Faallo:-Muuse Biixi Lacag Ayuu Ka Soo Qaatay Farmaajo, Waanna Qaran Dumis!

0
Friday June 26, 2020 - 12:09:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Muuse Biixi Lacag Ayuu Ka Soo Qaatay Farmaajo, Waanna Qaran Dumis!

    Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi waxa hadalkiisii u danbeeyay ka muuqatay innuu wax badan qarinnaayo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi waxa hadalkiisii u danbeeyay ka muuqatay innuu wax badan qarinnaayo,

Hargeisa(HWN):-Qaddiyadda shacbiga Somaliland waxa ay ku ku dhisan tahay Go'aan shacab oo hadda Soddon jirsadday, kaasoo aan looga qabayn Madaxweyne iyo Koox midnaba, haddii ay soo qaataan wax ka hooseeya Madax-bannaanida Somaliland.
Farmaajo iyo muuse biixi iyo shirkii dhex maray daawo - YouTube


Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi waxa hadalkiisii u danbeeyay ka muuqatay innuu wax badan qarinnaayo, isla markaanna aannu shacbiga Somaliland u sheegin waxyaabihii ay kula heshiiyeen Soomaaliya oo uu matallaayay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, hase yeeshee waxa arrintaas caddeeyay oo daboolka ka qaadday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ammaan dheer oo uu u jeeddiyay Hoggaamiye Muuse Biixi kadib waxa uu sheegay inay Walaalahood Somaliland ay ka doonneen Midnimaddii, isla markaanna dedaal dheer oo ay galiyeen kadib ay ku soo guulaysteen.

"Waannu bilownay inaanu raadinno midnimo oo aannu ka raaddino Walaalaheen Somaliland, dedaal dheer baanu gelinay arrintaas, muddo ayaanu ka shaqaynaynay, Illaahay baa nagu guulleeyay Midnimaddii" Ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaayay 60-sano guurada ka oo wareegtay markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago magaalada Hargeysa 26 June 1960-kii markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska oo Caawa Muqdisho iyo Hargeysaba laga xusay.

Haddaba, iswaydiintu waxa ay tahay muxuu dhaafsadday jiritaankii iyo madax-bannaanidii shacabka reer Somaliland ay ku aaminnayn Madaxweyne Biixi? Waa imisa Lacagta uu ka qaatay Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi?

Sidii muuqatay ee la wada arkaayay, shacabka Somaliland-na ay ogyihiin Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka faa'iidaysannaayay Caadifaddii iyo Jibbadii ay Shacbiga ku dhaqan Caasimadda Hargeisa ku qaabilleen Madaxweynaha iyo Weftigii uu hoggaaminnaayay, waxaannu darreenkoodda ku kiciyay hadallo afka baarkiisa ah, balse xaqiiqdu siddaas way ka duwannayd oo wixii rasmiga ahaa ee ay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo marnaba ummadda looma soo bandhigin, sababtunna waxay ahayd waxyaabihii ay Weftiga Soomaaliya matallaayay ay ka wada hadleen may ahayn rabbitaanka Shacbiga reer Somaliland, isla markaana kamay turjumayn jiritaanka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, hasa-yeeshee waxa habboonayd in Hoggaamiye Muuse Biixi uu runta ku addimo haddii xitaa uu Midnimadda dan u arko.! Waayo hoggaamiyuhu waa kii ku dhac leh ee dadkiisa ku hoggaamiya barwaaqadda iyo halka dantooddu ku jirto, ha yeeshee in kolka War-murtiyeed laga soo daba-saarro, isagunna uu bulshaddiisa waxyaabo aan jirin u sheego waxay khilaafaysaa mas'uuliyaddii dusha loo saarray.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in Hoggaamiye Muuse Biixi uu khiyaano qaran kula kacay shacabkiisa, isla markaanna uu badheedhay innuu qarankiisa dumiyo, waxaanna habboon in Golaha Wakiillada u yeedhaan hoggaamiye Muuse Biixi si wax looga waydiiyo dhammaan Heshiiska shakiga badan dhaliyay, haddii ay ku caddaato innuu qarankiisa khiyaamo kula kacayna Xasaannada looga qaaddo si loo badbaadiyo jiritaanka shacabka Somaliland.

Faallo:-Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...