaaga wacan, haku celin dugaag,

Oo caymar-kaad, canka gelin lahyd,

Cadaw hawla gelin, nacabkii carradda,

 

Waa maxay cadhadu, saw idinkii ciyiga,

Cisiggii u wadhay, coomaadaha iblays.

 

Ciidda kugu gubee, cayayaanka idil,

Casar kugu diree, celiyaay ku yidhi,

Caruur iyo haween, cirooliyo wayeel,

Cayn-tood ma jarin, allaa calaf hayee.

Ceel dheer ku ride, rajaddii cadayd.

 

Waa maxay cadhadu, saw idinkii ciyiga,

Cisiggii u wadhay, coomadaha iblays.

 

Hor-joogaha Somaliya, si badheedh ah, oo aan madmadaw iyo shaki mid-na aanu ku jirin buu u cadeeyey, in ay isku af-garteen midnimo, ugu yaraana ay qaadan doonto ilaa sanad iyo badh ( inta ka horeysa qabashadda doora-shadda Somaliya), ka dib-na ay si wadda jir ah uga qayb galaan, madax-nimadda uu ka rajo qabo in dib loogu doorto " Daba-gaale Farmaajo" Weliba la yaabka jira, sidaas bay sacabka ugu garaaca-yaan, kuwii ku andacoon jirey askarigu waa mujaahid, ee magac-yadda beenta iyo bilaashka ah ugu yeedhi jirey maxay maanta hayaan. Su'aashu waxa weeye, yaa dumiyey ee hantidda kula baayac-tamay " Daba-gaale-farmaajo" ilayn awel-ba waynu ogayn, in hanti ummadeed loo soo boob tegaye, oo aan dan kale loo iman "Xaafad-tooyada'e" Waxan leeyahay, oo aan weliba dhoosha ka qoslayaa, ku geeraaraya waa halkii " Cali dhuuxe" Waa lagu digtaa Ruux haduu, kuu daraan jirey, bal dayaayey, askariggii waa kaa, sii dabaysha-daye" allay-lehe haduu dalaw iska xooray, oo aanu dib uga soo kacayn, ha ka soo maaleen kuwii wax ku qabay, waa kaas haantii caanaha ahayd ee ay ka cabi jireen, uu hoosta uga dalooliyey" Daba-gaale framaajo" lagu heshiiyey in la wadda dhuuqo xeedhadda ummadda laga qadiyey.

 

Ujeedo iyo haatan, Waxan ku soo xidhay qoraalkan, waad maqaly-seen Kii Mareexaan in uu yidhi, waan ku guulay-sanay "Midnimaddii" Wuxuun baa hadhay oo keliya, wax aan sidaas u sii ridnayn, oo iska xaal-xaal ah, taas oo ah in la qoro heshiiskii isku darka. Askariga ku jiraa Guriggii morgan, waa nin ku dhac leh, oo keeni kara Somaliland, shicib wax la waydiinayaa ma jiraan, oo arin-taasi way dhamaatay, ee kii jaahil-kan u sacab tumaaya-yaw, saw adigu maad dooran oo maad hor-seedin dhimashadda Somaliland, iilka maad dhigin adigu, iyadda oo afar cagood ku socota, oo taagnidda kumaad gawricin, markaad ka qaban wayday xumaanta iyo khaladka, cadaalad darradda ku raacday, boobka dulka dan yarta, adigu hadaba is eerso, ka wax ku waayayaa waa adiga'e. Waa kaas askariggii waalaa Mareexaan iyo meel baas kuu hor kacaye. Wuxu yidhi Cabdilaahi Muuse (Ihun) Doqontii ku yeeshaa, wuxuun lagu dabiibaaya, dudumoo-yinkoo lala hadlaa, damac ma yeeshaane, hadeer-na ma Mataanaha, Gabooye, Samaroon iyo harti baa geeyey Xamar, baad aydin ku ololayn doontaan? Qabri dumay iga dheh,wixii loo soo gubtay.

* N.B  Saw Caalahaad U Cumaamadeen,

Kuma Siisan Cuud!

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...