Faallo:-Muxuu Ka Dhiggan Yahay Qoddobka Isku Socodka Ee Hoggaamiye Biixi Ogollaaday?

0
Tuesday June 23, 2020 - 17:08:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Muxuu Ka Dhiggan Yahay Qoddobka Isku Socodka Ee Hoggaamiye Biixi Ogollaaday?

    Faallo:-Muxuu Ka Dhiggan Yahay Qoddobka Isku Socodka Ee Hoggaamiye Biixi Ogollaaday?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Muxuu Ka Dhiggan Yahay Qoddobka Isku Socodka Ee Hoggaamiye Biixi Ogollaaday?
Hargeisa(HWN):-Shirkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee 14-kii bishan aynu ku jirno ee June ka furmay magaaladda Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti, waxa maalintii shalay ee taariikhdu ahayd 22-ka bisha June, laga soo saarray Warsaxaafaddeed ka koobban Afar Qoddob oo ay soo saarreen labaddii Guddi ee matallaayay WADA-HADALLADII u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanna Afartaa qoddob ku jirey Qoddob xaasaasiya oo saamayntiisa leh, kaasoo ka mid ahaa Qoddobadii ay bilowgii shirka wada-hadallada ay Soomaaliya miiska soo saartay, inkastoo markii hore ay Weftigii matallaayay Soomaalilaand ay ka biyo-diiddeen, isla markaanna iska soo taageen inay qaataan.
Muuse Biixi oo weerar Culus ku qaaday Madaxweyne Farmaajo ...


Warsaxaafaddeedkii laga soo saarray Wada-hadalladii u dhaxeeyay Soomaalilaand iyo Soomaaliya oo Afar Qoddob ka koobban waxa uu dhigayaa Qodobkiisa Afraad, isla markaanna uu u qoran yahay sidatan "Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya."

Haddaba, marka ay siddaas tahay muxuu ka dhiggan yahay Qoddobkan ay ogollaadeen Weftigii wada-hadallada u matallaayay Soomaalilaand? Marka ugu horraysa Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay ogollaadeen isku socod bulsho, mid ganacsi, mid Ciyaarreed, mid dhaqan, mid Waxbarasho.! Waxa kale, oo jira oo ay gacanta ku hayaan Guddiyo farsamo oo ka wada shaqaynaaya waxyaabaha la xidhiidha Amniga. Haddii ay Soomaalilaand aqbashay intaas oo dhan waa maxay Madax-bannaanida uu ku dooddaayo Hoggaamiyo Muuse Biixi?

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaalilaand Siciid Sulub Maxamed oo ka mida Guddiyadda farsamo ee matallaayay Soomaalilaand waraysi uu bixiyay 17-kii bisha waxa uu sheegay inay Shirkaas ku kala kaceen labaddii dhinac ee Soomaalilaand iyo Soomaaliya kala matallaayay, kadib markii uu sheegay inay la yimaaddeen Qoddob ah "Is dhexgalka iyo isu-socodka bulshadda" isagoo tilmaamay in Qoddobkaasi yahay ama uu uga dhigan yahay dhinaca Soomaaliya inay xaqiijisay Midnimaddii, waxaannu yidhi

"Shirkaas waannu ku kala kacnay, markii aannu oggaanay inaanu wax faa'iiddo ah noo lahayn. Waxyaabaha aannu isku diidnay waxa ka mida isdhex-galka Shaqaalaha dawladda iyo Siyaasiyiinta xilka haya ee Xamar jooga inay Hargeisa iman karraan, dabaddeedna ay xaqiijiyaan inaynu Maamul-gobolleed nahay, taasna waannu diidnay." Ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub oo u waramaayay telefishanka Bulsho tv, taariikhdu markii ay ahayd 17-kii bishan June ee aynu ku jirno.

Haddaba, Iswaydiintu waxa weeye ma markii hore ee ay diiddeen ayay Waalnaayeen mise markan danbe ee ay qaateen Qoddobkii ay u arkayeen innuu midnimadda iyo doonista Soomaaliya xaqiijinnaayay ay ogolaaddeen?! miyaannay midnimaddii ay markii hore Qoddobkaas ku diiddeen imikanna ku jirin oo aannu midnimaddii oo ay qaateen uun ka dhignayn? Bal-adba!

Ha-yeeshee arrinta kale ee Shakiga iyo Tuhunnada badani ku xeeran yihiin waxay tahay taariikhda uu Shirku dhammaaday iyo taariikhda la soo saarray Warsaxaafaddeedka oo Afar maalmood u dhaxeeyaan, taasoo ah Callaamad kale oo muujinnaysa inay jiraan Macluumaad badan oo aannay Weftiga Soomaalilaand la waddaagin shacabka, isla markaanna caddayn u ah in wixii uu ka hadlay hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi ay ahaayeen Been uu ku meerlaxowsannaayay shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa jira madmadow iyo tuhunno ku xeeran Weftigii Somaliland uga qayb-galay Wada-hadalladii ay la yeesheen Weftigii Soomaaliya ee ka qabsoomay dalka Djibouti. Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ka hadlay Warsaxaafaddeedka ka soo baxay Shirkii Djibouti ayaa waxay Qoddobka Afarraad ee War-murtiyeedkaas ku tilmaameen inuu yahay mid muujinnaaya Midnimaddii iyo Doonistii Soomaaliya, waxaannay Xukuumadda hoggaamiye Biixi ugu baaqeen inay ka hadlaan oo Ummadda reer Somaliland u sheegaan waxyaabaha dhabta ah ee jira iyo War murtiyeedkii u danbeeyay waxa uu Somaliland uga dhigan yahay.

Faallo:-Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Soomaalilaand

Loading...
Loading...