Covid-19 Iyo Maanta

0
Thursday June 25, 2020 - 11:38:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Covid-19 Iyo Maanta

    Dr Omar Noor, UK.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Omar Noor, UK.

Wadamadii uu xoogga u jiidhay ee reer galbeedku weli weli waa la baaxaad degayaan, dhimashadu weli waa socotaa inkasta oo ay bilawday inay hoos u dhacdo si talaabo gaaban ah. Waan ladada soconaa halka uu la marayo maraykan wayne oo hadda 123000 dhimashadu caarinayso, Boqortooyada Midawday ee Ingiriiska oo isna dhimashadu dhaaftay 43000 ama dhawr iyo afartan kun, wadanka saddexaad ee dhimashada xanuunkani waa wadanka wayn ee Baraasiil ee ku yaal laatiin Ameerika oo hadda dhimashadiisu ta Ingiriiska kor u dhaaftay in badan maraysana53000 iyo wax ka badan.



Saddexdan wadan ee kor ku xusani waxyaabo badan ayay wadaagaan oo ay ka mid yihiin, saddexdaba waxaa xukuma niman siyaasadooda lugu tiriyo xagjirka siyaasadda midigta ah islamarkaana burjuwaasnimadu ku qoto dheer tahay oo la odhan karo adduunka ama lacagta ayay nafta dadka ka hor mariyaan. Saddexduba waxay diideen talooyinkii dhakhaariirtu u soo jeedisay ee ay kula taliyeen inay wadamadooda gadoon ka dhigaan oo bandoo galiyaan markii xanuunku dilaacay illaa waqti dambe oo talo fara ka haaday.


Yurubta kale oo uu midba meel kala dhacay oo mid waliba la daandaansan yahay dhibaatada dhimasha iyo dhaqaala burburka uu gaadhsiiyay. Dhamaan wadamadu waxay ku muran san yihiin sida ugu fiican ee xaaladdan aan adduun waynuhu hore u arag sida ugu fiican ee loo maarayn karo. Dhawr arrimood waa isku raacsan yihiin in xanuunkan laysugu gudbiyo istaabsha iyo isku dhawaansho keli ah.


Waxaa kale oo ay isku raacsan yihiin dhawr arrimood oo ay u arkayaan in lagaga hortago ama lagu yareeyo isugudbintiisa sida;


1.    Kala fogaansho qoloba in ku sheegtay loona badan yahay 2 mitir oo ah inta qofka waxa ka soo duullaa sida qufaca iyo hindhisadu ka gaadhi karin qofka kale


2.    Afka oo la xidho si aad u yarayso waxa kaa soo duulaya iyo waxa ku soo gaadhayaba

3.    Faraha oo laga maydho ilmaqabadkii kaa soo raacay meelaha aad taabatay

4.    In la yareeyo isdhex galka iyo isku milan dadka dhexdiisa ah


5.    Haddii aad astaamaha xanuunka isku aragto is gadoomi oo meel gooni ah sida inaad qol isku xidho

Wadanka Iswidhan ayaa yidhi waxaan marayaa meel gooni ah wax talaabo ahna ma qaadayo, xaaladiisu aad ayay uga xumaatay marka la eego dhimashada soo gaadhay oo ka badan dhammaan wadamada ku xeeran ee ay isku midka yihiin, wuxuuna aad ugu calaacalay in aanu wadankiisa xidhin goortii wadamada la midka ahi xidhayeen wadamadooda.


Waxa laysku raacsan yahay adduunkoo dhan waxaa talo u  liidata waxba ha qaban marka dhibaato kula soo gudboonaato, tan waxaan ula jeedaa, waxaa isoo gaadha ama aan maqlaa in dadka Somalida in badan oo ka mid ahi aanay xanuunka dheg u dhigin isla markaana aanay aaminsanayn talaabooyinka la qaadayo ee xanuunka lagaga hortegayo, taasina waa arrin qalad wayn ah.


Ilaahay waxa aad awooddo ayuu kugula xisaabtamayaa laakiin wax awoodaada ka baxsan kugula xisaabtamimaayo, inta aad karikarto ayaa lagaa rabaa in aad samayso. Allah waa caadil waxuuna kuu diray waajibaad xadidan oo keliya kaas ayaa lagugula xisaabtamayaa. Waa inaan ka fikirnaa, qorsheynaa oo aan sameynaa xulashada sax ah laakiin, haddii mararka qaarkood waxyaabo aysan u dhicin sidii aan dooneynay, uma baahna inaan rajada lumino ama niyad jab inagu dhaco. Waxaanay aad ugu dhawdahay haddii aad shaqada u qabato sida ugu fiican Allah-na talo saarato waxay aad ugu dhawdahay inaad arrintaas guul ka soo hoyso.


Qof walba naftiisu waa ku qaali isaga, qoyskiisa, qaraabadiisa iyo wadankiisaba, is banbaani allah hayno nabad galiyo

 

[email protected], Dr Omar Noor, UK.

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...