'' Waxba Laguma Heshiinin ''.

0
Tuesday June 23, 2020 - 14:43:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Waxba Laguma Heshiinin ''.

    Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahmed Nour Guruje

Qodobka odhanaya , dadka caadiga ihi ha isu socdo socdaal aan syaasad ahayn , wax macne ah samayn maayo waayo horreba dadka soomaaliyeed way isu socdeen , Xoolaha Libooye iyo mandheera ayaa Berbera ka dhoofa , sonkarta Berberana Imey Qalaafe iyo faxfax-dhuun bay tagtaa iyo Luuq .



Qodobka odhanaya Hawadda Somaliland hala wada maamulo , Hawadda Somaliland horre waxaa loogu wareejiyey Soomaaliya iyadoo aan ka soocnayn hawada kale ee Soomaaliya in maanta Soomaliya ogolaatay in lala maamulo waxaa lagaga gudbay qodobkii horre loogu heshiiyey ee ahaa hawadda hala wada maamulo , kana waxaa uun nuxurkiisu yahay Somaliland hawadeeda oo ah qaybta ay maraan diyaaraha ugu badani lacagteeda iyo maamulkeeda Hargaysa hala keeno .


Qodobka ugu dambeeya ee mucwaanidda in aan la siyaasadayn isugu wax cusub maaha .

Intaas oo dhan ka dib maxaa socda .


Soomaliya maqaamkii laggu wada hadlay iyo go'aanadda shirka midna kuma faraxsana waxaanay durba bilowday siday uga bixi lahayd wada hadaladda iyadoo aan ka xanaajinayn dhexdhexaadiyayaashana ( Retreat tactics ) , sidaa awgeed waxay miiska soo saaraysaa laba qodob oo kala ah ,


1- Maamul goboleed dhaq-dhaqaaqiisu mogdisho ka socdo oo bariga somaliland ku wajahan .


2- Ergooyin kasoo jeedda Somaliland oo laggu daro gudiyadda farsamada , labadaa qodobna waxay soo afjarayaan wada hadaladii awlaba itaalka darnaa .

Odoroskayga Mustaqbalka dhaw .


Inta ka hadhay mudada farmaajo qalalaase siyaasadeed iyo gacan-ka hadal dhaca meesha lagama saari karro , wada hadalada iyo mustaqbalkooduna waxay ku xidhnaan doonaan Dawladda ka danbaysa Farmaajo .

 

Ahmed Nour Guruje

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...