Waa Kuma Sheekha Caanka Ah Ee Tiktok Istcimaala?

0
Thursday June 25, 2020 - 08:59:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Sheekha Caanka Ah Ee Tiktok Istcimaala?

    "si ula kac ah ay u martigeliyeen waxyaabo ay soo bandhigeen carruur yaryar".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"si ula kac ah ay u martigeliyeen waxyaabo ay soo bandhigeen carruur yaryar".

TikTok waxaa la rumeysan yahay in 500 oo milyan oo qof ay si joogto ah u isticmaalaan, daafaha caalamka oo dhan. Kuwa ugu badan waa dhowr iyo toban illaa 20 sano jirro.

Bartan oo muuqaallo yaryar oo kooban la geliyo waxaa aasaas u ah waxyabaha la xiriira muusikada.



Tusaale, dhallinyarada waxay usoo lebisanayaan sida ay doonayaan, ka dibna muuqaal ayey iska duubayaan iyagoo hees dhageysanaya - muuqaallada noocaas ah waxay gaaraan meelo fogfog.


Hase yeeshee sanadahan dambe waxaa baraha bulshada ay kuwa xiriirto kusoo biirayay wadaado badan oo Soomaali ah kuwaasoo wacdiga iyo faafinta diinta halkaa u mariya bulshada ku xiran.


Sheekh Maxamed Ibraahim oo ku magacadheer Kinyaawi waxa uu noqday wadaadkii ugu horreeyay ee inta la ogyahay ku biira bartan ay dhalintu u badan tahay ee TikTok


Kinyaawi ayaa rumaysan in dhalinta bartaas ku xiran ay u baahan yihiin wacyi-gelin gaar ah, si looga qabto xumaanta. Sheekha oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in markii lagu ogaaday inuu barta TikTok ku soo biiray ee dad badan la yaabeen waxayna dheheen war sheekha yaa u sheega meeshaan ineysan ahayn meel wanaagsan oo xumaanta lagu faafiyo.


Laakiin waxa uu sheegay in markii dambe ay ogaadeen sababta uu ugu soo biiray iyo waxaa uu ujeedkiisu yahay ay soo dhaweeyeen.


''Dadka waxay haatan leeyihiin sheekh muddo toddobaad gudhii inaad ku hesho 65 kun oo macaamil ah oo boggaaga ku xiran wax sahlan ma ahan waxayna igu boorriyeen inaan sii wado howshaan".


''Aaladdan TikTok waxaan dareemay iney tahay nicmo Alle ina siiyay oo mudan in lagu shukriyo, shukrinteedana waa marka qaabka wanaagsan loo isticmaalo,'' ayuu yiri Sheekh Kinyaawi.


"Aniga aaladdan waxaan u isticmaalaa inaan dadkayga ku wacyi-geliyo oo aan xumida kaga reebo, wanaagana ku faro"


"Markaan arkay in aaladdan inta badan lagu baahinayo xumida oo ay dhalin-yaradeeni si khaldan u adeegsanayaan ayaan go'aan ku gaaray iyadoo markii horeba aan dhalinyarada ehel u ahaa inaan istcimaalo TikTok aan dhanka wanaagga u adeegsado si aan dhalinteena halkaasi ku dhex habaabay u badbaadiyo"


"Dadka wey ku faraxsan yihiin iney barta ka helaan qof diinta dhankeeda ku wacyi geliya, weyna isoo dhaweeyeen, xitaa dhalinyaro aan Nayroobi kula kulmay waxay igu dheheen sheekh boggaagan ku xirannahay, aad ayayna ugu faxasanaayeen marka asxaab badan oo wanaagsan ayaan ka helay TikTok."


Sheekha oo la weydiyay sababta uu u xirtay muuqaalladiisa si aanan loola dagin ayaa sheegay iney muhiim tahay inuu xirto oo waxa uu sheegay iney weli jiraan dad aanan qalbiyadooda u bislaan wacyi-gelinta: "waxay sameenayaan si khaldan ayay sawirada iyo muuqaalada u adeegsanayaan si ay macaamil ugu heleen iyagoo sameysanaya cinwaano magacayga ah marka ilaa aan ka gaaro calaamadda buluugga ah sidaa ayuu u xirnaan doonaa".


Sidey Barta TikTok u shaqeysaa?

Dadka - oo u badan dhallinyaro - waxay barta u adeegsadaan in ay soo dhigaan muuqaal 15 il-briqsi ah. Qaarkood heeso ayay dhageysanayaan, kuwana majaajilo iyagoo adeegsanaya farsamooyiin aan caadi ahayn oo muuqaalka ay ku jarjaraan.


Muuqaalkaas wuxuu gaarayaa asxaab ay dadkaas garanayaan iyo kuwa aan la aqoon. Sida caadiga ah, dhammaan cinwaannada waa kuwo qof kasta uu daawan karo, in kastoo qofka cinwaanka sameysta uu dadka gaar ah ku soo darsan karo.


Falanqeynta ku saabsan sida aad markasta daawato ama si gaar ah aad ugu xiiseyso waxyaabaha qaar, ayuu TikTok kuusoo bandhigayaa xillikasta, wayna fududahay in aad xakameyn waydo codadka iska soo daba shanqaraya.


Sidoo kale dadka isticmaala waxay raadin karaan muwduucyo gaar ah ama dad ay xiiseeyaan iyagoo ku dhufanaya hashtag-ga.


TikTok wuxuu sidoo kale leeyahay qaab farriimo gaar ah la isugu diro, taasna waxay ku kooban tahay dadka asxaabta oo keli ah.


Qofkasta oo ka weyn 13 sano ayaa adeegsan karo iyadoo waalidka ay xakameynayaan.

Shirkadda kuma cusba in muran ay dhexda u gasho. Sannadkii la soo dhaafay, si kumeelgaar ah ayaa Hindiya looga xannibay. Baaritaan Mareykanka uu sameeyay oo ahaa ka hortagga sirta la xado ayaa sababay in $4.3 milyan oo dollar lagu ganaaxo ka dib markii "si ula kac ah ay u martigeliyeen waxyaabo ay soo bandhigeen carruur yaryar".

 

BBC

Loading...
Loading...