Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Q,7-aad)

0
Thursday June 25, 2020 - 10:04:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha (Q,7-aad)

    Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

 

"Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa? Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?,.” Waa Qormo Xiiso Badan oo uu qoray Qoraa Maxamed Faarax Qoti

 

Maahmaahdan "Dadku hadalka ayey isku af-gartaan, xooluhuna urta,” waxa loola jeedaa in dadku ay isku af-gartaan hadalka, halka xooluhuna ay isku af-gartaan urta iyo dhawaaq coded, inkastoo, noollayaasha kale aanay awoodi karin in ay ku dhawaaqaan dhawr xaraf wax ka badan, sida marka geellu uu reemayo ama uu ololayo ama uu dunuunucayo, Lo’duna ay dinnaahinayso, Dacawadu ay wishiirrirayso, Adhiguna uu shalaadayo iyo haddii libaaxu uu gurxamayo ama uu qawdhamayo.

Laakiinse, dadku waxa ay leeyihiin doob codka sifaysa oo leh onkod dhawaaq oo u gaar ah una baahan hawo uu raaco, isla markaana, haysta taxanne shaqallo iyo shibbaneyaal, isku-xidha weedhaha macquulka ee aasaasska u ah hadalka dhawaaqa afka-bani’aadamka, kaasoo ah baadi-sooc ka kooban erayada ay ummadi isku af-garto ama ay isku fahmaan. Allaah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa tiriyeytix maanso la yidhaahdo Tanaad sannadkii 1972-kii, waxaanay Tanaad tidhi;

"Caalinow, Ta’ iyo Woow

Bal tixraac halkaan maro

Tukayaasha duulaa

Warka waysu tebiyaan

Waa af-tahan qu dhaanjadu

Geeluna tawaawaca.

 

Kolka biyaha loo tubo

Ways tibaax yaqaannaa

Tigaaddaad arkaysaa

Kaftan ay taqaannay

Hoos-ka-tuur u leedahay

Taaha adhigu waa hadal

Urtu waysku tooy daa

Toggagiyo dabayluhu

Tookh bay la reemaan

Tinkir buu aboorkuba

Toos ugu xidhiidhaa

Daruuruhu tub gaadhay

Heesaha u tiriyaan;

Dhulku wuu tiraabaa;

Tuska roobka dayruhu

Onkod buu ku taamaa

Waxay hoga-tusaysaa

Afku nolosha waw tiir

La’aantiisna tuur iyo

Tulux lagama waayeen

Tayo may lahaateen

Dhaqan lama tallaaleen

Qaran lama tusmaysteen.

 

Nin kastaa ha tookhee

Far baa lagu tanaadaa.

Haddii qalinka loo tudho

Wax-qoraalka laga tago

Lama taabbaggeli karo

Waaq iyo Tinniix iyo

Bal Tin-caaro weyddii

Soo tiri ayaamaha

Taariikhda raacdee!

Afkaygow, tabaaliyo

Maxaad taws ku nooleyd!.

 

Maxaad belo u taagneyd!

Shisheeyuhu tab iyo xeel

Muxuu kugu tuntuunsaday

Tisqaadkaaga dhaawacay!

Maxaa gabay tilmaannaa

Maahmaaho toolmoon

Maalmuhu tireenoo

Qalbigaygu tebayaa!

Maxaa erey tafiir-go’ay!

 

Maxaan maanso teeri ah

Tacab ba’ay ka joogaa!

Sida ay u taxan tahay

Murtidaadu tabanaa

Teelteella badanaa!.

 

Maxaa sheeko taabud ah

Tawraadi faallayn

Weli nebina soo tebin

Kaa tasoobay oo lumay!

 

Ubadkaagu toos iyo

Maxay talada seegeen!

Maxaa taar mid soo diray

Ka kaleeto tuuroo

Laba tulud wadaagtaa

Turjubaan u baahdeen!.

 

Qoraalkaagu tacab iyo

Muxuu dhigay turxaannoo

Tartan ba’an aloosoo

Colba doc iska taageen!

Allaylehe tabtaan rabay

Haddaa lagu tixgeliyoo

Tacluustii wadeecada

Caawaba ka togatee

‘Taw wiif’ ka siiyoo

Taltallaabso maantoo,

Murtidaadu waa toge!

Taageer hiddaha oo

Sayidkii ku toosoo

Taabsii xogtaadoo

Ku tirow Balaayacas!

Soo toosi Haabiil!

Raage taranta gaadhsii!

U tukubi higgaaddoo,

Soddon tirada dhaafsii!

Toban shaqal ku geeraar!

Shibbannaha ku taakuli!

Hadal lama tasoobee

Guddigii ku tiirshee

Kugu taxay xuruufaha

Mahad iyo tahniyad sii!

Taalladay mutaysteen,

Ka dul-taag Cirjiidhyada.

 

Marka qof lagu sameeyo waxaanay sakaaro ka biiqsan, ee uu doonaayo in uu sameeyo xumaan ka weyn dhibtii fududeyd ee loo gaystay, ayaa loogu maahmaahaa, maahmaahdan, "Baroortu orgiga ka weyn, Ergo wixii la fa’rona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa, Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuma geyso, Geel duq baa loo tumaa, Dhibaabe nin leh baa leh, Gar dabadeed, guu- guu baan nacay” maahmaahdan, waxay tilmaamaysaa in marka laba nin loo kala garnaqo, ninkii gar lahaana gartiisa la siiyo, ninkii garta laga hellayna uu garwaaqsan waayo, ka dibna, meelahaas kaga hadlo erayo xanaf leh oo aan ku munaasib ahayn xeer-beegtidii garta goysay, ayaa loogu maahmaahaa.

 

Sidaas bay Maahmaahdu kaga duwan tahay,,……La soco………

 

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...