Socdaalkii Baakistaan: Tegitaankii Laahoor, Dhicitaankii Degganaanshaha Iyo Dhicisawga Jaamacaddii Soo Baxday!. Qaybta 2aad.

0
Friday June 26, 2020 - 17:08:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Socdaalkii Baakistaan: Tegitaankii Laahoor, Dhicitaankii Degganaanshaha Iyo Dhicisawga Jaamacaddii Soo Baxday!. Qaybta 2aad.

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

Qoraal Ku Celis Ah Oo La Faafiyay 2019

 

Maadaama Oo Ay Safaarrada Soomaalidu Dib U Dhigtay Gelitaankaygii Jaamacadda, Dareen Ah Ah In Cirka La Ii Calaamadiyayna Uu Jiray, Waxa Ay Noqotay Inaan Noqdo Kursi-Suge. Sidaas Awgeed Ayaanu Ugu Safarnay Magaalada Laahoor Oo Uu Jaamacad Ka Dhigan Jiray Walaalkay Injineer Khadar Maxamuud Gahayr, Waana Caasimadda Gobolka Punjab (Punj: Shan Ab: Webi). Dhawr Kiiloomitir Ayay U Jirtaa Xadka Hindiya, Waana Loo Dalxiis Tegi Jiray. Anigu Se Ma Gaadhin Soohdinta.

 

Bas Ay Leedahay Shirkadda DAEOO Ayaanu Ka Raacnay Islamabad, Qof Kasta Oo Koraya Waxa Lagu Eegayay Qalabka Biraha Iyo Hubka Sheega. Waxa Xil Weyn La Iska Saari Jiray Sugidda Nabadgelyada, Waayo Waxa Ay La Deris Ahayeen Dalka Afgaanistaan Oo Ay Ka Dagaallamaan Kooxda Daallibaan. Shirkadda DAEOO Oo Laga Leeyahay Koonfurta Kuuriya Ayaa Maalgelisay Dhismaha Jidka U Dhexeeya Laahoor-Islamabad Oo Dhan 375km. Meelo Gaar Ah Oo Laga Baxo Iyo Meelo Laga Koro Ayuu Leeyahay. Gaadiidka Mara Ee Aan Keeda Ahayn Waxa Laga Qaadaa Cashuur.

 

Xilli Habeennimmo Ah Ayaanu Galnay Jaamacadda UET (University Of Engineering And Technology) Ee Lahore. Waxa Ay Lahayd Dhul Ballaadhan Iyo Dhismeyaal Badan. Hoyga (Hostel) Ay Deggan Yihiin Ardayda Ajaanibka Ahi Waxa La Odhan Jiray Allama Iqbal, Waxaana Loogu Magac-Daray Gabayaa Weyn Oo Reer Baakistaan Ah.

 

Marka Laga Yimaaddo Soomaalida Oo Ugu Badnayd, Waddamada Ay Ardayda Shisheeyaha Ah Ee Jaamacadda UET Lahore Ka Soo Kala Jeedeen, Waxa Ka Mid Ahaa: Itoobiya, Falastiin, Urdun, Yaman, Iiraan, Kaamboodhiya, Suudaan Iyo Neebaal

 

Markii Aanu Laahoor Nimi Waxa Aanu Isku Daynay In La Ii Sameeyo Diiwaan-Gelinta Boolisku Kula Socdaan Dadka Soo-Galeetiga Ah. Laakiin Waxa Ay Booliska Laahoor Ii Sheegeen In Aanay Suurtagal Ahayn, Waayo Jaamacadda Ii Soo Baxday Waxa Ay Ku Taallay Degmo Madax Bannaan Oo La Yidhaahdo Rahimayar Khan, Iyada Oo Ka Tirsanayd Gobolka Punjab. Suurtagal Waa Ay Noqon In Aanu Aadno Rahimayar Khan, Waxaanay Taladi Noqotay In Aan Sugo Inta Jaamacadda Aan Bilaabayo.

 

Maadaama Oo Ay Soo Dhawayd Qabsoomidda 1da Luulyo: Maalinta Madax Bannaanida Soomaaliya, Waxa Islaamabaad Ka Yimi Ciyaaryahanno Arday Ah Oo Soomaali Ah, Kuwaas Oo La Dheelayay Dhiggooda Laahoor. Kolkii La Xulayay Kooxda Laahoor Ayay Is-Xusheen Intii Ciyaaraysay. Waxan Iska Jug-Soo-Dhacay Oo Ima Ay Garanaynnin, Laakiin Walaalkay Ayay Garanayeen. In Aan Qasab Iyo Oggolaansho Mid Ku Ciyaarana Waan Rabay. Waxa Aan Ka Dhex Idhi "Dee Nagu Dara. Miyaannaan Reer Laahoor Ahayn, Ma Cirka Ayaanu Ka Soo Dhacnay?”. Waa La Is Wada Eegay, Markaas Waxa Aan Weji-Garanayaa Kabtanka Kooxda. Ninkan Cusub Ee Is-Maqiiqaya Ayaa Lala Fajacay.

 

Waxa Aan Raaciyay "Tirsiga 4aad Ayaan Ka Ciyaarayaa, Qayb (Half) Waan Dheelayaa”. "Haye, Laakiin Waxa Aad Ka Dheeshaa 2” Ayaa La Yidhi. Waxa Aanu Maalintaas Ku Badinnay Laba Gool Iyo Eber. Karaankay Si Fiican Ayaan U Dheelay, Waxaanan Ka Mid Noqday Kooxda Badisay Ee Laahoor, Ee La Bogaadinayo "Si Fiicanaa U Dheeshay Aboowe” Ayaa La I Lahaa "Aw Guulyo”. Maalmihii Bilawga Ee Aan Islamabad Ayaan Doonay In Aan Kubbad La Dheelo Reer Islamabad "Way Buuxdaa” Bay Yidhaahdeen. Waan Ka Cadhooday, Waxaanay Ila Noqon Weyday In Aan Mar Labaad Daawade Noqdo, Raggii Kubbada Ii Diiday Oo Dool Ahina Ciyaaraan, Sidaas Ayaan Aashayda U Gudbiyay. Waanay Hirgashay.

 

Waxa Aan Ka Qayb Galay Xuskii 1da Luulyo: Maalinta Madax Bannaanida Soomaaliya, Aniga Oo Xidhan Suun Uu Ku Xardhan Yahay Calanka Soomaalilaan. Halkaas Waxa Aan Ka Jeediyay Maanso Ka Hadlaysa Sida Loogu Baahan Yahay In Dhallinyaradu Ka Qayb Galaan Siyaasadda, Maadaama Oo Ay Talada Gacanta Ku Hayaan Rag Illaa Lixdankii Talinayay. Xafladdan Waa Ay Qaaddaceen Inta Badan Ardayda Somaliland, Aniguna Hal-Abuurnimada Iyo Dad Barashada Awgeed Ayaan Uga Baaqan Waayay.

 

Waxa Ardayda Soomaaliya Si Xun U Qaybiyay Soo-Gelitaankii Ciidanka Itoobiya Ee Garab-Siinayay Dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Jaaliyadda Soomaalida Ee Baakistaan Lacag Ayay Ku Kaabeen Maxaakiimta Islaamiga Ah, Halka Ay Kuwo Kalena Ciidanka Itoobiya U Yaqaanneen "Fardo-Awliyaad”. Marka La Qabanayo Toddobaadka Dhaqanka Ee Jaamacadda IIUI, Waxa Ay Ahayd Soomaaliya Dalka Keliya Ee Aan Meesha Soo Dhigin Sawirka Madaxweynahooda.

 

Waayo? Rag Ayaa Wacad Ku Maray In Aan Madasha Ninkaas La Keenin. Waxa Aan Xasuustaa Iyada Oo La Hadal Hayo Sheekh Xasan Daahir Aways Ayuu Wiil Abgaal Ahi Yidhi”Xasan Daahir”. Mid Habargidir Ah Ayaa Feedh Ku Miisay Isaga Oo Leh Waxaad Dhahdaa "Sheekh Xasan Daahir”. Qolada Abgaal Marka Ay Arkaan Niman Habargidir Ah Oo Meel Fadhiya Waxa Ay Ku Xaman Jireen "Maxaakiimtii”. Qaybsankaas La Isu Caddaysanayo Ee Ardayda, Ee Weliba Tollaysigu Salka U Yahay Waxa Aan Ka Dhaaday Sida Ay U Adag Tahay In Qabyaaladda Laga Tirtiro Soomaalida. Haddii Ay Kuwii Aqoonyahanka Ahaa Sidan U Dhaqmayaan, Maxaa Laga Fili Kuwo Aan Wax Baran?

 

Ardayda Somaliland Qudhoodu Waxa Ay Ku Qaybsanaayeen Loollankii Siyaasadeed Ee Markaas Jiray, Kaas Oo Ku Salaysnaa Saddexdii Xisbi Ee

UDUB, KULMIYE Iyo UCID

 

Isku Daygii Tegitaanka Rahimayar Khan

Markii Dhawr Jeer La Ii Heli Waayay Jaamacad Aan Ku Biiro Ayaannu Ugu Dambayntii Doonnay In Aanu Tagno Rahimyar Khan. Jaamacadda Ii Soo Baxday Waxa La Odhan Jiray Sheikh Zayed Medical College Waxaana Dhisay Amiirkii Dalka Imaaraadka Carabta Oo La Ii Sheegay In Uu Guursaday Haweenay Ka Soo Jeedda Degmada Uu Jaamacadda Iyo Cusbitaalka Ka Wada Dhisay.

 

Xafiiska Waxbarashada Ee Gobolka Punjab Ayaan Tusnay Waraaqdii Jaamacadda Ee Ii Soo Baxday. Waxay Ay Sheegeen In Gu’giiba Aan Bixin Doono Lacag Ku Dhaw Toban Kun Oo Doollar ($10,000), Iyaga Oo Maleeyay In Aanan Ahay Nin Ka Soo Ka Soo Jeeda Qoys Hodan Ah Oo Lacagta Intaas Le’eg Bixin Kara. Waxa Ay Yidhaahdeen "You Should Pay Ten Thousand Dollar A Year, You Are From Rich Family”. Markii Aannu Xaqiiqsannay In Aan Wax La Ii Hayaaba Jirin Ayaan Iska Laabannay.

 

Shaw Warqadda Jaamacadda Iigu Soo Baxday Waxa Ku Qornayd "On Self Finance Basis” Oo Ahayd In Aan Jeebkayga Iska Debbero. Halka Waraaqaha Deeqda Ahna Aynu Ku Qornayd In Ay Farsamo Ahaan Taageerayso Dawladda Baakistaan "Under Technical Assistance Of Pakistan Government”. Sidaas Awgeed Waxa Ay Dadka Kanshadaas Helaa Bixin Jireen Lacag Aan Ka Badnayn $800 Oo Hurdada, Cuntada Iwm Lagu Maareeyo.

 

Dhicitaankii Dal-Ku-Galka

Oggolaansho Saddex Bilood Ah Ayaan U Haystay Joogitaanka Baakistaan, Waxaanu Sharcigu Ahaa In Aan Muddadaas Ku Galo Jaamacad, Kaddibna Aan Dalbado Degganaansho Sannad Ah Oo Waxbarasho Ah. Jaamacadda Uu Ardaygu Ku Biiro Ayaa Caddaysa Inuu Barte Yahay, Sidaas Ayaana Lagu Helaa Ciqaamadda Waxbarasho. Laakiin Saddexdii Biloodba Waxa La Iigu Dhammeeyay Been Iyo Berri.

 

Maadaama Oo Aan Baakistaan Galay 24kii Juun 2007da, Waxa Uu Fiisuhu Iga Dhacayay 24kii Sebtember 2007da. Oktoobar Ayaa Lacag La Ii Soo Dhigay Xawaaladda Dahabshiil. Maadaama Oo Aanay Dahabshiil Ka Furnayn Baakistaan, Waxa Ay Iigu Soo Xawileen Laanta Western Union Ee Lahore. Markii Aan Lacagta Doonay Ayuu Nin Xafiiska Fadhiyaa Iga Qaaday Baasaboorkii Waxaanu Arkay Fiisaha Dhacay. Haddii Aan Weydiiyay In Uu Lacagta I Siiyo, Waa Uu Diiday. Waxaanu Isaga Oo Taas Sababaynaya Uu Yidhi "You Are Illegal In Pakistan”.”Sharci-Darro Ayaad Baakistaan Joogtaa”. Gooddiga Kuma Deynnin Intaas, Waxa Uu Ku Hadlay Afka Urduuga Isaga Oo Damcay In La Iigu Yeedho Ciidan Gudaha Igu Hubsada.

 

Wiil Ila Socday Ayaa Afkooda Fahmay, Waxaanu Af Soomaali Iigu Sheegay In La I Taxaabayo, Sidaas Awgeedna Aan Baxsado. Inta Aan Judhiiba Bannaanka U Booday Ayaan Cagaha Wax Ka Deyay. Waxa Aan Qoyska Ku Wargeliyay Sida Wax U Dhaceen. Waxa La Soo Diray Lacagtii Oo Lagu Soo Qoray Magaca Walaalkay.

 

Marar Badan Ayaan Safaaradda Soomaalida Ka Codsaday In La Iga Caawiyo Sidii Aan U Heli Lahaa Degganaansho, Xitaa Inta $100 La Iga Qaaday Ayaanay Taasi Dhicin. Waxa Aan Culayska U Saaray Iyaga Ayaa Wakhtiga Iga Riday. Marka Aanu Maraynno Baraha Boolisku Wax Ku Hubiyaan, Sida Sharciga, Waxa Aanu Akhrisan Jirnay Aayadda Ku Jirta Suuratu Yaasiin:

 

وَجَعَلْنَا مِن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا فَأَغْشَيْنَاهُمْ فَهُمْ لاَ يُبْصِرُونَ

 

Ilaahay Ayaa Naga Indha-Saabi Jiray. Iyaga Oo Aan Na Arkin Ayaannu Dhaafi Jirnay. Habeen Ayaan Ku Raagay Jaamacad, Goor Saq Badh Ayaan Usoo Lugeeyay Gurigii Aanu Degganayn Oo Noo Dhawaa. Waan Ka Baqanayaa In Ciidan I Qabto. Nasiib-Darro Aniga Oodhexda Maraya Ayuu Igu Soo Booday Oo Igu Ciyay Ey Guri Ku Xidhnaa. "Wah, Wah, Wah”. Cirka Ayay Jabaqda Iyo Cartankiisu Isku Shareereen. Maadaama Oo Aanan Filaynnin Waa Aan Ka Naxay, Weliba Kedis Buu Igu Ahaa Wadnaha Ayaa Ruxmay. Markii Aan Arkay In Silsiladi Ku Xidhan Tahay Ayaan Nafisay. Waxa Aan Dhacdadii Uga Warramay Saaxiibbadii Aanu Isku Guriga Ahayn.

 

Nin Baakistaan Soo Gaadhay Oo Ingiriiska Ka Yimi Ayaa Canaan Dhegaha Igu Jaray "Bilaa Sharci Baad Tahay, Markaasaad Saacaddaa Magaalada Dhex Lugaynaysaa. Ka Warran Haddii Boolisku Ku Qabto, Maxaad Odhan? Waa Inaad Guriga Joogto Habeenkii” Ayuu Igu Yidhi. Gar Bay Ahayd Oo Waan Qaatay. Jaamacadda Waxa Aanu Ka Heli Jirnay Internet Bilaa Lacag Ah, Sidaas Ayaannu Xilliyada Qaar U Sii Macaansan Jirnay Adeegsigiisa.

 

Waxa Ardayda Qaarkood Loo Samayn Jiray Degganaansho Qayru-Sharci Ah Oo Laaluush Lagu Bixiyo, Kaas Oo Fashilma Ama Dhab Noqda. Xitaa Waxa Aan Isku Deyay In Aan Kaas Helo, Laakiin La Ima Siinnin. Sidaas Awgeed Xitaa In La I Xidho Ma Dhibsadeen, Waayo Himiladii Aan Rabay Waxa Ay Ku Dhawayd Hungo. Waxa Aan Odhan Jiray "Xabsi Cirka La Arkayo Ayaan Ku Jiraa”. Wakhtiga Igu Socda Iyo Waxbarashada La Waayay Ayaa Waran Iyo Waabay Igu Ahaa.

 

La Soco Qaybta 3aad Haddii Alle Idmo.........


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...