Tallo Ku Socota Madaxadaxweyne Geele Iyo Muuse Kuna Tacaluqda muwaadinka Xidhan Ee Reer Somaliland

0
Thursday June 25, 2020 - 10:37:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallo Ku Socota Madaxadaxweyne Geele Iyo Muuse Kuna Tacaluqda muwaadinka Xidhan Ee Reer Somaliland

    Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hamse Riiraash



 

Mar hore salaan shabakada caalamiga hadhwanaagnews

 

Ismaaciil omar geeloow madaxweyne muusoow i dhegeysta si wacan,waxa jira muwaadin u dhashay somaliland muwaadinkaa oo si dulmi ah looga qafaashtay dalkiisa ,dawladii wakhtigaasina u gacan galisay dalkaaga waa geelaan  la hadlayaaayee.

 

Muwaadinkaas waxa laga kaxaystay dalkiisii waa muusaan la hadlayaayee ,kaasi oo la garba duubay iyada laga tallaabsaday  xaqnimadii iyo distuurkii dalkeena oo dhigaayay in muwaadin dal kale  loo dhiibi karin.macal azaf

Ĺll

Ninkan wuxuu kasoo jeedaa somaliland waa geelaan la hadlayaayee, waxa uu ku dhashay aaggaga iyo dulleedka dhulka gebiiley qoyskooguna waa qoys culima ah oo ganacsiyada ku fiican.

 

Aabihii wuxuu ahaa macalin weyn oo tacab badan galiyay barashada diinta iyo caqiidada higaada iyo nuxurka aqoonta waa muusaan la hadlayaayee.

 

Inankan wuxuu ahaa nin dub wanaagsan oo kasoo  jeeda qabiil nasabiyana oo meel walba laga ixtiraamo oo karaaamo iyo cisi kuleh dhulka soomaalida dagto waa geelaan la hadlayaayee.

 

Qabiilka uu kasoo jeeda waa dad ku sifaysan gobonimo deeqsinino iyo wanaag waana qabiil aad  tiro badan dhankastana ka barakaysan waa muusaaan la hadlayaayee.

 

Haddaba muuse iyo geelow ka hawl galla sidii loosoo dayn lahaa xoriyadiisana uu u helli lahaa cabilaahi sh abdiraxmaan ibraahim.

 

Xukuumaddii qafalatayna cashar ha u noqoto kamay faa'idinee.waakuwii fashilmee.

Hamse Riiraash

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...