Ma Sharbaa Isu Socodku? FAALO.

0
Wednesday June 24, 2020 - 11:48:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Sharbaa Isu Socodku? FAALO.

    W/Q: Mustafe Isse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mustafe Isse

 

Shacabweynaha reer Somaliland, ayaa si weyn uga dareen celiyay heshiiskii ka soo baxay dalka Jabouti 22/ 06/ 2020ka ee ku saabsanaa qodobadii ay isla gaadheen Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Rayalcaamka shacabka oo ku kala aragti duwanaa, ayaa qaar ka mid ahi u arkayeen in aanay shido ku jirin haddii la aqbalo in inta ka hadhsan siyaasiyiinta xilalka haysa ama iyagoon xilal hayn u ololeeya isku darka labada dal ee Somaliland iyo Somaaliya.

 

Kuwa aragtidan qabaa waxay ku doodayaan in Somaliland aanay ahayn quraarad jabaysa oo ay wax yeeli karto dad shacab ah oo ka soo danaysta Muqdisho ama fanaaniin reer Somaliland ah oo bandhigfaneedyo ku soo qabsada dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, sida ay ugu soo qabsadaan dalka Jabouti, xitaa haddii ay maalmaha qaranka Soomaaliya la xidhaan calankooda, sida ay ula xidhaan xafladaha reer Jabouti ama ay kooxaha fanaaniinta ah ee reer Soomaaliya inoola weyneeyaan maalmaha qaranka Somaliland sida 18 May.

 

Aragtida noocan ah kuwa qaba ayaa ku doodaaya in qadiyada Somaliland ay tayay n laga soo dhiraandhiriyo dalka aynu kala baxayno ee 30ka sano aynu dawlada qudha wada ahayn.

 

Fikirka dadkaasi waxa si weyn uga soo horjeeda qaar kale oo aaminsan in qodobada laga soo daba-saaray wefdigeena inuu ahaa dabin loo maleegaayo shacabka reer Somaliland oo lagu niyad jebinaayo si ay hoos ugu dhacdo iimaankii ay ku qabeen in ay noqdaan qaran madaxbanaan oo ay 30kaa sanadood wax walba u hureen.

 

Dhabahaantii waxa faaqidayaasha arrintan ka faaloonayay 2dan cisho ay aaminsan yihiin in fanaaniinta iyo kooxaha ciyaaraha oo is weydaartaa ay qayb ka tahay barnaamijkii Villa Soomaaliya ee ahaa "is dhexgalka bulshada", ee ay indhawyd xukuumaddeenu inooga degi jirtay, kaasi oo dhalinyaro badani xabsi ku galeen, qaar Somaliland u dhashayna loogu masaafuriyay Soomaaliya.

 

Si kastaba xaalku ha noqdee waxaynu u deyn doonaa jawaabta arrintan bulshada iyo wakhtiga.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...