Y aa Sii daayey Samafale Abdimalik Muse Coldoon ( Abdi-Shotaly)?.

0
Friday June 26, 2020 - 16:24:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Y aa Sii daayey Samafale Abdimalik Muse Coldoon ( Abdi-Shotaly)?.

    Hordhac:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac:-

 

  Ugu Horeyn waxa qorey warkan nin ka soo jeedda Dalka Belgium, ahna weriye caan ku ah Wadan-kaas, inta badana ka faaloodda Arimaha "Xuquuqal-Insaanka, una shaqeeyaTV-ga Qaranka Belgium, qaybtiisa afka Faransiiska ku hadasah. anoo halkan idiin soo dhigi doona linkka uu qorey,Hadaba muxuu ka yidhi soo dayntii A.M. Coldoon, warka waxa kaloo lagu qorey Af-ka Ingiriisiga aA, aniga oo abdi-Shotaly ah baa somali ku turjubaanay ee la soco:-

https://www.rtbf.be/info/medias/detail_sous-pression-les-autorites-du-somaliland-liberent-le-journaliste-abdimalik-muse-coldoon?id=10529734.:-

 

Samafale Abdimalik wuxu ku qaatay xabsiga Somaliland mudo ah sanad iyo 49 maalmood, sababta oo ah war-baahinta buu ka canaantay maamulka keliggii taliyaha, ka dib markii uu qarxiyey isu dheeli-tir la'aanta  iyo sinaanta la'aanta lagula kacaayo shicibka, oo uu maamulka halkaas ka dhisan ku sheegay mid aad cadaaladda uga fog.  waxa is waydiin leh hadaba " Waxa sii daayey Askariga oo saamxay? Mise Culays iyo cadaadis kaga yimi Caalamka? Waxa xaqiiq ah, imika wuxuu xor ahaa weriyuhu laga soo bilaabo 06/062020. Isla markii uu jeelka ka soo baxay " wuxu yidhi " Waa illaahaay mahadii haddii aan imika joogo debedda. Waxan u mahad naqayaa dhamaan intii ka qayb qaadatay sii dayn-taydda, Intaasi waa wixii uu yidhi Abdimalik, ayaantii la sii daayey oo ahayd 06 June 2020. Wuxu ku xidhnaa qol yar oo aad u liita, maamul-kaas oo ka mid ahaan jirey somaliya, wakhtigii ka horeeyey18/May/1991kii. ha-yeeshee sheegta hadda dal madax banaan oo ka gooni ah Somaliya, laakiin aanay cid ictiraaftay jirin. Wreiye Coldoon oo ah 38 jir, waxa lagu qaaday denbi ah in uu ka soo hor jeedo xornimadda ay sheega-nayaan, ha-yeeshee isaga bay ku dhacday xoriyatul-qawl la'aani oo la yidhi car juuq dheh, oo wax ka sheeg qaabka aanu u dhaqano ( The popular evil system they use it).

 

 Isaga oo adeegsa-naaya war-baahinta madaxa-banaan ( social media) Wuxu isu sare taagay ama u shaqay-naayey inta aanu sharciga keliggii taliyuhu hoos u eegin, naxariisna u haynin wixii beelo kale ah, Hay'yadaha  Xuquuqal-Insaanku, sidda Amnesty International, Human rights Commission, Waxay wax badan u gubiyeen maamul-kaas in aanu sharci ahayn xadhi-giisu, waayo wax waaran ah looma soo goosan, taas oo uu  xaaraanti-maynaayo distoorka dalka u yaala (qodob-kiisa 25aad, faraqa 2aad) ee sharciga ay dhigteen, mase la ciseeyo, wuxu odhanayaa qaynuun-kaasi qofka la xidhaayo waa in ay booliisku waaran uga soo qaataan maxakamadda ( Laakiin ma jirto maxakamad madax banaani) ee nin baa siduu doono iskaga maamusha. La yaabi-maayo in uu Abdimalik M. Coldoonuu umahad naqo Askariga hogaamiya gobol-kaas, isaga oo ay ku keliftey baqdin ah, in uu dib ugu celiyo askarigu xabsiga, Waxana la yidhi ma hadli kartid, waxa-se la yaab leh siduu u sii wadan lahaa Xirfa-diisa weriyanimo oo la cabudhiyey. Waxa cadaan ah in Caalamku Cadaadis iyo culays weyn oo aanu ka soo waaqsanayn saaray markii uu ka dhabar adaygay dhawr jeer, Laba Goor buu sii kala daayey maxaabiis askariga hogaamiyaa Somaliland, oo kolkii ugu dambaysay ay ahayd 01/Julay/2020, Tiro dhan 574 oo maxbuus, isaga oo ka baqaaya in xanuunka Covid-19 uu jeelka ka dilaaco, nasiib darro-se isaga marna kuma darin, waayo waxa uu u xidhnaa oo haystay beesha uu ka soo jeedo askarigu. dhawr jeer buu caalamka u sheegay been uu leeyahay waan sii daynayaa, markii ugu damabaysay ee jiq lagu siiyey, buu ku marmar-sooday waan cafiyey, waayo intaas wax ka badan baanu sii hayan karin, sidda loogu adkeeyey awgeed oo aanu  " Waayo qiil kale oo u banaan baan jirin.

 

Markaad intaas  soo dhaafto, wax mar keliya ku kelifay in uu sii daayo waa maxay? Ma waxa ku kelifay War-bahainta caalamka oo qaadaa-dhigtay warka Abdimalik iyo xaq darradad lagu haysto? sidaas miyaa sabata uu u bedelay wixii uu caalamka ka diiday? Mise Waa dhaqaalaha laga jaray mar qudha oo aanu filanayn? Ciyaar-na uu u haystay in aanu caalamku deeq-daas uu siin jirey ayna ka goynayn, ha-yeeshee markii luqunta lagaga rooriyey Katiinad, ee laba dible loo xidhay, buu khasab ku fuliyey sii daynta Weriya Abdimalik. Sidda uu Abdirihman Jama Ahmed, oo ah nin degan Dalka Uk, una dagaalama Xuquuqal-insaanka (Human rights activist), uu wararka ugu tebiya Amnesty intrnational, kuna magcaaban ( Somaliland And Somaliya Informer), saacado gaar ahna u shaqeeya, oo ay waraystaan Amnesty iyo Human rights Group-ka UK, oo aan la xidhiidhay, wuxu ii sheegay, in ay sii daynta A.M Coldoon khasab ku noqotay askariga jooga Hargeisa, kolkii sankiisa caano laga keenay ( After the international Community Squeezed milk from his nose), Taas oo marka la soo koobo ay ku sameeyeen. in ay dhegaha khasab ugu dilaaciyaan, waayo ilaa wax la tuso, mid wax qaadanaaya maaha, dabeed waxay deg-deg uga jareen xoolihii uu been-beenta ku urursan jirey, taas oo madaxiisa iyo miji-hiisa isku xidhay, markii uu culays dhaqaale soo food saaray, welina looma furin, oo waxay ku xidhan tahay shuruudo kale oo ah, waxa uu ka yeello isku dayga waan-waan ka dhalinta, Wada hadaladda Somaliya iyo Somaliland.

 

* N.B Nin Is Waala-ba Waabiyaa Hella!

Qore:- Abdi Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...