Wasiirka Tamarta Somaliland oo Shirkadaha Laydhka Amray inay Qiimaha ka jebiyaan Bulshada

0
Wednesday June 24, 2020 - 20:34:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Tamarta Somaliland oo Shirkadaha Laydhka Amray inay Qiimaha ka jebiyaan Bulshada

    Wasiirka Tamarta Somaliland oo Shirkadaha Laydhka Amray inay Qiimaha ka jebiyaan Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Tamarta Somaliland oo Shirkadaha Laydhka Amray inay Qiimaha ka jebiyaan Bulshada

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, ayaa ugu baaqay Shirkadaha adeegga Laydhka bixiyaa inay Bulshada u jebiyaan qiimaha ay ka qaadaan, maaddaama oo uu qiimaha Shiidaalku jabay, isla markaana dhaqaalaha Dunida oo idil saamayn ku yeesheen xayiraadaha ka dhashay xannuunka COVID-19.


Wasiirka Tamartu qoraal uu soo saaray maanta, ayuu ku sheegay in qiimaha Shidaalku uu gaadhay qiime aad u hooseeya, isla markaana ay jiraan qoysas badan oo aan awoodin in ay bixiyaan qiimaha Laydhka ee shirkadduhu ku dalacaan. Sidaa awgeed loo baahanyahay in ay shirkaddaha uu ku xusay qoraalka jebiyaan qiimaha oo ay fuliyaan amarka Wasaaradda.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Jaamac, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal saxaafadeed uu ku saxeexnaa oo maanta kasoo baxay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Qoraalka Wasiirka oo lagu xusay magacyada Shirkadaha ay ku socoto farriinta xanbaarsan Awaamiirta la farayo Shirkadaha Laydhka amma Korontada ee Somaliland ka shaqeeya qaarkood.
AMARKA WASIIRKA TAMARTA SOMALILAND EE SHIRKADAHA LAYDHKA 2020
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...