Mareykanka Oo Gargaar Dhan 1.4 Bilyan Oo Doollar U Diray Dad Mar Hore Dhintay

0
Friday June 26, 2020 - 10:06:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Gargaar Dhan 1.4 Bilyan Oo Doollar U Diray Dad Mar Hore Dhintay

    "Waa in aynu aad uga taxadarnaa qiimeynta aan ku sameyneyno waxyaabaha asaasiga ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa in aynu aad uga taxadarnaa qiimeynta aan ku sameyneyno waxyaabaha asaasiga ah"

Hay'adda hanti dhowrka ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay ogaatay in lacag dhan 1.4 bilyan oo doollar ay wasaaaradda maaliyadda ee dalkaas si khaldan ugu dirtay dad mar hore dhintay.



Lacagtan oo qeyb ka ahayd taageerada dhaqaale ee ay dowladda siiso shacabka Mareykanka ee uu saameeyay corona ayaa guddiga hanti dhowrka waxaa kale oo ay sheegeen in ay arkeen dhowr khalad oo ay ku ogaadeen dib u eegis lagu sameeyay gargaarka corona.


Tan iyo bishii Maarso ee sanadkan, aqalka Kongreska ee Mareykanka ayaa lacag dhan 2.6 tiriliyan oo doollar ku kordhiyay dhaqaalaha Mareykanka, taas oo qeyb ka ah dedaalada looga gaashaamanayo waxyeelada dhaqaale ee uu keenay feyraska corona, maadaama dad badan ay shaqo la'aan ku dhacday, ganacsiyo badanna ay xirmeen.


Haseyeeshee degdegga lagu bixiyay lacagahaas ayaa la sheegay in uu khaladaad ka dhashay, waxaana taas ay keentay in dhaqaale loo qoondeeyo dad dhintay iyadoo aanan la eegin liiska dadka dhintay, walow saraakiil katirsan hay'adda canshuuraha ee Mareykanka ay walaac ka muujiyeen khaladaad ka dhalan kara dhaqaalahaas sida degdega ah lagu bixiyay.


Lacagahan ayaa lagu soo warramayaa in loo ansixiyay dad mar hore dhintay, kuna jira liiska dowladda, waxaana dowladda lagu eedeeyay in aanay eegin macluumaadka dadka la siinayo lacagahaas.


"Tirada lacgaha ammaahda ee la ansixiyay, sida degdeg ah ee loo ansixiyay iyo tallaabooyinka yar ee lagu xaqiijinayo ansixintooda, waxaa jirta khatar ah in ay wax is-daba marin dhacday, taas oo ah in codsiyo lacago khaldan la meel mariyay," ayaa lagu sheegay warbixintii ay soo saartay hay'adda hanti dhowrka Mareykanka.


Waxaan la ogeyn in lacagahaas ay la baxeen dadkii ehelka la ahaa dadkii dhintay iyo in ay wali ku jiraan akoonada bangiyada. Hay'ddda ayaa sidoo kale sheegtay in kahortagga arrintaas ay tahay mid muhiim ah.


Doodda la xiriirta gargaarka

Warbixintan ayaa timid xilli hay'adaha sharci dejinta Mareykanka ay ka doodayaan in la kordhiyo taageerada dhaqaale ee la siinayo dadka shaqo la'aanta.


Xisbiga dimuqraadiga, khubarada dhaqaalaha ee Mareykanka iyo bangiga dhexe ay soo jeediyay in gargaar dhaqaale oo dheeraad ah loo fidiyo shacabka, madaama shaqo la'aan baahsan ay jirto, waxaase arrintaas ku gacan seyray xisbiga jamhuuriga.


"Waa in aynu aad uga taxadarnaa qiimeynta aan ku sameyneyno waxyaabaha asaasiga ah kahor inta aanan ku dhaqaaqin," sidaas waxaa yiri Senetar Pat Toomey.


Saraakiisha aqalka cad ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dhaqaale lagu kabo shacabka ay suurtagal tahay, haseyeeshee dowladda Mareykanka ayaa dadka dhaliila waxay ku eedeeyeen in ay ka cagajiideyso dedaalada lagu kormeerayo bixinta dhaqaalahaas.


Bishii April ee sanadkan, madaxweyne Donald Trump ayaa meesha ka saaray guddi loo xil saaray kor joogteynta dhaqaalaha lagu taageerayo dhinacyada uu saameeyay xanuunka corona.


Aqalka kongreska ayaa meel mariyay lacag dhan 2.6 tiriliyan oo doolar, sidoo kale lacag dhan shan boqol oo bilyan oo dollar ayaa loo qoondeeyay in lagu taageero 4.6 milyan ganacsi oo uu saameeyay feyraska corona.

 

BBC

Loading...
Loading...