Is-Dhex-Galku Waa Dhaxal Wareejinta Somaliland ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday June 25, 2020 - 11:22:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-Dhex-Galku Waa Dhaxal Wareejinta Somaliland ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

  Hees uu lahaa Cabdi Aadan Qays ( Ilaah caafimaad ha siiyo'e), oo ahayd jawaabtii heestii beled-weyn ee Hadraawi, kuna luuqayn jirey ( Ihun) " Maxamed Mooge Liibaan" Baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Nin iskii u baydaday, rakaad-kiisa boqonaha, alluun baa ka bixiyee, is ban-baanin waydaye" ujeedadda ay qeexayso murtidda sare ku taal, nin rag ahina waa garanayaa, ha-yeeshee loo sheegi maayo doqon, meel iskaga baydh, dhaba-dhilif lagu adeegto iyo mid maskaxdda xaafadi ka haysto, tuug xil ha laguu dhiibo is leh, aad hantidda ummadda ku xado, intaas iyo qaar kaloo badan, oo aad ku daba tukataan, qaar-kiina uba suguudaan, oo ku caabudda labadda askari beenta iyo maaweeladda dalka iy dadka lagu rogay. Waxan leeyahay ka soo maala waa idinkii ku sacab tumaayey, shirka jabuuti Guul buu ka keenay jaahilka dhegaha go'an ee " Raggii ma adigaa ka hadhay",  ee Hargaysa durbaanadda labadda cisho ka tumaayeye, waa taas runtii feedhaha ka dilaacday iyadda oo ah " Daahir Yaa Shamis" ee Rabbi xagga samadda miinadda kaga qarxiyey, beentii lagu lugoy-naayey ummadda iyo huuhaaddii lagu khaldaayey, ee kii uu ku xil qarsanaayey ( Ina Geele Basalka Jabuuti), uu ka daba keenay runtii, oo ah wixii beenta laga sheegay. La yaabi maayo, oo hore-ba waynu u ogayn " Seedi bay barataye Iyo Muqmad la sii qaado'e" in uu keliggii taliyaha Jabuuti uu yahay " Cadawga Koowaad Ee Somaliland".

 

Waxa la yidhi " Wax la qariyo-ba qudhun baa ku jira" oo micna-heedu yahay oo keliya" sababta loo qarinayaa in ay tahay wax dadka aan runta looga sheegayn, ee ay inta wadataa doona-yaan in ay ku khiyaamee-yaan shicibka daacadda ah ( ka hadli maayo kuwa leh Kubadda anaka baa wadana) siddii "Weli xaaji Cali"  Waa waxaan jirin waxay dadka u shegaan-ba, hoos-tana  midnino laga abaabulo-ba, markii uu "Seediggii" fashiliyey buu ku yidhi ka " Dhulbahante" loo maqaar saaray ee la yidhaaho "Faratoon" waar fashilaye badh qari, badh-na sheeg. Aan kuu soo koobo'e, Waxa la isu fasaxay, saxeexay, oo xayiraa-diina laga qaaday dhamaan in ay dib isugu soo noqdaan xidhidhaddii Somaliya  Iyo Soimaliland,  Waxa  waliba-na ay isu socdaan, oo la wadda yeesho, oo maamuladda la isku daro mudo sanad iyo badh guda-hoodda ah ( Wakhtiga ka horeeya intaan la qaban doorashadda Madaxnimo ee Somaliya

 

 Murti baa ahayd "Qudhaan-jooy naa ku quuso, soomaalaay-na wax ku qaado" Yaan been la idiin sheegin, ee waxay tahay xaqiiq-du, wax kaste waa fasaxa, isku darkiina waa dabayaa-qadda "2021Ka" haddii alle idmo,. wax mamnuuc ahina ma jiraan, Haddii ay tahay siyaasad, ganacsi, doorasho meel kaste laga ololayn karo, taas oo micna-heedu yahay, Askarigu "Waa raggii ma adigaa ka hadhaye" Markuu isi soo sharaxaayo Xamar buu tegi karaa, kana soo ololayn karaa, oo sanaaduuq-diisa la dhigi karaa, isaga oo doonaaya in uu Gurigga Moorgan mar kale ku sii jiro, Sidoo kale kan Mareexaan ee "Daba-gaale Farmaajo" Wuxu imaan karaa Meel kaste oo Somailand ah, ugana ololayn karaa kursiga uu hadda meherul-shardida ku qabo ee Somaliya ". Wax iska hor taagi karaana ma jiraan, waayo heshiiskii Jabuuti baa ibaaxeeyey, in wax waliba ay isu furmeen, laguna dhawaaqi doono isku dar mudadda aan kor ku xusay. Sidaas awgeed, haw fadhiyin, kii askariga u sacab tumaayeyaw wax Somaliland la yidhaaho oo dambe baa jira. Adiga laf-taadu markaad cadaalad darradad, eexdda, beel la colawga ah, cuqdadda reeraysan iyo u kala ab-tirinta ku raacday, colaadaha foodda la isu gelinaayo beelaha aad ka daa odhan wayday, sidaas baad rabtaye, intaad joojiso munaafa-qadda, ku abshir Somaliland in uu eygan aad daba ordaysaan xaraashka dhigay, dibna aan loo maqlayn, ilayn mar-kiisii hore-ba ka shaqayso iyo hantidda dan yarta aad boobtid, buu laaluushka 2 milyan ah u siinaayey kuwa aad ku sheegtaan " Komishanka" Biidhi-qaataha ahe. Saw imika wiish kulama sare kicin, maantana ma waxad i odhan doontaa beel kale siiba "Garaxajis" baa Somali weyn raba? Ka hadeer geeyey, ee halkaad ogayd dib ugu dhiibay, saw adiga maaha? Ma cid kalaad mar-marin doontaa, oo aad kula meeraysan xajiinta ah "ila-meerayso".

* N.B Qudhaan-jooy Naa Ku Quuso!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...