"Ninka Ugu Ildheer Baa Dadka Ugu Ayaan Daran"
Ugu horayn waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa dhamaanba warbaahinta Somalliland meelkasta oo ay joogto,
waxaan kaloo salaamayaa bulshada
Somaliland meelkasta oo ay kala joogaan.
Maqaalkan aan ugu magac daray ninka ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan
daran, waxaa igu kalifay inaan qoro su'aal aan iswaydiiyay oo ah niyaw
dhibka haysta bulshada dhinac kastoo ay noqoto ma adiguun baa arkaya
mise waa lagula og yahay ee dan baan laga lahayn, waxyaabaha aan isdul
taagay waxaa ka mid ah nolosha bushada iyo sida uu sixir bararku u
aafeeyey.
Horta marka koobaad dhib kasta oo ku yimaada bulshadeenan Somaliland
waa mid ay iyagu isu gaysteen oo ka bilaabmaysa qabyaalada iyo
iskhilaafka laysku khilaafayo waxkasta oo bulshada dan u ahaa iyadoo
laga duulayo qabyaalad.
Sixir bararku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha mideeya bulsho wada nool
oo kala fikir ah ama wax isku khilaafsan, waana muhiim in xaalada
dadkeenu maanta ku jiro in loo midoobo, dawlado dhan ayaa lagu badelaa
roodhi hal cent ku kordhay, inaguna maanta halkii ugu liidatay ayaynu
maraynaa dadkeenii danyarta ahaana waxba xaalkooda kalama socono.
Waxyaabaha iga yaabiyay waxaa ka mid ah markasta oo la doonayo in
sixir barar wax laga qabto waxaa la yidhaahdaa dollar baa kacay ee hoos
haloo dhigo, haddii hoos loo dhigana laba dhibaato ayay bulshadii la
kulantaa oo kala ah waa mida koobaade in meceeshadii halkeedii taagnaato
ama kabasii korodho iyo in lacagtii hoos u dhacdo oo waxba u jari waydo
bulshadii masaakiinta ahayd, waxa kale oo la yaab leh, halkii shay ee
la siin jiray hal ka dollar marka uu tobanka kun ahaa imika oo uu sideed
kun marayana lagu odhan maayo hal dollar keene waxaa lagu odhanayaa
toban kun keen, marwalba bulshadii masaakiinta ahayd ayaa ku dulman, ma
waxaynu garan waynay oo maamulkeenu garan waayay war haatan bulshadu
halka dollar shayga la siinayo hal dollar haku iibsatee zaad kii iyo
e-dahabkii u ogolaada in sidii caadiga ahayd lacagta laysugu diri karo,
oo halkii dollar wax lagu iibsan karo, zaad kii iyo edahabkii la
joojiyayna dhib kale iyo sixir barar kale ayuun bay bulshada ku soo
kordhiyeen.
Haddaba, markay sidaa tahay, waxaan talo idinku siinayaa muwaadiniinta
aan u diir naxayoow iyo dadkayga jilicsanoow inaad ka hadashaan oo ka
doodaan oo diidaan sixir bararka iyo tacadiga noocaas ah ee aydaan qaadi
karayn idinkoo mid ah oo aan iskala qaybinaynin, qabyaaladana iska
daaya waata halkaa idin dhigtaye, wixii dadka, dalka iyo diintaba wax u
dhimaya, wixii aan xaq ahayn iyo waxkasta oo bulshada masaakiinta ah
culays ku ah si toos ah oo isku mid ah uga wada hadla oo ha is
khilaafina nabad-galyadana ilaashada idinkoo mid ah.
Wa bilaahi tawfiiq
Abdiaziz Mohamed Mohamoud
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...