"Waxay Jeclaan Lahayd Inay Dalkeenna Ka Dhigto Sida Dalkeedii Soomaaliya"

0
Monday June 22, 2020 - 16:11:40 in News by
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxay Jeclaan Lahayd Inay Dalkeenna Ka Dhigto Sida Dalkeedii Soomaaliya"

    "Waxay Jeclaan Lahayd Inay Dalkeenna Ka Dhigto Sida Dalkeedii Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay Jeclaan Lahayd Inay Dalkeenna Ka Dhigto Sida Dalkeedii Soomaaliya"


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale bilaabay weeraradiisa ka dhanka ahaa Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareska Mareykanka.

TRUMP oo weeraray Ilhaan Cumar, una gefay Soomaaliya | Caasimada ...


Isagoo la hadlayey taageerayaashiisa ayuu sheegay in haweeneydan ay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale.


Waxa uu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay inay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleysta doorashada dhici doonto bisha Nofembar.


"Waxay jeclaan lahayd inay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale- Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa inay noo sheegta sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yidhi Trump.


Hadalka Trump ayaa si weyn loo cambaareeyay. Qaar ka mid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa ku tilmaamay inay tahay khalad in Trump uu weerar ku qaado Ilhaan oo tacsi ku jirta kadib geerida aabaheed oo afar maalmood ka hor u geeriyooday xannuunka COVID-19. Qaar kale ayaa xusay in Ilhaan ay tahay muwaadin Maraykan ah islamarakana aanay habbooneyn in Trump uu la xidhiidhiyo dal ay ka soo qaxday iyadoo caruur ah. Madaxweynahan macangagga ah ayaa maalmihii ugu dambeeyey dalka Maraykanka ka bilaabay ololihiisa doorashada ee uu doonayo in dib loogu soo doorto.

Loading...
Loading...