Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

0
Tuesday June 23, 2020 - 09:43:41 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

    Guddoomiye Cumar Filish iyo Guddoomiye Gacal Nuur ayaa ka wada hadlay horumarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Cumar Filish iyo Guddoomiye Gacal Nuur ayaa ka wada hadlay horumarka





Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal.

 

Guddoomiye Cumar Filish iyo Guddoomiye Gacal Nuur ayaa ka wada hadlay horumarka ay ku tilaabsatay Caasimada dalka sanadihii ugu dambeeyey gaar ahaan dhanka Waddooyinka laamiga, Dayactirka dhismooyinkii burburay ee Dawladda, taalooyinkii iyo astaamihii Qaranka, soo celinta Bilicda iyo Muuqaalka Caasimadda.

Guddoomiye Gacal ayaa xusay in Duqa Muqdisho uu Galmudug u balan qaaday in uu gacan wayn ka geesanayo soo celinta iyo tayeynta Hay’adaha Curdanka ah ee Dawlad Gobaleedka Galmudug, gaar ahaan dhismaha Baarlamaanka, iyo Bilicda Caasimadda Dhuusamareeb.

 

"Waxa uu iiga waramay horumarka ay ku tilaabsatay Caasimadsa danadihii ugu danbeeyey dhinac kasto ha’aato, Cumar Filish ayaa u balanqaaday Galmudug in uu Gacan wayn ka geesanayo soo celinta iyo tayeynta Hay’adaha Curdanka ah ee Dawlad Gobaleedka Galmudug, gaar ahaan Dhismaha Barlamaanka, Galmudug, Qurxinta Muuqaalka iyo Bilicda Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb” ayuu yiri Guddoomiye Gacal.

 

Si kastaba Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoona u jooga howlo shaqo.


Loading...
Loading...