Falanqayn: Khudbaddii Madaxweyne Biixi ka Jeediyey Shirkii Djibouti (14 - 18 June 2020)

0
Friday June 26, 2020 - 17:27:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqayn: Khudbaddii Madaxweyne Biixi ka Jeediyey Shirkii Djibouti (14 - 18 June 2020)

    W/Q: Maxamuud Cabdillahi Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamuud Cabdillahi Axmed

Warbaahinta Soomaalidu waxay maalmihii ina dhaafay aad u hadal haysay shirkii wadahadallada Somaliland iyo Dawladda Federalka Soomaaliyeed (DFS) ee ka dhacay Djibouti 14tii - 18dii June 2020; gaar ahaan khudbaddii madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi.



Warbaahinta Somaliland (SL) waxay ku tilmaantay khudbaddaas inay ahayd markii ugu horaysay ee la horgeeyey qaddiyadda gooni-isutaagga SL fagaare caalami ah. Waxase aysan badi xusin khudbaddii dheerayd, fasiixiga ahayd, ee uu madaxweyne Axmed Silanayo ka jeediyey shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London, 23kii bishii Febrayo 2012, ee ay qabanqaabisay dawladda Ingiriisku, goobjoogna ka ahaayeen 80 dawladood iyo ururo badan oo caalami ah. Talow ma ka xusuus-dhowaan baa, mise waa ogaan ula-kac? Ma aan garan.


Saxiddaas ka dib, aan u gundo-dego qodabadii khudbadda md Biixi. Ugu horayn waxa uu xusay in 26dii June 1960kii 35 dal ictiraafeen Somaliland, laakiin ma hayno ilaa hadda dalalkaasi kuwa ay ahaayeen. Sida taariikhdu xusto, mid qoran iyo mid goobjoog ka shakeeyey ba, ujeedada dadka waqooyigu xorriyadda u rabeen, Ingiriisna isaga cayriyeen, ma ahayn inay dawlad gooni ah noqdaan. Waxay lahaayeen hadaf cad oo ahaa inaysan ka harin maalinta walaaladooda koonfureed calanka qaadanayaan, toosna ugu biiraan. Shucaarka dadku wuxu ahaa "ha iga reebin lixdanka", oo ahaa sannadkii koonfurta loo ballanqaaday inay daakhiliyada ka baxayaan, dal madaxbanaana noqonayaan.


Waxa taas u marag kacaya in 26dii June - 1da Luuliyo 1960, Somaliland aysan noqon dawlad shaqaysa. Isla habeenkii calanka la saarayba, maalintii ku xigtay dayuurad iyo gawaadhi ayaa Xamar loo qaatay. Waxa astaan markhaatiya ah in 26dii June 1960 calankii la saaray "Beerta Xoriyadda” Hargeysa uu ahaa calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda ku leh, kaasoo ahaa bandiiradda Xamar u yaqiinsatay calanka Soomaaliyeed.


Caddaymahaas kore waxa laga soo dheeganayaa in Ex-British Somaliland Protectorate ku milantay Somalia (ex-Italian colony). Macnihii 1dii Luuliyo 1960kii, ma dhicin midow (union) ee SL ayaa ku biirtay Xamar (merge).


Md Biixi waxa kale oo uu khudbaddiisa ku nuuux-nuuxsaday xasuuqii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ka geysatay waqooyiga dalka sannadihii 1982-1990. Madaxweyne Biixi wuu ku saxan yahay in la xasuusnaado xasuuqaas, si mar walba maanka loogu hayo, uguna taalo xusuus-wadaagta dadka Soomaaliyeed oodhan. Laakiin cudur-daar uma noqon karto gooni-goosiga/isutagga, sida khudabadda Md Biixi tibaaxaysay. Xasuuqaas dhacay muddadaas ma aha mid midayn kara beelaha waqooyiga, waxa ay doodaasi faquuqaysaabeelaha waqooyi ee aan iyagu tirsanayn xasuuq kaga yimi dawladdii dawladdii Siyaad Barre.


Waxa kale oo Md Biixi xusay halgankii dadka Somaliland u soo galeen dawladnimada ay maanta haystaan, macnihii halgankii xarakadii SNM. Mase uu ku darin in barnaamijka SNM uu si cad u qeexayey inay ka go'an tahay midnimada iyo dhawrista qaranimada Jamhuuriyaadda Soomaaliyeed. Kolkaa halgankii SNM u ma noqon karo isna cudur-daar gooni-goosiga/gooni isu-taagga. Ururkii SNM-na ha ku qab-weynaado inuu afka dhulka u daray diktaatoor Siyaad Barre.


Md Biixi waxa uu ku faanay in maamulka Somaliland (SL) uu sugay nabadgelyada, qabteena doorashooyin. Waa run, lagu masuugi mayo taas. Jawaabtu waa hamblayo iyo bogaadin. Ilaah ha u siyaadiyo. Haseyeeshee ujeedada nabadda loo sugay, ma ictiraaf raadin bay ahayd mise noloshaa u baahan. Haddii lagu waayo ictiraaf miyaa la baabiinayaa nabadda? Sidoo kale, doorashooyin dambe dib loo qaban maayo miyaa, haddii ay ictiraaf keeni waayaan!


Isla khudbadda waxa uu md Biixi ku xusay cunaqabatayn dhaqaale ee ay DFS ku hayso Somaliland. Hadda ogow imikaba Xamar way u soo gudbisaa caawimada qaybtooda. Waxase uu md Biixi ujeedaa waa inay DFS aqbasho in caawimada caalamiga ahi toos u tagto Hargeysa, iyadoo aysan soo marin Xamar. Waxa la maldahayaa waa inay DFS aqoonsato in SL tahay qaran ka madaxbanaan Soomaaliya. Jawaabtu waa, haddii sidaa la yeelo, looma baahna in la wada-hadlaba. Caawimada caalamiga ah yaan la siyaasadayna meesha ma qabato, ilayn shirka Djibouti siyaasad buu ahaaye. Khudbadda md Biixi ma ducay ahayd!


Calaa kula xaal, shacabka SL, runtii, dawladnimadoodii gacantooda ayey ugu jirtaa (de facto), qaranimadoodii caalmaiga ahaydna (de jure) Xamar ayey taalaa, beesha caalamkuna farta ayey ugu fiiqday jihada Xamar. Kolkaa md Biixi iyo madaxda Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay soo bandhigaan sida ay u rabaan inay qaranimada ula wadaagaan koonfur. Markaana aan aragno jawaabta ay Xamar ka bixiso.


Wa Bilaahi towfiiq

W/Q: Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...