Addis Ababa: Boolis Iyo Burcad Hubeysan Oo Isku Rasaaseeyey

0
Saturday June 27, 2020 - 08:26:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Addis Ababa: Boolis Iyo Burcad Hubeysan Oo Isku Rasaaseeyey

    "Mid ka mid ah shacabka ku nool goobta uu dhibku ka dhacay wuxuu BBC u sheegay iney weligood wax noocani ah la kulmin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mid ka mid ah shacabka ku nool goobta uu dhibku ka dhacay wuxuu BBC u sheegay iney weligood wax noocani ah la kulmin"

Booliska caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegay burcad hubeysan iyo booliska rasaas ay isweydaarsadeen inuu hal qof ku dhintay hal qofna uu ku dhaawacmay.



Boolisku waxay sheegeen burcad hubeysan oo ka koobnaa siddeed xubnood iney weerareen isla-markaana ay dhac u geysteen guri ay degganaayeen muwaaddiniin u dhashay dalka Shiinaha.


Guriga ay burcadda dhaca u geysteen oo ku yaallay xaafadda Ruwaandha ee magaalada Addis Ababa waxaa markiba soo gaaray qaar ka mid ah booliska Federaalka dalkaasi.


Bolisku marki ay burcadda u sheegeen iney isdhiibaanna ay raggi burcadda ahaa diideen isla-markaana ay booliska rasaas ku fureen sidaasina ay labada dhinac ku dhex martay israsaaseyn xoogaha socotay.


Waxaana halkaasi lagu dilay mid ka mid ah raggi burcadda ahaa, mid kalana lagu dhaawacay iyada oo ay 6 ka mid ah burcaddana booliska gacanta ku dhigeen.


Mid ka mid ah burcaddi hubeysneyd ee dhaawaca soo gaaray waxaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa.


Boolisku wuxuu intaa ku daray raggan burcadda ah ee ay gacanta ku dhageen falal burcadnimo oo noocan ah iney xaafada badan oo ka mid ah magaalada Addis Ababa ka geysteen.


Iyaga oo adeegsanaya dharka booliska iyo gaadiid kala duwan, booliskana in mudda ah ay ku raad joogeen.

Israsaaseynti shalay gelinki dambe dhex martay booliska iyo burcadda hubeysneyd waxay khalkhal gelisay iisu socodka xaafadda dhibka uu ka dhacay.


Mid ka mid ah shacabka ku nool goobta uu dhibku ka dhacay wuxuu BBC u sheegay iney weligood wax noocani ah la kulmin oo ay tahay arrin ugub ah.


Hase yeeshee, booliska wax faahfaahin ah kama bixin qasaaraha soo gaaray dadki ajaanibta ahaa ee ay burcadda weerareen iyo booliski howlgalka fuliyey midna.


Magaalada Addis Ababa ayaa lagu tirayaa iney ka mid tahay magaalooyinka ugu Nabdoon Afrika balse sanadihi u dambeeyey xaaladdeeda amni ay sii xumaaneysay

 

BBC

Loading...
Loading...