Xukuumada Muuse Biixi Oo Si Toos Ah U Fulisay Heshiiskii Isdhexgalka Ee Ay Soomaaliya Kula Gaadhay Muqdisho

0
Wednesday June 24, 2020 - 19:09:09 in News by
  • Visits: 1864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Si Toos Ah U Fulisay Heshiiskii Isdhexgalka Ee Ay Soomaaliya Kula Gaadhay Muqdisho

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Si Toos Ah U Fulisay Heshiiskii Isdhexgalka Ee Ay Soomaaliya Kula Gaadhay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Si Toos Ah U Fulisay Heshiiskii Isdhexgalka Ee Ay Soomaaliya Kula Gaadhay Muqdisho


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa si rasmi ah u fulisay qodob ka mid ah heshiiskii ay soomaaliya kula gaadhay wadanka Jabuuti.


xukuumada somaliland ayaa maanta xoriyadoodii u celisay laba fanaan oo mudo ka badan laba bilood ku xidhnaa magaalada Hargeysa ka dib markii ay la soo laabteen socdaal ay ku tageen magaalada Muqdisho.




Maxkamada racfaanka gobolka Maroodijeex ayaa  maanta amartay in la sii daayo fanaaniinta Xamda Qaali Iyo Barwaaqo Qalanjo oo magaalada Hargeysa ku xidhnaa mudo kor u dhaafaysa laba bilood iyada oo maxkamada gobolkuna hore ugu wayday wax dambi ah oo ay galeen.


Marar badan ayaa sidan oo kale waxaa magaalada Hargaysa loogu xiray, dad magac ku dhex leh bulshada Soomaaliland oo ka soo jeeda isla deegaanna Soomaaliland, kadib markii ay safaro kala duwan ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.


Dhinaca kale sii daynta fanaaniintan ayaa waxa ay qayb ka tahay heshiisyadii dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ku wada galeen shirkii ka dhacay magaalada Jabuuti, kaas oo ahaa in aan la carqaladeyn isku socodka arrimaha bulshada sida waxbarashada, ciyaaraha, fanka,caafimaadka iwm.

Loading...
Loading...