Maanso Same Fale Coldoon Aan U Hibeeyay.

0
Tuesday June 23, 2020 - 10:18:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso Same Fale Coldoon Aan U Hibeeyay.

    Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hamse Riiraash
Maansadan  wa maanso aan u hibeeyay samafale coldoon sifo kastoo ay maansadu cabirayso waa halbeeg xaqiiqa intaas oo dhan maansada ka dhex dhugan doontaan waa ku sifaysanyahay halyey coldoon.

Darajada ilaahiyo
Deeqihiisa weynee
Daa'in isagu bixiyo
Ruuxii uu doonuu
Dusha sare u geeyaa
Waxa taa daliil u ah
Daah uuna saarnayn
dadkoo ay ogsoonyihiin,
Sidii loogu dooday
wixii duni ku noolaa
Qaylo dhaan damayn
Ugu dirayeen duhurkii
Dadka kooga cad iyo
Kooga diirka afrika
Kooga dayr dhex joogiyo
kooga darbi jiifiyo
koogii daar ku noolaa
Carab iyo dadkeediyo
Soomaali duulkeed
Kii dibada jiray iyo
Kuwii dalka joogay
Dunidii dhamaanteed
afarteedii dacalbaa
Daa'inkay u galiyay
Jacayl aan dugoobin
Marlay aan daxlaynin
Nin danyarteena u damqada
Dulmanaha u dooda
Wanaag kastoo dilaaca
Dadaalkeeda ku jiruu
Daa'iman ahaayee
Imisuu duruusiyo
u dhigayay dadnimada
Dulaab aad u farabadan???



Hamse Riiraash
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...