War Degdeg ah: Qof Haraad Ugu Dhintay Degmada Lughaya.

0
Thursday June 25, 2020 - 19:38:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Qof Haraad Ugu Dhintay Degmada Lughaya.

    Waxa xusid midan in waqtiga lagu jira bilahan June, July iyo August degaanada Xeebaha ee gobolka Awdal looga yaqaan Xagaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa xusid midan in waqtiga lagu jira bilahan June, July iyo August degaanada Xeebaha ee gobolka Awdal looga yaqaan Xagaa!

Booramada (HWN) Haweenay aan la aqoonsan magaceeda iyo meesha ay ka timid ayaa Haraad ugu geeriyootay ban ku yaala degamada Lughaya, waxa geerida haweenaydan sababay Harraad iyo Kulaylka cadceeda oo degaankaas waqti xaadirkan ka dhigay mid noloshiisu ay adagtay.

 

"Gabadh maskaxda ka jiran, oo aan la aqoonsan balse loo malaynayo inay tahay Itoobiyaan, ayuu haraad ugu dhimatay meel 10 km u jirta tuulada Garaac,waxana maydka haweenaydan nagu soo wargaliyay dad safar ah oo marayay goobta ay ku qudh-baxday” ayuu yidhi Maayarka Degmada Lughaya Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood oo dhimashada Gabadhaasi Warbaahinta u xaqiijiyay.

Maydka marxuumadan ayaa lagu aasay habeenimadii xalay ahayd tuulada Garaaca oo ka tarsan degamdaasi Lughaya, waxana maayar Dixood oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya dhacdadan uu yidhi

 

"Waxa la noosheegay in ay AHUN Marxuumadan ka soo Lugaysay magaalada Lughaya, waxa ay maalmo joogtay Garaaca, waxa ay laba maalmood ka hor u lugaysay dhinaca Djibouti, Kulaylka Cimilada iyo dhulka oomanaha ayaana sababay dhimashadeeda”

 

Waxa xusid midan in waqtiga lagu jira bilahan June, July iyo August degaanada Xeebaha ee gobolka Awdal looga yaqaan Xagaa! Waxana uu kulaylka cadceedu gaadhaa celcelis ahaan in ka saraysa 45 digrii, waxana uu sababaa kulaylkaasi in dhulku oomane noqdo, si fuduna ay dadka iyo duunyaduba u haraadaan, mararka qaarna looba dhinto Kulayl iyo Haraad dartiis, sidaas aawadeed ayaa Maayar Dixood-ka degmada Lughaya waxa uu dadka ugu digay inay ay amba-qaadaan safaro dhaadheer oo Lug ah iyaga aan aqoon u lahayn, amaba iska indho-tiraya xaqiiqda ka jirta degaandaas ee salka ku haysa, biyo-yaraanta, kulaylka cimilada, iyo baaxada degmadaas oo aad u wayn.

 

Hadhwanaagnews

Boorama/Office.


Loading...
Loading...