Maxaa Sababay Kala Fogaanshaha Dhaqaale Ee Dunida?

0
Thursday June 25, 2020 - 12:01:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay Kala Fogaanshaha Dhaqaale Ee Dunida?

    W/Q: Muuse Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muuse Cabdi.         

Inaynu fahanno qaab dhismeedka dhaqaale ee dunidu waa wax fudud sidoo kale inaynu fahanno sababihii kala duwanaa ee keenay in dhaqaalaha dunidu uu noqdo sida aynu maanta aragno, ee wadamadii dunida loo kala saaray kuwo Hodan ah iyo wadamo lagu sheego inay dhaqaale ahaan hooseeyaan, luuqadda dhaqaalahana loogu yeedho wadamo soo koraya.

Inta aanaan ugalin kalasaraynta dhaqaale ee dunidu waxa ay soo bilaabantay qarnigii 19aad ama 1800kii, maadama wakhtiyadaas uun uu hanaqaaday Kacaankii warshadaha ee wadamada Yurub. Inaga oo gadaal ka ogaan doona amaba sababayn doona ujeedka hadalkayga, bal aynu eegno garaafkan iyo waxa uu tilmaamayo.

 

Xuquuqda Sawirka: Gregory Clark, Farewell to Alms.

Sawirkan sare waxaad ku arki kartaa in dunidu wixii ka horeeyey 1800kii ama qarnigii sagaal iyo tobnaad in dunidu ay ku sugnayd marxalad dhaqaale oo isku mid ah, walaw ay barigaasba jireen dad dhaqaale ahaan roon iyo kuwo la xarbiya nolosha, hadanse ma ay jirin sida maanta dunidu loogu kala qaybiyo qaab-dhismeed dhaqaale (Dunida koowaad iyo .Dunida soo koraysa).

Hadaba aynu isku dayno inaynu sharaxno sababaha dunidu sidan wayn u kala dhaqaajiyey, aniga oo si gaar ah u tixraacaya buug cilmiyeedkii uu qoray aqoonyahankii waynaa ee Gregory Clark ee uu ugu magic daray Macasalaamayntii tabarucaadka: Taariikh kooban oo dhaqaalaha dunida ah. Waxyaabaha keenay inay dunidu sidan ukala fogaataa waa Sadex shay oo kala ah;

·        Qabtii maaltus ( Malthusian Trap):

Wixii ka horeeyey 1800kii dadyawga dunidu waxa ay u badnaayeen dad Beeraley ah, oo la soo baxa quudkood in ku filan, mararka qaarna sameeya ugaadhsi aan tiro badnayn. Maadaama oo ay reerka oo dhanba beertaas tabcadaan wixii kasoo baxana ay quutaan, waxa ay kaliftay in reerka ay ka tafiirmaan caruur badan oo gaadhi karta 15, mararka qaarkoodna in kasii badan.

Waxa isna jira qodob labaad oo aad u muhiim ah oo keenaya in dhalmadu ay xiligaas badato waana in reerba reerka ay ka caruur badan yihiin ay ka wax soosaar badan yihiin maadaama cudud shaqaale ay noqonayaan caruurtu. Tani waxa ay sababtay in dhaqaale-yahannadii wakhtigaas joogay oo uu kamid ahaa Malthus in ay ku fikiraan in koboca xad-dhaafka ah ee ku imanaya dadyawga dunidu in ay khatar ku yihiin jiritaanka dunida, oo laga yaabo in ay dhacdo cunto yaraan tanina ay hadhawto sababto in dadyawgu ay is-cunaan. Waxa uu sida oo kala u arkayay Rabshadaha, dagaaada, caafimaad darada iyo dhibaatooyinka kale ee dunida ka dhacaya inay yihiin xal lagu yaraynayo kordhidda xad-dhaafka ee ah ee dadka. Waxaana uu markaas soo jeediyay in la yareeyo dhalmada. Waxa wakhtigaas dhaqaale-yahankan ka maqnayd in wax soosaarka beeraha lagu kordhin karo iyada oo la isticmaalayo tiknoolajiyada, waxaana maanta suurtagal ah in beertii shalay la beeray isla maantaba midho laga helo tanina ay tahay mid kordhin karta wax soosaarka beeraha ee aanay marnaba dhici Karin in cunto yari ay dunida soo wajahdo. Badi wadamada loogu yeedho dhaqaalayaasha soo koray ama dunida sadexaad, oo ay qaaradda Afrika ugu horayso waxa ay kujiraan marxaladihii 1800kii ee uu Malthus aragtiyaha kasoo saaray, kamana ay faa’idaysan koboca tiknoolajiyada ee hada dunida koowaad isticmaasho, tan ayaana loogu yeedhay inay qabtii Malthus wali kajirto wadamada qaarkood, yacnihii 220 sanno kahor halkay dunida horumartay maraysay ayay wali wadamada qaar marayaan.

·        Kacaankii Warshadaha (Industrial Revolution).

Kacaankii warshadaha waxa lagu tiriyaa inay tahay hirdidii ugu waynayd ee kala dhaqaajisay dunida una kala saaray Dunida horumartay iyo mid soo koraysa. Wakhtigii uu bilawday kacaankani oo kasoo bilaabmaysa 1760skii waxa ay yurub noqotay quwad dhaqaale oo aad ukortay, waxaana bilawday warshado badan oo abuuray shaqooyin iyo dhaqaale abuur badan, dadkii beeraha ka manaafacaadsan jirayna waxay usoo wareegeen xaga warshadaha oo waxa dhacay Magaalayn, amaba in dad badani ay usoo guuraan xaga magaalooyinka oo tuulooyinkii la iskaga yimaado. Waxa abuurmay magaalooyin waawayn, waxaana dhismay kaabayaal dhaqaale oo badan waxaana sii laba kacleeyey marba marka danbaysa horumarka dhaqaale ee ay wadamadaas gaadhayaan.waxa iyana yaraaday dhalmadii xad-dhaafka ahayd ee wakhtiyadaas jirtay, tanina waxa ay sababtay in dhaqaalaha qofkasta kusoo hagaagaya marka dakhliga guud ee waddanka la qaybsado uu kordhayo. Wakhtigaas kadib wadamadii kacaanka warshaduhu u guulaystay ee Qaaradda Yurub, waxa uu damac kasoo galay khayraadka dihin ee yaala wadamada kale ee caalamka oo dhan sida Afrika, Aasiya iyo kuwo kale, waana kuwii shirkii qaybisga dhulkii Afrika ku qabsaday Jarmalka sannadkii 1884kii. Sababaha ugu way nee gumaysigii afrika ayaa ahaa kaliya inay ka helaan agab ay ku horumariyaan warshadahooda iyo inay macdanaha kala duwan ee Afrika yaala inay qaataan. Tan ayaana usaamaxday inay aad usii horumaraan.

Marka xagan la joogo waxa loogu yeedho gumaysigu waxa lagu tiriyaa inuu yahay sababaha horumar la’aanta u keenay Afrika, wakhtiganse ma rabo inaan mawduucaas galo.

Wakhtiyadaas lagu gudo jiray kacaankii warshadaha waxa iyaguna jiray dhaqaale-yahanno si wayn utaageersanaa in ganacsiga iyo abuuridda hantida la xoojiyo waxaana ugu tun roonaa Adam Smith, isaga aragtiyihii sida wayn looga uhirgalay wakhtiyo badana shaqaynayay waxa kamid ahaa aragtida ah "Gacanta aan Muuqan” ama waxa uu ugu yeedhay Invisible hand, ee uu ku sheegayo in dawladdu ay samayn yar ku yeelato suuqa, xoogaga kala duwan ee suuqa kajiraana ay iyagu go’aamin doonaan kala iibsiga alaabaha, baahidooda iyo waliba sicirkooda.

Iyana waxa su’aal kale ah maxaa sababay in kacaanka warshaduhu uu ka dhaco oo kaliya Wadamo kamid ah Yurub, ee uu uga dhici waayay wadamo kale oo barigaasba jiray Sida Shiinaha iyo Jabbaan, insha allah mar kale ayaan kaga hadli doonaa maqaal kale.

·        Kala durugii waynii (Great Divergence).

imika dunidii dhaqaale ahaan way kala awood roontahay oo hirdidii Kacaanka warshadaha ayaa si daran dunida u kala kaxeeyey, balse waa laga soo kaban karayey haddii waddamadii ku faa’iday kacaankaasi ay gacan qaban lahaayeen waddamadii kale ee aan wali tallaabo qaadin amaba dadyawgaasi ma aanaysan helin dad haldoor ah oo ukacay waddamadoodiina ka hirgaliyay kacaan lamid ah kii Yurub. Balse nasiib darada wayn ee dhacday ayaa ahayd in waddamadii kacaanku ka hirgalay ay dib usoo hungureeyaan dhulalkii hadhay sida Afrika, waxaana ay urursadeen khayraadkoodii markii ay kasii baxayeenna waxa ay uga tageen dhibaatooyin ilaa hadda aan xalkooda lahaynin sida; Isqabsi xagaga dhulka ah.

Sida dhaqaalaha dunidu usii kala fogaaday waxa aad ka arki kartaa xogaha dhaqaale ee sannadlaha ah, tusaale ahaan 2002dii Shaqaale ka shaqeeya waddamo dhaqaalahoodu hooseeyo sida Hindiya waxa uu saacaddii ku shaqeeyaa $0.38, halka Shaqaale ka shaqeeya waddamada horumaray sida Maraykanka uu qaato saacaddii $9, waad arki kartaan sida loosii kala fogaanayo.

Waddamada horumaray waxa si fiican ugu hanaqaaday nidaamyada dawladeed balse waddamada dib dhacay ilaa hadda waxa ka khaldan ayaa ah nidaamyadooda dawladeed oo aan abuurminba.

Intaas marka aan kasoo gudubno, haddii dunidu ay sideedan kusii socoto maxaad filan kartaa?

Intaas ayaan kusoo koobayaa balse qofka jecel inuu sii raadiyo warbixin badan wuxuu akhriyi karaa buugga magaciisa la yidhaahdo "Farewell to Alms: A brief Economic history of the world by Gregory Clark”.

 

W/Q: Muuse Cabdi

Email: [email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...