Qaybtii Lixaad: Maxay Somaliland Ka Dheeftay Shirkii Jabuuti?

0
Friday June 26, 2020 - 11:06:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii Lixaad: Maxay Somaliland Ka Dheeftay Shirkii Jabuuti?

    W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar
 

Mar kale iyo bariido bilan akhristeyaal. Qaybtan lixaad ee qormadu waxay diiradda saari doontaa, waxa ay Somaliland ka soo faa'iddey shirweynihii Jabuuti. Arrinta ku saabsan weftiga Somaliland iyo xubnihii uu ka koobnaa oo tiro yaraa; tayase lahaa waxaynnu kaga soo hadalnay qaybtii kobaad  - markaa ku noqon mayno.


Haddii aynnu u kuurgalno shirka waxay Somaliland ka dheeftay, waxaynnu ku soo duuduubi karnaa dhawrkan qodob:


  • Midnimo qaran oo wadatashi oo ay yeesheen dhammayeenba hagbadlayaasha siyaasadeed (stakeholders)ka qaranku. Sida: xukuumadda, golayaasha qaranka, xisbiyada mucaaradka ah - inkasta oo uu xisbiga Ucid diiday ka qaybgalka shirka. Haddana waxaynnu odhan karnaa, waa faa'iidadii ugu horreysa ee uu shirka Jabuuti innoo lahaa!

  • Isku duubnaantii wafdiga iyo bisaylka siyaasadeed ee ka muuqdey ayaa iyaduna ahayd guul kale oo shirka uga soo hoyatey Somaliland. Taasi oo uu nacabku ka naxay, nasteexna ku farxay!

Halhays Soomaaliyeed ayaa wuxu yidhaahdaa, " Geelu wuxu sanado badan saynta u ruxaa, mar uun baad Sasabane iyo Salla ka cabbi doontaa." Haddaba, Somaliland; wax badan bay Saatirka Ilaahay ka baryeysey, in ay hesho fagaare caalami ah oo ay qaddiyaddeeda ku soo bandhigto. Waxayna arrintaasi uga suurtogashay, shirkii Jabuuti oo ay ka dhacday; ciil horoon qabay iyo cadhaan kula dhacay!!


    •  Marka aad dhuuxdid ee aad dhandhansatid khudbaddii uu madaxweynuhu shirka ka akhriyey oo nuxur badan lahayd, waxa ka muuqatey: dood taariikhi ah, tu sharci iyo garnaqsi ku jihaysan Soomaalliya iyo bulshada caalamkaba. Shakina ma laha, in ay khudbaddaasi ahayd; qalindaraale muddo dheer laga soo shaqeeyey - wax badanna bannaanka soo dhigtay!


  • Waxa iyana wax aad loogu farxo,ahayd, sida wafdiga Somaliland uga faa'iideystey; shirdoceedyada (side meetings) iyo xodxodashada wufuudda shirka ka soo qaybgashay! Waxana arrimahaasi ammaan gaar ah ku leh, guulna weyna  ka soo hoysey; odaydhaan Adna Aadan Dhakhtar.
    Marka aad sawirrada ku aragtid, Adna oo u yeedhinaysa qaddiyadda Somaliland; rag ay ka mid yihiin: Yamamoto (safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo waftigiisii) oo aanu shaki ku jirin, in ay markii hore shirka la yimaadeen dhako kale, in ay Adni ku shubtay figrad tii hore ka duwan oo ay ka qaateen qadiyadda Somaliland.

  • Waxa kale oo muhiim ah in la sheegana mudan, saamaynta uu wafdigii Somaliland ku yeeshay madaxdii Jabuuti iyo wufuuddii kale ee shirka ka soo qaybgashayba.


Baraarujin: Waxa jirey dhawr iimood (weaknesses) ka muuqdey wafdiga Somaliland ee shirka ka qaybgalay. Waxana ugu waaweynaa laban god-daloolo oo gufeys u baahan:


  1. Afhayeen la'aan iyo xubnaha wafdiga oo u badnaa jiilalkii hore. Haddii aynnu eegno xagga muhimadda afhayeenka, dhawr jeer oo ay waraysatay saxaafaddu xubno ka mid ahaa waftiga; waxa ka muuqatey kala hadal iyo wada socod la'aan. Sidaa awgeed, waa muhiim in wufuudda dambe yeeshaan qof afkood ku hadla oo warsaxaafadeedka u qaabilsan.
  2. Dhinaca is-ku-dhafnaanta da'aha kala duduwani wuxu leeyahay faa'iidooyin ay ka mid yihiin: iskaasha, kala faa'iideysi iyo is-ku-kalsoonaan. Waayo, da' yartu waxay ka faa'iideysanaysaa waayo'aragnimada ay da' weyntu leedahay oo ka anfacaysa shirarka soo socda oo laga yaabo, in ay berri ka maalin ku keliyeystaan.


Isku soo wada duuboo, Somaliland shirkaasi guulo badan buu u soo hooyey xagga caalamka!


La soo qaybaha kale ee qormadan oo xiise leh, waa haddii ay xagga Rabbi ka ahaato'e.


W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...