26 June Malin Inagu Weyn Sida 18Ka May.

0
Thursday June 25, 2020 - 10:31:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    26 June Malin Inagu Weyn Sida 18Ka May.

    W/Q: Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamse Riiraash

Somaliland waa dal baaxadiisu weyntahay,waana dhul masaafadiisu balaadhantahay,iyada oo ku taal goobo istaraatijadeed oo u muhima marin biyood layaable oo ay maraakiibtuna iskaga kala gooshaan taasi oo kulaasha baab al mandab.

 

Waa lowyo cade ilaa laasqoray waana meeshii  muddo ku dhow boqol sanno ku hoos jir jirtay gumeystihii weynaa ee qoraxdu calankeeda ka dhici jirin.gumaystihii loo yiqiin great britian.

 

Wakhti wakhtiyada ka mida oo ay afrikaanku badankoodu hurdaan ayay baraarugeen wadaniyiin fardo fuull halyeeya ah kuwaas oo ka kacay kacdoono isla markaana dagaalo  ku kiciyay gummaysigii engriiska.

 

Muddo labataneeyo  sannay kula jireen halgan kuwaas oo ka halgamayay aaggaga talleex iyo dhulka ku  teedsan.

 

Marki danbe ee gummeysigii wax ka qaadi waayay halgamayaashii daraawiishtee ayay u adeegsadeen diyaarad taas oo noqotay meeshii ugu horreeyey ee afrikaba diyaarad lugu weeraro.

 

Balse halgankii ay daraawiishtu shideen halkaa kumay joogsan Xilliyo danbe ka bacdi ayay soo if baxeen kuwa kale oo iyaguna gobbonimo doona ah.

 

Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen faarax oomar iyo sheekh bashiir iyo xaaji aadan  ilaa laga soo gaadhayay waxa kaloo iyadna  ay tahay in la xuso xisbiyadii gobonimo doonka oo cigaalyo hoggaaminayeen.

 

Dhamaan in kastoo ay inaga luntay gobonimadaasi somaliana  ku hallaynay oo ku tuurnay haddana inay somaliland maanta haysato nabad madaxbanaani  iyo qaranimo.waa alxamdulaah 26june maalin inagu weyn.waakii gabayaagii weynaa lahaa allow yaa darwiishkii fariin dabacsan gaadhsiiya.hanbakiyo shacabka jamhuuriyada somaliland



W/Q: Hamse Riiraash

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...